Nuuriya Cabdinuur : Waan ku hungoownay soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya
Ganacsatada Khaatka ee Kenya ayaa sheegay inay ku hungoobeen soo celinta xiriirka uu dalkooda la leeyahay Soomaaliya, iyagoo filayay in khaadkooda ay u dhoofin karaan Muqdisho.
Khaad xalay loo dhoofin rabay Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in uusan gaarin halkii loo waday, sida ay sheegeen ganacsada dirsatay.
Nuuriya Cabdinuur Xasan oo ka tirsan ganacsatadaas ayaa BBC u sheegtay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray, iyada oo sheegtay in lacagihii ay ku shaqaysanaayeen ay Soomaaliya uga xayiranyihiin.
"Waxaa nagula yiri Soomaaliya iyo Kenya wey heshiiyeene khaadkiina soo rarta, garoonka diyaaradaha ayaan gaynay kaddibna khadkii waa nagala xareeyay, waxaana markii dambe nagula yiri Soomaaliya qaad dhulkeeda ka dagaayo malahan." Ayey tiri Nuuriya.
Waxay sidoo kale sheegtay in aysan jirin cid u sheegtay ilaa hadda in khaadkoodii la dhoofiyay iyo in uu Kenya weli yaalo.
Nuuriya ayaa dhanka kale sheegtay in aysan garanaynin sababta dhabta ah ee aysan khaadka u dhoofin karin xilli khilaafkii Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeyay ay ka heshiiyeen, iyada oo sheegtay in lacagihii ay ku shaqaysanaayeen ay Soomaaliya uga xayiranyihiin.

Xigashada Sawirka, OFFICE OF THE PRIME MINISTER-ETHIOPIA
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in Soomaaliya ay dib usoo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Kenya ka dib markii ay xiriirka u jartay bishii Deseembar, iyadoo xukuumadda Nairobi ku eedeeysay inay sii faringelin ku haysa arrimeheeda siyaasadda.
Xukuumadda Nairobi ayaa dhankeeda war qoraal ah ku sheegtay inay dooneyso in xiriirka labada dal ay mas'uuliyiinta Soomaaliya sii wanaajiyaan.
Dhanka kale Madaxtooyada Kenya ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay kaliya in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ka helay "fariin gaar ah" amiirka Qadar oo uu u gudbiyay ergeyga gaarka ah ee wasiirka arimaha dibada ee "dhexdhexaadinta xallinta khilaafaadka" u qaabilsan Qadar.

Xigashada Sawirka, NATION
Sideey xayiraadda qaadka u arkaan beeralayda Kenya?
Beeraleyda qaadka ee dalka Kenya ayaa horay u sheegay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray xayiraadda la saaray qaadkii ay u dhoofin jireen waddanka Soomaaliya.
Qaadka la geeyo Soomaaliya ayay sheegeen in fursad shaqo ay u aheyd dad badan, kuwaas oo ay sheegeen in haatan ay shaqo la'aan noqdeen.
Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin beeraleyda jaadka ee dalka Kenya, ayaa BBC-da u sheegay in maalin walba ay khasaaraan lacag ka badan 150 kun oo doollar, maadaama aanay jirin suuq la geeyo qaadkii ay Soomaaliya gayn jireen.
"Markii dowladda Soomaaliya ay qaaday xayiraaddii saarneyd badeecadaha la geeyo gudaha waddanka waxay ka reebtay jaadka, maalin walba waxaan Soomaaliya geyn jirnay 50 tan oo jaad ah taas oo u dhiganta 150 kun doolar maalintiiba , qaar badan oo kamid ah beeraleyda jaadka khasaare badan ayaa kasoo gaartay arrintaas,maxaa yeelay dakhliga kaliya ee aanu helno waa kan jaadka, anagu haddii aanu nahay beeraleyda jaadka iyo ganacsatada Soomaalida wax inoo dhexeeyo habayaraate ma jirto"