Maxaad kala socotaa noolosha gaarka ah iyo shaqsiyadda madaxweyne Muusa Biixi?

Qoraalka Muuqaalka, Maxaad kala socotaa noolosha gaarka ah iyo shaqsiyadda madaxweynaha Somaliland, Muusa Biixi?

Muuse Biixi Cabdi waa madaxweynaha Somaliland, waxuu ku dhashay baadiyaha Hargeysa welina waxuu aaminsan yahay in dhaqanka miyiga uu maguuraan yahay, waraysi gaar ah oo BBC-du la yeelatay ayaa mar uu shaqsiyaddiisa qof ahaaneed sharraxayay waxa uu isku tilmaamay inuu yahay "MACAAN IYO QARAAR ISKU JIRA".

Waraysigan waxa uu madaxweynaha ku faaqidayaa dhaqankiisa, taariikhdiisii hore iyo nolol-maalmeedkiisa qofeed sida uu u maareeyo. Cabdirisaaq Catoosh ayuu u warramay.