Hantiile sabool ah: Siduu ninkan labo goor taajir iyo faqiir ku noqday?

Xigashada Sawirka, Greenwich Entertainment
Haddii aad tagto dukaan lagu gado bur-saliidka oo ku yaalla gobolka California ee dalka Mareykanka, waxaa laguu sheegayaa inay leeyihiin qoys reer Cambodia ah. Sababta sidaas loo dhahayo waa in uu ganacsiga noocaas ah dhisay nin qaxootinnimo uga yimid dalkaas, hanti aad u badanna uu ka sameeyay ilaa lagu naaneyso boqorka bur-saliidka, kaddibna hantidii oo dhan hal mar ayuu waayay.
Ted Ngoy wuxuu ahaa arday dhigta dugsiga sare ee Phnom Penh markii ugu horreysay ee uu arkay Suganthini Khoeun, oo ahayd gabar uu dhalay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda.
"Aad bay u qurux badneyd," ayuu yidhi isagoo dib u xasuusanaya. "Lagama yaabo inaad garabkeeda ku aragto haweeney iyada ka qurux badan."
Dhammaan wiilashii dhiganayay iskuulkiisa gabadhaas ayey wada jeclaayeen, isaguna maadaama uu ahaa wiil faqiir ah oo walidiintiisa mid ka mid ah uu u dhashay Shiinaha, gurigooduna ahaa tuulo ku dhow xadka Thailand, wax fursad ah uma uusan heysanin inuu gabadhaas u dhawaado.
"Awood sare ayey lahayd, sida gabdhaha qoysaska boqortooyada," ayuu yidhi Ted. Aad ayaana loo ilaalin jiray.
Laakiin Ted wuxuu markii dambe ogaaday in qol yar oo uu ka dagganaa dhisme afar dabaq ah ay daaqaddiisa ku wajahneyd guriga ay daganaayeen reerka Suganthini. Halkaas ayuuna ka arkay fursad uga bannaan.
Maqrib kasta, wuxuu soo fariisan jiray daaqaddiisa oo furan wuxuuna ka dhawaajin jiray fiyooliin muusig macaan leh. Suganthini hooyadeed markii ay muusigaas maqashay waxay dareemi jirtay in qofka garaacaya uu yahay ruux gabadheeda jecel.
Habeen ka mid ah habeennada ayuu arkay Suganthini oo joogta barandada bannaanka ee daaqaddiisa ku bannaan, wuxuuna go'aansaday in uu tallaabo qaado.
Wuxuu u qoray warqad yar oo uu ugu sheegayo inuu daggan yahay dhismaha kasoo hor jeeda uuna yahay qofka fiyooliinta garaaca maalin kasta.
Warqaddii ayuu dhagax ku duubay, wuuna u tuuray.
Wax jawaab ah ma uusan helin dhowr maalmood. Laakiin markii dambe, mid ka mid ah shaqaalaha Suganthini ayaa gurigiisa u keenay jawaab.
Qoraalka ay usoo dirtay waxaa ku qornaa; "Waan kaaga mahad celinayaa garaacista fiyooliinta, aad bay cajiib u tahay, qalbiga ayeyna taabaneysaa."
"Intaas kaddib waxaan isweydaarsan jirnay farriimaha aan isu marsiinno warqadaha, sidaas ayaana ku xiriiri jirnay," ayuu yidhi Ted.
Maalin maalmaha ka mid ah Ted wuxuu warqaddii ugu qoray: "Maxaa dhacaya haddii aan kusoo boodo qolkaaga?"
Suganthini waxay kusoo jawaabtay: "Aad u taxadar, haddii aad qolkeyga kusoo dhici weysid waxaad ku dhaceysaa qolka hooyadeey."
Waxay u maleyneysay in Ted uu kaftamayay laakiin isaga dhab ayey ka ahayd.
Iyadoo ay jireen waardiyeyaal badan oo uu guriga gabadha lahaa iyo eeyo aad u tababarnaa, habeen uu roob da'ayay ayuu Ted soo fuulay geed ku dhawaa darbiga dhismaha, siduu u sii socdayna wuxuu galay qolkii jiifka ee Suganthini, xilligaas oo ay hurdeysay.
Wuu kiciyay waxayna ku dhawaatay inay qeyliso, laakiin nasiib wanaag waxay garatay inuu yahay wiilka ay isku fasalka yihiin.
"Maxaad ka sameyneysaa halkan?" ayey weydiisay.
"Waxaan halkan u joogaa inaan jacayl kuu qaaday," ayuu ku jawaabay Ted.
"Laakiin maxaan sameyn doonnaa markii uu waaga baryo? Aniga waa inaan iskuulka aado."
"Ha walwalin, waxaa isku qarin doonaa sariirtaada hoosteeda," ayuu yidhi Ted. Sidaas ayuuna sameeyay.
Suganthini habeenkii ayey raashin ayey si qarsoodi ah ugu keeni jirtay, maalmo badan kaddibna waxay u sheegtay inay iyada xitaa jeclaatay.
Waxay wacad ku mareen inay waligood daacad isku ahaan doonaan. Wuxuu sheegay in uu qolkeeda ku dhuumanayay muddo 45 maalmood ah, ilaa markii dambe la arkay.
Suganthini qoyskeeda waxay Ted ku khasbeen inuu soo afjaro xiriirka, isagoo gabadha u sheegaya in jacaylka uusan daacad ka ahayn. Sidii lagu amray ayuu sameeyay, laakiin markii dambe mindi ayuu soo qabsaday wuuna isku muday, isagoo sheegaya inuu iyada la'aanteed ka xigo dhimasho.
Intii uu isbitaalka ku jiray, Suganthini qudheeda waxay isku dayday in ay isdisho. Markii ay qoyskeeda arkeen sida uu go'aankooda u adag yahay way isu oggolaadeen.
"Waa sheeko waalan laakiin waa run," ayuu yidhi Ted, oo hadda 78 jir ah. "Jacayl dhab ah ayaan u qabay iyada."
Laakiin wuxuu qirtay in uu ka warhayay in jacaylka uu xoogga ku saaray helitaanka Suganthini uu ka hor istaagay horumarinta noloshiisa.

