Sawirro: Ashqaraarka wadooyinka badda hoosteeda laga dhisay ee Faroe Islands

Dalka Faroe Islands ee jasiiradaha ah ayaa furaya wadooyin badda hoosteeda mara oo muddo saddex sano ah la dhisayey.

Wadooyinka badda hoosteeda maraya ayaa isku xidhi doona jasiiradaha Streymoy iyo Eysturoy waana shabakad wadooyin ah oo dhererkoodu yahay 11 km. Waxaana la furi doonaa 19 Diisember.

Shabakaddan badda hoosteeeda maraysa ayaa dadku u riyaaqeen oo waxay soo koobaysaa wakhtigii loo kala socon jiray caasimadda Tórshavn iyo Runavík oo markii hore ahaa saacad iyo 14 daqiio haatan se loo kala socon doono 16 daqiiqo oo keliya.

.

Xigashada Sawirka, Estunlar.fo

Qoraalka sawirka, .

Goobta ugu hoosaysa ee wadadan badda hoos maraysaa waxay badda ka hoosaysaa 187 mitir.

.

Xigashada Sawirka, Estunlar.fo

Qoraalka sawirka, .

Si loo hubiyo badqabka dadka adeegsanaya wadadaa badda hoosteeda maraysa, ayaa shirkadda dhistay wadooyinkani sheegtay in xasha daadeggu aanay ka badnayn 5%.

.

Xigashada Sawirka, Estunlar.fo

Qoraalka sawirka, .

Tijaabo lagu hubsanayo adeegyada degdegga ah ee gurmadka ayaa la qorsheeyey in la sameeyo 17 Diisember, sida warbaahinta maxaliga ahi sheegtay.

.

Xigashada Sawirka, Estunlar.fo

Qoraalka sawirka, .

Goobta goobaabada ah ee wadooyinku ku kulmaan ayaa waxa lagu nashqadayn doonaa sawirro uu sawiray farashaxanka reer Feroe ee Trondur Patusrsson. Waxaana ka mid noqon doona laydhadh iyo muuqaallo taagan.

.

Xigashada Sawirka, Estunlar.fo

Qoraalka sawirka, .

Dadka adeegsan doona wadadaa badda hoosteeda marta ayaa bixin doona lacag wado maris ah.

The entrance to one of the tunnels

Xigashada Sawirka, Estunlar.fo

Sida ay sheegtay shirkadda qandaraaska dhismahaa qaadatay, wadadan badda hoosteeda maraysaa waa mashruucii ugu weynaa ee abid laga hirgelyo Faroe Islands.

An inside view of the tunnel

Xigashada Sawirka, Estunlar.fo

Waddo kale ayaa haatan la dhisayaa oo isku xidhi doonta jasiiradaha Sandoy iyo Streymoy.

Faroe Islands waa dal ka kooban 18 jasiiradood oo yar yar oo ku yaal woqooyiga bad weynta Atlantic-ga oo waxay u dhaxaysaa Iceland iyo Norway, waana dal ismaamul hoosaad ah oo hoos taga Denmark.

Qoraalka Muuqaalka, Is dhexgalka aroosyada Gaalkacyo labadeeda qeybood