Qalalaasaha Tigray: Dagaalkii faraha looga gubtay ee ka dhacay garoon diyaaradeed oo ku yaalla Tigray

Xigashada Sawirka, ETV
Dagaalka Itoobiya ayaa socda muddo hal sano ah, isbuucii lasoo dhaafayna Ra'iisul Wasaaraha waddankaas, Abiy Axmed, ayaa sheegay inuu kusii wajahan yahay jiidda hore ee dagaalka.
Bishii November ee sanadkii 2020-kii, oo ah xilliga ay colaadda ka billaabatay waqooyiga Itoobiya, waxa uu dagaal aad loogu loollamay ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Aksum, kaasoo loo arkayay inuu ahaa mid istiraatiiji ah.
Halkaas waxaa isku hayay ciidamada dowladda federaalka iyo xoogagga TPLF oo mid walba uu doonayay inuu garoonka gacan ku heyntiisa la wareego.
Ilo wareedyada taabacsan milatariga dowladda Itoobiya ayaa sheegay in milatariga ay gacanta ku gacanta ku dhigeen garoonka, balse xoogagga Tigray ayaa wali sii waday inay weeraraan garoonkaas.
Maadaama isgaarsiintu ay xilligaas go'neyd, ma sahlaneyn in la xaqiijiyo sida ay wax u dhacayeen.
Balse waxaan eegnay muuqaalka weerarka la sheegay in lagu qaaday garoonka, waxaanna barbardhignay sawirrada garoonka oo lagu qaaday dayax gacmeedka si aan qiyaas uga qaadanna sida ay wax dhaceen.
Dagaalka garonka Aksum
Ciidamada Itoobiya ee ka amar qaata Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa qabsaday garoonka 11-kii November, sida ay dad taageersan dowladda ku qoreen baraha bulshada.
Wixii intaasi ka horreeyay waxay gacanta ugu jireen xooggga gaarka a ee TPLF.
Balse waxay u muuqataa in gacan ku haynta garoonkaasi iyo deegaannada ku xeeran aan lagu kala bixin taariikhadaasi sida ay ku doodeen taageerayaasha dowladda.
19-kii November ayaa hoggaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael, waxa uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in magaalada Aksum ay iyaga wali gacanta ku hayaan, balse ma cadda in garoonka uu ku jiray gacantooda iyo in kale.
''Akusm anagaa wali gacanta ku hayna, ciidammo ayaa la soo diray si ay noola dagaalamaan. Balse dagaal ayaa wali socdo", ayu yiri Debretsion

Maalintii jigtay ee 20-kii November, dowladda ayaa daaha ka rogtay inay la wareegtay magaalada Aksum, balse ay TPLF dhaawac ballaaran gaarsiisay kaabayaasha magaalada.
22-kii November, ayay warbaahinta dowladda daabacday muuqaal iyo sawirro muujinayay burbur soo gaaray dhabbaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka Aksum iyo godad u muuqday dhufeysyo laga qoday gudaha garoonka.
Dhowr maalmood ayuu garoonka ka socday dagaal faraha looga gubtay oo ay labada dhinac si aad ah ugu loollamayeen.

Si aan u oggaano in muqaaladani ay dhab yihiin iyo in kale, waxaan eegnay sawirro lagu qaaday dayaxgacmeed oo muujinaya xaaladda garoonka ka hor iyo ka dib weerarka.

Xigashada Sawirka, Planet Labs
Khamiistii ay taariikhdu ku beegneyd 19-ka November, waxay u muuqatay in garoonka uusan qabin wax dhaawac ah marka la eego sawirrada laga qaaday hawada sare.
Balse sawirrada lagu qaaday dayax gacmeedka Isniintii oo ku beegneyd 23-kii November, ayaa muujinaya xariiqimo taasoo malaha xaqiijin u ah sheegashada dowladda ee ah in dhufeysyo laga qoday garoonka si aysan diyaaradaha ugu dagin.