Way isguursadeen, waxayna billaabeen nolol, xaaladdooduna way fiicneyd ilaa uu dagaalkii sokeeye qarxay sanadkii 1970-kii, oo u dhaxeeyay dowladda iyo xoogaggii shuuciga ee uu hoggaaminayay Pol Pot.
Ted, oo afar luuqadood ku hadli jiray waxaa sarkaal dhinaca isgaarsiinta ah ka dhigay seeddigiis, Janaraal Sak Sutsakhan. Durbadiiba darajadiisa waxaa la gaarsiiyay janaraal.
Ted iyo qoyskiisa da'da yar waxay u guureen caasimadda Bangkok, bil kastana wuxuu Cambodia ugu laaban jiray inuu mushaar usoo qaado ciidamadiisa.
Laakiin xaaladdu way sii xumaatay, waxaana safarkiisii ugu dambeeyay ee April, 1976-kii la qabsaday caasimaddii waddankiisa Cambodia. Ted way u suuragashay inuu kusoo baxsado duullimaadkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay magaalada Phnom Penh, laakiin waxaa laga soo tagay Suganthini waalidiinteeda.
Markii dambe waxaa loo soo sheegay inay ku jireen dadkii ugu horreeyay ee ay dileen qolyihii shuuciyiinta ee la magac baxay Khmer Rouge.
Bishii xigtayba, madaxweynihii xilligaas ee Mareykanka, Gerald Ford, ayaa ku adkeystay inuu soo dhaweynayo qaxooti gaadhaya 130,000 oo ka soo qaxay Vietnam iyo Cambodia, wuxuuna dadkii canbaareynayay tallaabadaas ku dhidhi: "Waxaan nahay waddan ay dhiseen qaxooti ka kala yimid caalamka oo dhan, mar walbana waxaan ahayn qaran bani'aadannimada dhowra."
Ted iyo Suganthini way iibiyeen wax kasta oo ay heysteen, waxayna soo raaceen duullimaadyadii ugu horreeyay ee gaadhay California, iyagoo ay la socdeen saddexdooda carruurta ah - oo kala ahaa wiil ay habaryar u ahayd iyo labo gabdhood oo wiilkaas la dhahay - kuwaasoo ay soo korsadeen.
Markii lagu xareeyay xerada ciidamada badda, shuruudda ku xiran inay waddanka si xor ah u galaan waxay ahayd inuu qof Mareykan ah damaanad qaado, oo shaqo iyo hoy siiyo.

