Jarmalka iyo Finland oo haween ka soo celiyay xeryaha ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jarmalka iyo Finland ayaa waxa ay dalkooda dib ugu celiyeen shan haween ah iyo 18 carruur ah oo ku jiray xeryo ku yaal waddanka Suuriya oo ay ku nool yihiin xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee labadaasi dal ayaa sheegay in haweenka iyo carruurta dib dalalkaas loogu soo celiyay todobaadkan sababo bini'aadamnimo.
Saddex haween ah ayaa waxaa lagu hayaa baaritaan ah eedo la xiriira inay ka tirsan yihiin ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah, warbaahinta Jarmalka ayaa sidaas ku warramaysa.
Boqollaal qof oo u dhalatay Yurub oo hore ugu biiray ururka Daacish ayaa haatan waxa ay ku jiraan xeryaha ku yaal waqooyiga Suuriya ee ay Kurdiyiinta maamulaan.
Waxa ay halkaas la joogaan kumannaan qof oo kale oo soo barakacay kaddib markii lagu dhawaaqay in dhulkii Suuriya iyo Ciraaq ay ka haysteen lagala wareegay Daacish bishii Maarso 2019.
Qaar badan oo ka mid ah ayaa waxaa looga shakisan yahay inay oori iyo carruur u yihiin dagaalyahannada ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah iyo kuwa taageera ururkaas jihaad-doonka ah.
Iyagoo ka walaacsan halista ammaan ee ay keeni karaan, ayaa qaar ka mid ah dowladaha Yurub waxa ay ka cagajiidayeen inay dib u soo celiyaan muwaadiniintooda ku jira xeryahaas.
Hasayeeshee kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay ku boorinayeen inay dadkaas soo celiyaan, iyagoo ku booriyay in haween iyo carruur la isaga tago xeryo ay halis u galinayso inay cudurro qaadaan iyo in mayal adag lagu shubo.
Axaddii wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Heiko Maas ayaa sheegay in "aad ayaan ugu faraxsanahay in ay inoo suuragashay inaan shalay xeryaha ku yaal waqooyi bari Suuriya dib uga soo celino 12 carruur ah iyo saddex hooyooyin ah".
Mr Maas ayaa sheegay in dib u soo celinta ay ku timi "xaalado bini'aadamnimo, gaar ahaan agoomo iyo carruur xanuunsan" iyo baahida ah in loo arkay "in ay qasab tahay oo si degdeg ah loogu baahan yahay".
Waxa uu sheegay in sharciyan aanay suuragal ahayn in dib loo soo celiyo carruurta oo aanay hooyooyinkood la socon.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbaahinta Jarmalka ee SVR ayaa sheegtay in mid ka mid ah haweenka la soo celiyay lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Frankfurt arrin la xiriirta shaki ah inay ka tirsan yihiin ururka Daacish, iyo eedo dambi oo kale.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in haweenayda oo ka timid gobolka bartamaha ee Jarmalka ee Saxony-Anhalt, ayaa waxaa la rumaysan yahay inay Suuriya u safartay iyadoo 15 sanno jir ah ayna Daacish ku biirtay.
Saddexda haweenka ah ayaa waxa ay ahaayeen "haweenka jihaadiyiin" ururka Islaamiga ah ka tirsan halka "caafimaadkooduna uusan wanaagsanayn," afhayeen u hadlay xafiiska maamulka xiriirka dibadda ee Kurdiyiinta, Kamal Akif, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.
Finland-na wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxa ay sheegtay inay soo celisay lix carruur ah iyo laba haween ah.