Xigashada Sawirka, Planet Labs
Baaritaanno kale ayaa ka marag furay caddeymahan.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Maamulka Tigray wax jawaab ah kama soo saarin sida ay wax uga dhaceen garoonka.
Mr Debretsion ayaa haseyeeshee beeniyay in xoogagiisa ay burburiyeen garoonka balse waxa uu xaqiijiyay in jidgooyooyin la dhigay garoonka.
Sawirrada marin habaabinta ah xilli xogta la xayiray
Iyada oo uu qadka internetka uu go'naa, xiriirka isgaarsiineed ee taleefonadana uu ka maqnaa gobolka Tigray, ayay aad u adagtahay in sawirro sax ah laga helo waxyaabaha dhacayay.
Warbaahinta dowladda ayaa ah mid gebi ahaanba dowladda ay gacanta ku hayso, iyada kaliyana ay galaangal u leedahay deegaanada dirirta ka socotay, iyada oo ay intaasi dheertahay in baraha bulshada ay ka buuxaan sawirro marin habaabin ah.
Markii lasoo sheegay in ciidanka militariga ay qabsadeen garoonka diyaaradaha, baraha ay maamulaan dadka dhanka dowladda dhexe u janjareera waxa ay bilaabeen in ay baahiyaan sawirro hore oo aanan wax xiriir ah la lahayn dhacdooyinka markaas socday, kuwaas oo ka dhigaya in ciidanka ay garoonka ku sugan yihiin.

Xaqiiqda waxa ay tahay in sawirradu ay yihiin kuwa ku saabsan weerar lagu qaaday garoon ku yaala dalka Liibiya sanadkii 2014-kii.
Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa dowladda Itoobiya ugu baaqday in ay dib usoo celiso xiriirka isgaarsiineed.

Muxuu muhiim u yahay garoonka magaalada Aksum
Itoobiya waa dal aad u weyn oo ay muhiim tahay in garoomada shaqeeyaan si saanadaha loo mariyo ciidanka militariga ah.
Gobolka ay ku taallo magaalada Aksum waa meel muhiim u ah sababo la xiriira xagga taariikhda facaha weyn ee uu leeyahay dalka Itoobiya.
Agaasimaha Iskuulka Arrimaha Caalamiga ah ee Balsillei, Prof Ann Fitz-Gerald ayaa tiri " Aad ayuu muhiim u yahay gobolka sababtoo ah garoomadii kale ee Baxar Daar iyo Goondhar waxaa la gaarsiiyay burbur, wuxuuna muhiim u yahay dhanka amniga iyo daabulista ciidamada, iyo sidoo kale in la helo qadad lagu wada xiriiro oo la taaban karo."
„Haddii ciidamada heerka goboleed ay iyaga haysan waayaan garoomada, talaabada xigta waa in ay qalqal galiyaan in cid kale isticmaasho".
Haddaba muxuu gobolkan caan ku yahay?
1. Boqortooyadii Aksum waxaa xurun u ahaa gobolkan: Waxaa lagu sifeeyey mid ka mid ah ilbaxyadii ugu waaweynaa ee horay u soo maray dunida. waxay mar ahayd dowladdii ugu xoogga badneyd ee u dhexaysay boqortooyooyinkii Roomaanka iyo Beershiya.

Xigashada Sawirka, Getty Images
2. Burburka magaalada Aksum oo hadda ay leedahay Hay'adda Aasaarta ee Qaramada Midoobeey: Goobta, oo ka bilaabmaysa inta udhaxeysa Qarnigii 1aad iyo kii 13aad ee AD, waxaa ku yaal dhismayaal waaweyn, qalcado, qabriyo boqortooyo iyo kaniisad.
3. Inta badan dadka ku dhaqan gobolka Tigray waa masiixiyiin haysta madhabta Orthodox-ka ee Itoobiya: Diinta masiixiga ayaa gobolka Tigray lagu beeray 1600 oo sannadood ka hor.
4. Luuqada ugu weyn ee gobolka waa Tigrinya, taasi oo ay ku hadlaan ilaa toddoba milyan oo qof oo ku nool dunida.
5. Sisinta waa dalagga ugu muhiimsan ee ka baxa gobolka: Waxaa loo dhoofiyaa Mareykanka, Shiinaha iyo waddamo kale.











