Khachaturyan sisters: Dacwad dil oo argagax ka abuurtay dalka Ruushka
Kiiska seddax gabdhood oo lagu eedeeyay in ay dileen aabahood ayaa argagax ka abuuray dalka Ruushka.
Krestina, Angelina iyo Maria Khachaturyan ayaa la xiray ka dib markii aabahood u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray midi dhowr goor lagu duray iyo burus ama dubbe lagu garaacay.
Waxay sheegeen in ay la kulmeen dhibaato soo jirtay muddo sanado ah, sida xadgudub kalmo iyo qalbi-jebin ay kala kulmeen aabahood.
Dadka ayaa ku kala aragti duwan kiiska gabdhahan. Qaar waxay u arkaan dil bareer ah, halka kuwan ay u arkaan in naftooda ay difaacayeen.
Kiiska wuxuu soo saaray dhibaatada wayn ee ka dhacda guryaha Ruushka iyo xadgudubyada; Sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha Ruusha, illaa boqolkiiba 40% dhibaatooyiinka halista ah waxay ka dhacaan guryaha.