Giriigga oo sheegay in "hay'ado" ay si sharci darro ah u caawiyaan Soomaalida si Turkiga ay u tagaan

Tahriibe Soomaali ah oo bishii la soo dhaafay gaaray Giriigga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tahriibe Soomaali ah oo duceysanaya ka dib markii uu gaaray jasiiradda Lesbos ee Giriiga - sawir hore (12 Novenmber 2015

Maamulka dalka Giriigga ayaa sheegay in tirada Soomaalida tahriibka ah ee gaaraya jasiiradda Lesbos ay sare u kacday, tan iyo wixii ka dambeeyay bishii November.

Dowladdaas ayaa sheegtay in arrintan ay tahay mid isku xiran oo kooxo iyo shabakado ay ka shaqeynayaan.

Wasiirka socdaalka Giriigga, Notis Mitarach, wuxuu sheegay in 214 qof oo Lesbos gaaray tan iyo November, 142 ka mid ah in ay yihiin Soomaali.

Wasiirka wuxuu sheegay in shabakad isku xiran "oo taageero ka helaya hay'ado aan dowli ahayn" ay ka dambeeyaan Soomaalida ka imaaneysa dalkooda illaa ay ka gaarayaan Lesbos.

"Waxaa laga soo kexeeyaa Soomaaliya, waxaana la keenaa illaa Giriigga", ayuu yiri, wasiirkan hadlay.

Ma uusan sheegin magacyada hay'adaha aan dowliga ahayn ee Turkiga ku sugan ee ku lugta leh Soomaalida tahriibeysa.

Wasiirka socdaalka Giriigga, Notis Mitarachi,

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Wasiirka socdaalka Giriigga, Notis Mitarachi,

Notis Mitarach, wuxuu shirka jaraa'id ku soo bandhigay muuqaallo laga duubay Soomaalidan oo sheegayay in "Turkiga ay ku tageen fiiso ardeynimo ah".

Wuxuu sidoo kale ku andacooday in lacagta ku baxda fiisaha ay helaan dadkan in ay bixiyaan hay'adaha aan dowliga ahayn, una fududeeyaan sidii ay Istanbul ku gaari lahaayeen.

"Hay'adaha aan dowliga ahayn waxay bixiyaan kharashka safarka iyo dal ku galka, iyo diyaaradaha geeya illaa Istanbul. Sidoo kale, hay'adahan waxay tahriibeyaasha ka caawiyaan in ay Yurub ku soo galaan si sharci darro ah", ayuu yiri.

"Soomaalida waxaa la keenaa xeebaha Turkiga, ka dib doomo ayey badda uga soo gudbaan si ay Yurub u yimaadaan", ayuu yiri Mitarachi.

Wasiirka socdaalka Giriiga wuxuu sheegay in ay tahay in loo hoggaansamo heshiiskii u dhexeeyay Turkiga iyo dalkaas ee ah in la celiyo tahriibayaasha.

"Waa in tahriibkan looga hortago si sharci ah. Ma dooneyno in dalkeena uu noqdo wadada lagu gaaro qeybaha kale ee Yurub", ayuu hadalka ku daray Wasiirkan Giriigga ah.

Jasiiradda Lesbos waa meesha ay ku hakadaan tahriibayaasha ka dib marka ay ka gudbaan badda u dhexeysa Turkiga iyo Giriigga.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Jasiiradda Lesbos waa meesha ay ku hakadaan tahriibayaasha ka dib marka ay ka gudbaan badda u dhexeysa Turkiga iyo Giriigga.

Maamulka Ankara weli kama uusan hadlin arrintaas ka soo yeedhay dowladda Giriigga.

Balse, Mitarach wuxuu Turkiga ku eedeeyay in uu ku guuldareystay in uu raaco heshiiskii 2016-kii ee tahriibta la xiriiray ee Midowga Yurub uu la galay.

"Heshiiska wuxuu ahaa in la qabto lana baabi'iyo shabakadaha tahriibinta ka shaqeeya, iyo in laga hortago doomaha marka ay soo dhaqaaqayaan, iyo in dib loo celiyo kuwii la qabto".