Xigashada Sawirka, Ted Ngoy
Afar isbuuc ayey eegayeen qoysas lacaawinayo oo ka baxaya xerada, ilaa ugu dambeyn iyagana uu damiinto baadari daggan meel qiyaastii 35 meyl u jirta magaalada Los Angeles.
Jed Kaniisadda ayuu ka shaqeyn jiray laakiin wuxuu ogaaday in mushaarka uu ka qaato oo ahaa $500 uusan qoyskiisa ku filneyn. Waxaa loo fasaxay in uu raadsado labo shaqo oo kale.
Suuq geeye ayuu ahaa waqtiga u dhaxeeya 6pm ilaa 10pm halka uu kaalin shidaalna ka shaqeyn jiray 10pm ilaa 6am.
Kaalinta shidaalka waxaa ku dhagganaa dukaan lagu iibiyo bur-saliidka, aad buuna u jecleystay dhadhankiisa. Wuxuu habeenkii oo dhan arki jiray dad bun iyo bur-saliidkaas iibsanaya, wuxuuna ogaaday inuu yahay ganacsi fiican.

Xigashada Sawirka, Ted Ngoy
Haweeneydii ganacsigaas heysatay ayuu weydiiyay in $3,000 oo doolar uu ku iibsan karo dukaan kaas la mid ah, laakiin way u deyrisay, iyadoo u sheegtay in uusan lacagtiisa iska khasaarinin.
Ugu dambeyn wuu furtay dukaankii waxaana maqalka u joogtay xaaskiisa, inkastoo ay ku adkeyd luuqadda ingiriiska.
Qoyskan waxay maalin kasta shaqeyn jireen 12 ilaa 17 saacadood. Sanad gudihiis, Ted wuxuu keydsaday lacag uu ku furo dukaan kale oo bursaliidka lagu iibiyo. Dukaanka labaadna Suganthini ayaa waji dhoollacaddeyn ah kusoo dhaweneysay macaamiisha cusub.
Markii ay heshay sharciga Mareykanka, waxay magaceeda ka dhigatay Christy. Markii ay sanad kale labada dukaan ka shaqeynayeen, waxay aruuriyeen lacag dhan $40,000 oo doolar. Ted wuxuu go'aansaday in ganacsigaas uun uu sii ballaariyo, dukaamo kalena uu raadiyo.

Xigashada Sawirka, Ted Ngoy
Waddankooda Cambodia, xaaladdiisu way sii xumaaneysay. Dadka rayidka waxaa lagu khasbi jiray inay ka shaqeeyaan beero hanti wadaag ah. Kuwa diidana waa la jir dili jiray ama waaba la khaarajin jiray.
Muddo afar sano gudaheed ah, 2 milyan oo reer Cambodia ah ayaa la dilay ama u dhintay gaajo, cudurro iyo shaqo xad dhaaf ah awgood.
Sanadkii 1978-kii, ciidamadii Vietnam ayaa galay Cambodia, 1979-kiina waxay afgambiyeen Pol Pot, arrintaasoo horseedday qulqul kale oo qaxootiga reer Cambodia ah.
Ted waalidiintiisa waxay u qaxeen xuduudda Thailand, kaddibna waxaa soo wacday safaaradda Mareykanka ee halkaas, oo weydiisay in uu soo dhoofin karo.
Wuxuu qoyskiisa oo dhan keenay Mareykanka, gabdhihii walaalihiis ahana kulligood wuxuu u wada sameeyay dukaamo lagu gado bur-saliid.
Xubno kale oo qaraabadiisa ah ayaa sidaas ku yimid, xitaa dadkii xaafadda la dagganaa qaarkood ayaa loosoo dhoofiyay iyagoo ka been sheegaya inay walaalihiis yihiin.
"Waxay ila tahay in beenta ay u sheegeen safaaradda ay ku saxnaayeen, sababtoo ah qof walba wuxuu rabaa fursad uu kusii noolaado," ayuu yidhi Ted.
Ted iyo xaaskiisa Christy waxay mareykanka u dhoofiyeen ilaa 100 qoys, iyagoo markii hore gurigooda ku martigalin jiray inta ay guryo uga helayaan. Dadka kalena wuxuu ku dhiirrigalin jiray in ay sidaasoo kale sameeyaan.

