Wasiir Dubbe siduu uga hadlay ciidamada Soomaaliya ee Eritereya lagu tababaro?

Qoraalka Muuqaalka, Wasiir Dubbe siduu uga hadlay ciidamada Soomaaliya ee Eritereya lagu tababaro?

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka hadlay in ay jiraan ciidamo Soomaaliya loogu tababaro Eritereya.

Dowladda fedaraalka ee Soomalaiya ayaa markale beenisay warar maalmihii dambe la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in ciidamo Somaali ah oo tababar u joogay sida la sheegay dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii dhawaan ak dhacay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itobiya.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo BBC la hadlay ayaa sheegay in aysan gabi ahaanba jirin ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo ka dagaalamay gobolka Tigrey.

"Ma jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka dagaalamay waqooyiga Itoobiya iyo gobolka Togrey, sabab ay u dhacda-na ma jirto, cid naga codsatay na ma jirto,," ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Mr Dubbe ayaa warar been abuu ah ku tilmaamay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomalaiya ay ka dagaalameen gobolka Tigre, islamarkana la doonayo sida uu hadalka u dhigay in lagu wiiqo awoodda ciidamada Soomaaliya.

"Waa warar borobagaandho oo markii la arkay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay dhismayaan oo xoogeysnayaan oo ay isu taagayaan inay ka adkaadaan amniga ayaa la doonayaa in lagu qalqal galiyo hooyooyiinka iyo maatida,," ayuu intaa ku daray.

Wasiirka warfaafinta oo aan wax ka waydiinay inay jiraan ciidamo Soomaliyeed oo lagu tababaro dalka Eritrea ayaa ka gaabsaday arrintaasi.