Qaar ka mid ah wasaarada Mareykanka oo weeraro internet lala bartilmaameedsaday

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Mareykanka ayaa waxay sheegtay in weerarkii dhanka internetka ee lagu qaaday hanaanka dowladda fedaraalka ee la ogaaday maalmihii ugu dambeeyay uu ahaa mid culus islamarkana wali socda.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen FBI iyo laamaha kale ee ammaanka in ay ka shaqeynayaan sidii ay wax badan uga fahmi lahaayeen ololaha ay wadaan burcadda jabsata internetka oo bilaabmay bishii March.
Isniintii , saraakiisha Mareykanka ayaa waxay sheegeen in weerarkani dhanka internetka ay suuragal tahay in uu ka yimid Ruushka islamarkana lagu jabsaday hanaanka waaxyaha Maaliyada iyo Ganacsiga Mareykanka.
Burcadani internet-ka ayaa waxay bartilmaameedsadeen in ka badan 18,000 isugu jira shirkado gaar loo leeyahay iyo kuwa dowladdeed.
Burcadan ayaa waxay galangal ku yeesheen internetka waxayna taasi u suuragalisay in ay macluumaadka xadaan.
Rosa Smothers waa haweeney khabiir ku ah halisaha ka timaada weerarada burcadda internet-ka islamarkana waxay sanadihii 2006 ilaa 2017 u shaqeynaysay hay'adda sirdoonka Mareykanka ee CIA.
Waxa ay sheegtay in weerarkani internetka uu ahaa mid ballaaran islamarkana saameyn ku yeeshay dhowr qaaradood.
Weerarada ay geystaan burcadda internet-ka ayaa sanooyiinkii u dambeeyay ku soo badanayay guud ahaan caalamka.
Sanadii 2016 ayay ahayd markii Ruushka lagu eedeeyay in ay galaangal ku yeesheen doorashadii madaxwaynanimada Mareykanka iyaga oo sida la sheegay u dhacay oo jabsaday qaar ka mid ah hay'adaha Mareykanka.