Xigashada Sawirka, Ted Ngoy
Markii la gaaray 1985, oo ay 10 sano joogeen Mareykanka, Ted iyo Christy waxay noqneed taajiriin milyaneerro ah, waxayna lahaayeen qiyaastii 60 dukaan oo bur-saliidka lagu iibiyo.
Ted waxaa naaneys looga dhigay Boqorka Bur-saliidka - ama Adeer Ted, maadaama uu dad badan oo reer Cambodia ah geeyay Mareykanka.
Lamaanahan waxay lahaayeen gawaari badan iyo gyri hal milyan oo doolar ah oo ay ku yaalleen barkad lagu dabaasho iyo wiishka la fuulo. Dibadda ayey dalxiis ku tagi jireen mar walba.
"Waxaan rumeeyay riyadeydii Mareykanka," ayuu yidhi Ted.

"Waan faraxsaneyn - ilaa nolosheennii oo dhan ay u burburto khamaar dartiis. Khamaarkii aan ciyaaray wuxuu ahaa murug, wuxuu ahaa arrinta ugu murugada badan nolosheyda," ayuu yidhi Ted.
Ted waxaa noloshiisa burburiyay Las Vegas. Isagoo aan waligiis khamaar ciyaarin ayuu si tartiib tartiib ah ku billaabay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii dambe wuxuu ku dhixi jiray Las Vegas, isagoo mararka qaar khasaari jiray $5,000, ama $7,000 halkii ciyaarba. Wuxuu iska hilmaamay qoyskiisii iyo boqortooyadiisii bur-saliidka.
"Ma heynin waqti aan ganacsi uga fikiro, sidaas darteed ganacsiga hoos ayuu u sii dhacayay, ilaa markii dambe ay musiibo dhacdo, " ayuu yidhi.
Christy waxay u bixi jirtay inay meelaha khamaarka lagu ciyaaro kasoo raadiso, isaguna wuxuu sheegay in uu ka dhuuman jiray. Markii uu guuleysto guriga wuu imaan jiray laakiin markii laga guuleysto wuu maqnaan jiray.
Christy mar walba way iska cafin jirtay.
"Waxaan noqday nin aad iyo aad u xun oo meel walba lacag ka deynsada," ayuu yidhi.
Ugu dambeyn isaga iyo Christy waxaa usoo haray hal dukaan, kaasoo ay go'aansadeen in ay iska sii iibiyaan.
Wiilkooda ayaa ku qaaday gaari si ay lacagta dukaanka looga iibsaday usoo qaataan, laakiin xaaladdaas si xun ayey ku dhammaatay.
Iyagoo gaariga qeybtiisa dambe ay u saaran tahay $85,000 oo doolar ayey booliska waddada ku qabteen, waxaana la ogaaday in gaariga lacagtii lagu soo gaday aysan iska bixinin.
Waa la xidhay saddexdoodiiba. Maadaama lacag lagu sheeganayay way ka cabsadeen in ay sheegaan lacagta ugu jirta gaariga, markii dambe ee lasoo daayayna lacagtii way waayeen.
"Waa sheeko aad iyo aad u murugo badan," ayuu yidhi Ted.

