Sagaal Mataane ah Mali: Jawaabaha cajiibka ah ee uu bixiyay aabihi ay halmar u dhasheen sagaalka canug

Xigashada Sawirka, EPA
- Author, Abdikadir Yussuf Ali
- Role, BBC Somali
Sagaalkii canug ee mataanaha ah ee ay dhashay haweeney 25 sano jir u dhalatay Maali, Xaliima Ciise, ayaa war wanaagsan oo caafimaadkooda ku saabsan la soo weriyay.
Dhakhaatiirta gacanta ku haya carruurtaa ee dalka Morocco waxay sheegeen in hadda ay keligood neefsan karaan, aysanna u baahnayn qalab in lagu xiro, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP.
Balse Xalima Ciisa iyo carruurteeda waxaa lala socon doonaa xaaladdooda caafimaad, labada bilood ee soo socota, waxayna ku sii jiri doonaan Isbitaalka Ain Borja oo ku yaalla magaalada Casablanca, sida uu sheegay Abdelkoddous Hafsi, oo ah afhayeen u hadlay isbitaalka.
Shanta gabdhood iyo afarta wiil, waxa ay ku jireen qalab, waxaana lagu quudinayay tubo, Haddana waxaa si wanaagsan u kordhaya culeyskooda, ayuu sheegay ninkaas.
Carruurtan markii ay dhalanayeen wuxuu culeyskooda u kala dhexeeyay 500g iyo 1kg. Hadda waxay u dhexeeyaan 800g iyo 1.4kg, sida uu sheegay afhayeenkaas u hadlay isbitaalka.
Horey waxaa u jiray mataaneyaal sagaal ah oo caalamka laga soo weriyay, balse ma jirin mid ka mid ah carruurtaas oo sii noolaaday. Isbuucyo gudahood ayey ku dhinteen.
Haweeney siddeed carruur ah ku dhashay Mareykanka, sannadkii 2009, waana midda haysata mucjisada aduunka oo dhammaan carruurteeda ay badbaadeen.
"Kama welwelsani nolosha caruurtayda, Alle ayaa go'aaminaya sida ay ku noolaan doonaan"
Haweeneey 25 sano-jir ah oo u dhalatay dalka Maali, ayaa dhashay sagaal canug oo mataano ah - labo ka mid ah carruurtaas dhakhaatiirtu ma aanay ogayn markii computer-ka caruurta lagu ogaado la saaray, xilligii ay uurka lahayd.
Xaliima ciise, ayaa carruurtan sagaalka ah ku dhashay dalka Moroco. xukuumadda Maali ayaa haweeneeydaas u qaadday dalkaas, si ay u hesho dhakhtar arrimahaas ku xeeldheer.
Weriyaha BBC-da qaybta Afka Faransiiska ku hadasha ee BBC Afrique, Cheick Bandaogo, ayaa waraysi la yeeshay ninkii qabay haweenaydaas sagaalka ilmood dhashay oo la yiraahdo, Adjudant Kader Arby.
"Arrintani ma ahan wax la yaab leh waayo waxaan ahay qof Alle rumaysan. Runtii aad baan u faraxsanahay, aad iyo aad baan u faraxsanahay, dhammaanteen waan faraxsannahay. Mar kale ayaan Ilaahay u mahad celinayaa," ayuu yiri.
Weeriyaha ayaa weydiiyay in uu ka warramyo xaaladda xaaskiisa iyo carruurtooda wuxuuna yiri: "Xaaskayga iyo carruurtaba aad ayay u fiican yihiin. Si joogtana waan u wada xiriirnaa. Markasta waxaan ka wacaa dalka Morocco oo xitaa qaab muqaal ah ayaan kula hadlaa xaaskayga."
Weriyaha ayaa sidoo kale weeydiiyay in ay caruur kale horay u dhaleen iyo in kale, waxa uuna Adjudant Kader Arby ku jawaabay: "Gabadh yar ayaa inoo joogta."

Xigashada Sawirka, EPA
Waxaa la weeydiyay sida uu u awoodi karo daryeelka 10-ka carruur ah wuxuuna ku jawaabay: "Sidaan kuu sheegeyba Alle ayaa caruurtan isiiyay, isaga ayaana go'aaminaya sida ay ku noolaan doonaan. Kama wwelwelsani arrintaas. Marka Ilaahay uu wax sameeyo isaga ayaa inaga og sababta uu u sameeyay."
Adjudant Kader Arby, wuxuu sheegay in ay la soo xiriireen dad badan oo ay ka mid yihin Mas'uuliyiinta Maali ayna farxadda la qeybsadeen, ugana mahadcelinayo ta. "Ma ogaan karo xilliga ay xaaska iyto carruurta ku soo noqonayaan Maali", ayuu yiri.
Xaliima Ciise uurkeeda ayaa hadal heyn aad u ballaaran ka abuuray dalka Mali - xitaa markaas oo loo maleynayay in ay caloosha ku siday toddobo carruur ah, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.
Dhakhaatiirta ku sugan waddanka ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa walaac ka qabay sida ay carruurtaas ku wada badbaadi kareen xilliga foosha - sidaas darteed waxaa khasab noqotay in ay dowladda soo faragaliso arrintaas.
Kaddib markii ay Xaliima joogtay labo isbuuc isbitaal ku yaalla caasimadda Mali ee Bamako, waxaa la soo saaray go'aanka ku sabasan in loo wareejiyo waddanka Morocco, 30-kii bishii March, sida ay sheegtay Dr Siby.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ay shan isbuuc ku sugneyd isbitaalka Morocco, ayna umushay Talaadadii.











