Qalalaasaha Tigrey: Xaaladda bina'aadanimo ee gobolka Tigrey oo laga deyrinayo

Caruurta ayaa ka mid ah kumannaanka qof ee dagaalka Tigrey ka qaxay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Caruurta ayaa ka mid ah kumannaanka qof ee dagaalka Tigrey ka qaxay

Ku dhawaad 2.3 milyan oo caruur ah oo ku nool gobolka tigrey ee wuqooyiga dalak Itoobiya ayaa waxaa laga jaray oo aysan suurgal ahayn in gargaar la gaarsiiyo, xilli ay wali dagaalo ka sii socdaan gobolkaasi, sidaasi waxaa ka digtay Qaramada Midoobey.

"Difaacidda caruurtan oo badankood ah qaxooti ku barakacay gudaha dalkood waa in mudnaanta la siiyaa", waxaa sidaasi sheegtay hay'adda Qaramada Midoobey u qabailsan caruurta ee Unicef.

Iyada oo ay jirto heshiisyo lala galey dowladda Itoobiya ayaa hadana hey'adaha gargaarka waxay sheegayaan in loo diiday inay galaan gobolka Tigrey.

Ciidamada dwoladda fedaraalka ayaa tan iyo 4 November gobolkaasi kula dagaalamayay xoogaga TPLF.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in gobolka ay gacanta ku dhigtay islamarkana uu dagaalka dhamaaday.

Balse xoogagga TPLF ayaa waxay sheegeen in dhowr goobood ay wali dagal kala jiraan.

Boqolaal amaba kumannaan qof ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay dagaaladaasi goboilka Tigrey.

Waxaa sidoo kale ku barakacay dad gaaraya 50,000 oo u talaabay dhanka xuddduuda Sudan.

Bayaaan ay soo saartay hay'adda, Unicef ayaa lagu yiri: "mar walba oo dib u dhac ku yimaado in caruurtaasi la gaarsiiyo mucaawino waxay xaaladda noqonaysaa mid ka sii darta waxaana sii dhamaanaya cunnooyiinka nafaqeysan ee caruurta"

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqaysa in si shuruud la'aan ah ay dowladda Itoobiya u ogolaato in gargaarka bina'aadnimo la gaarsiiyo qoysaska u baahan.

Dowladda Itoobiya iyo TPLF midna kama hadal arrintan.

Sawir laga qaaday magaalada Mekelle

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Sawir laga qaaday magaalada Mekelle

Maxaa dhaliyay khilaafka?

Guddiga fulinta ee deegaanka ismaamulka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa bishii September sheegay in go'aan kasta oo golaha Federeeshiinka ka soo baxa oo lagu joojinayo doorasha ka dhacda deegaankaasi uu ula mid yahay dagaal la iclaamiyey oo lagu soo qaadayo deegaanka Tigreega.

"Shacabka Tigreega waxay xaq u leeyihiin iney doortaan ciddii hoggaamin lahayd, halka la rabay in lagu dhiirrigeliyo in la carqaladeeyo doorashadooda waa mid lid ku ah geeddi socodka dimuqraadiyadda" ayaa war-murtiyeedka lagu yiri.

Hase yeeshee golaha ayaa go'aamiyay in dowladda ay maamulka sii heyso muddo aan la cayimin, iyagoo amar ku bixiyay in doorashada dib loo dhigo sababo la xiriira fayraska corona.

Arrintaas ayaa horseedday xiisad weyn oo ka dhex billaabatay xukuumadda uu hoggaamiyo Dr Abiy Axmed iyo siyaasiyiinta gobolka Tigray.

Gobolka Tirgay ayaa looga dhawaaqay in doorashadiisa aan dib looga dhigi doonin waqtigii sharciga ahaa, taasoo horseedday ismariwaa baaxad leh.

Maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanayay Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba.

Doorahsda guud ee Itoobiya ka dhici lahayd bisha September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus, iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen in doorashada dib loo dhigo 9 bilood ilaa sanad.

Xiisadda taaga waxay sare u qaadday cabsida laga qabo in xisbiga Tigray-ga ee TPLF uu tallaabo u qaadi karo sameynta maamul u gaar ah oo ka madax bannaan federaalka Itoobiya.

Siyaasiyiinta TPLF waxay mar walba ku celceliyaan inay diyaar u yihiin sidii uu gobolkaas - oo xad la wadaaga Eretariya - uu uga sii mid ahaan lahaa Itoobiya. Laakiin waxay hoosta ka xariiqeen in ay difaacan doonaan waxa ay ugu yeereen "ismaamulka iyaga u gaarka ah".

TPLF waxay horraan dowladda dhexe ugu eedeysay inay waddo qorsheyaal ay kusoo weerareyso gobolka.

Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka Itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano markaasi oo uu ka dib Abiy uu xukunka kala wareegay sanadkii 2018-kii.