Sanadkii 1993-kii, Ted iyo Christy waxay dib ugu laabteen waddankooda, markaas oo isagu uu doonayay inuu ka qeyb galo doorashadii ugu horreysay ee si dimuqraaddi ah uga dhaceysay Cambodia, wuxuuna u xusul duubayay in xil siyaasadeed loo doorto si uu uga qeyb qaato dib u dhiska dalkiisa.
Wuxuu wacad ku maray in uusan mar dambe khamaar ciyaari doonin.
Intii uu Mareykanka nolosha fiican ku heystay wuxuu la kulmay madaxweynihii hore Richard Nixon, iyo madaxweyneyaasha kale ee kala ah Reagan iyo George HW Bush.
Xisbi siyaasadeedkiisa wuxuu ku magacaabay "Xisbiga Jamhuuriga ah ee horumarka iyo xornimada".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laakiin magaca xisbigiisa waxay dad badan u qaateen in uu yahay mid looga soo horjeedo qoyska boqortooyada Cambodia.
Intii uu Ted Cambodia joogay Christy waxay Mareykanka ugu laabatay dhalashada cunug ay ayeeyo u tahay. Laakiin muddadii ay maqneyd wuxuu xiriir la sameystay haweeney kale, cadho ay arrintaas ka qadaday awgeed ayeyna u dalbatay furiin.
Markii la gaaray sanadkii 2002-dii Ted wuxuu mar labaad noqday faqiir. Lacagtii uu heystay oo dhan wuxuu ku bixiyay ololaha doorashada, wuxuuna ku guul darreystay.
Markii uu guul darro kala kulmay siyaasi awood badnaa, wuxuu u baqay naftiisa mar kale ayuuna u cararay Mareykanka.
Wuxuu magaalada Los Angeles tagay isagoo hanti dhan ka heysta lacag ka yar $100 doolar.
Qoyskiisa way u careysnaayeen, ma aysan nooneynin in ay wajigiisa arkaan, ama shaqo siiyaas, xitaa ha ahaato dubista bur-saliidka.
"Marar badan ayaan isku dayay inaan isdilo, nafteyda oo dhan ayaan nacay. Waxaan necbeystay ciyaarta Khamaarka iyo sidii foosha xumeyd ee aan ula dhaqmay Christy," ayuu yidhi.
Dhowr kaniisadood ayuu isu maray ilaa ugu dambeyn ay soo dhaweyso haweeney waayeel ah oo siisay meel uu seexdo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Haddii aan qabeys u baahdo waa inaan albaabka garaaco, oo aan dhaho, 'Marwo ma qubeysan karaa?' Kaddibna gudaha ayey i galin jirtay si aan u qabeysto. Markii cashada la gaarana albaabka ayey iisoo garaaci jirtay si aan u casheeyo."
Maalmaha Axadda ah wuxuu aadi jiray kaniisadda oo uu haweeneyda wiilkeeda baadari ka ahaa. Ted wuxuu noqday qof aad ugu wanaagsan diinta Masiixiga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Afar sano kaddib wuxuu dib ugu laabtay Cambodia, isagoo aan hoy xitaa ka heysanin waddankiisa hooyo. Wuxuu dagay magaalo xeebeedka Kep, oo ku taalla gacanka Thailand.
Noloshiisa aad bay u adkeyd ilaa markii dambe ay shirkad laga leeyahay Shiinaha ka codsatay inuu ka caawiyo ganacsiga dhismaha guryaha iyo kala iibintooda.
Heshiis fiican ayuu la galay lacag badan oo saami ah ayaana loo oggolaaday.
Dhulal badan ayuu dillaal ka noqday, ilaa uu mar kale ka noqday milyaneer. Dib ayuu u guursaday, wuxuuna dhalay afar carruur ah oo hadda labada yar yar ay wali iskuulka dhiganayaan.
Ted taariikhdiisa waxba kama uusan sheegi jirin ilaa ay dhowr sano ka hor u timid Alice Gu oo filimada ku sameysa Los Angeles.
Haweeneydaas oo qudheeda ay dhaleen waalidiin qaxooti ah waxay su'aalo badan iska weydiin jirtay sababta ay dukaamada bur-saliidka ee California badankood u leeyihiin qoysaska reer Cambodia.
Alice si fudud ugama aysan dhaadhicinin Ted inuu California ku laabto oo filim laga duubo.
Laakiin khibradda uu filimkaas ka helay wax badan ayey ka daaweysay dhaawacyadii uu dareemayay.

Xigashada Sawirka, Greenwich Entertainment
Tan ugu muhiimsan waxay ahayd in safarkii uu ku tagay California uu u sahlay inuu dib usoo celiyo xiriirkii Christy, oo lafteeda dib u guursatay, carruurtooda weynaatayna na daggan.
"Si buuxda ayey ii cafiyeen. Kun jeer ayaan u sheegay in aan aad uga xumahay waxa dhacay. Mar kasta oo aan arko waxaan dhahayay, 'Iga raali noqo wiilkeyga, iga raalli noqo gabadheyda, iga raalli noqo Christy."
"Haddii saacadda dib loo celin karo, aniga ayaa waqtiga soo celin lahaa. Wixii lasoo dhaafay ma baddali karo, laakiin wax badan ayaan ka bartay."

Xigashada Sawirka, Greenwich Entertainment
Hadda wuxuu qoyskiisa la xiriiraa maalin kasta. "Qof walba hadda wuu ku faraxsan yahay in uu i arko, sababtoo an waan isbadalay, ninkii xumaa ee aan ahaan jirayna waxaan u baddalay nin fiican."
Ted wuxuu mar walba ka shallaayaa khamaarkii noloshiisa macaaneyd burburiyay.
"Waxay ahayd khatarta ugu weyn ee la qaato." ayuu yidhi.










