Noole labo farood lahaa oo la helay

Oksoko avarsan

Xigashada Sawirka, MW Skrepnick

Qoraalka sawirka, Noolahan ayaa leh garbo iyo afweyn oo aan ilko lahayn, arrinta aad loola sii yaabay ayaase ah inuu leeyahay labo farood

Nooc cusub oo noole ah, oo u eg xayawaanka loo yaqaanno "dinosaur", balse labo farood oo kaliya ku leh halkii gacanba, ilkana aan lahayn ayaa laga helay saxaraha Gobi ee waddanka Mongolia.

Cilmibaadheyaal ka tirsan Jaamacadda Edinburgh ayaa gacanya ku dhigay qalfoof badan oo xayawaankaas uu lahaa, waxaana lagu magacaabi jiray "Oksoko avarsan".

Xayawaankan garbaha fidsan lahaa, oo la rumeysan yahay inuu noolaa boqol malyan oo sano ka hor, ayaa sidoo kale lahaa af aad u weyn oo aysan wax ilko ah ku oollin.

Kooxda khubarada ah ayaa sheegay in qalfoofta hadda la helay ay suuragal ka dhigi karto in sharraxaad loo helo sida ay xayawananadu ku waayeen farahooda.

Bucket of bones

Xigashada Sawirka, University of Edinburgh

Qoraalka sawirka, Cilmibaadheyaal ka socda Jaamacadda Edinburgh ayaa helay qalfoofta xayawaankan oo la oran jiray Oksoko avarsan

Waxaa dhulka laga soo saaray dhowr qalfoof oo dhammeystiran.

Xayawaannadan oo dhirirkoodu uu gaarayay ilaa labo mitir ayaa lahaa af u eg sida midka shimbiraha guryaha lagu xannaaneysto.

Waxay kooxdan aqoonyahannada ah ogaadeen in xayawaankaasi lagu magacaabo Oksoko avarsan uu sida noocyada u egba u wada socon jiray raxan raxan.

Qalfoofta la helay ayaa 4 ka mid ah la arkay iyagoo isku meel ku aasmay, taasoo muujineysa inay isweheshan jireen.

Scale of dinosaur

Xigashada Sawirka, University of Edinburgh

Qoraalka sawirka, Xayawaanka dinosaur ayaa la ekaa kala bar ka mid ah qofka weyn

Dr Gregory Funston, oo ka tirsan Jaamacadda Edinburgh, qeybteeda daraaseysa taariikhda xayawaannadii hore, ayaa sheegay in qalfoofta la helay ay toosh ku ifin doonto cilmi badan oo ku saabsan nooleyaashii dunida ku sugnaa 68 milyan oo sano ka hor.

"Xayawaanka Oksoko avarsan xiiso ayuu leeyahay sababtoo ah qalfoofta la helay way dhammeystiran tahay, sida isku meel looga wada helayna waxay caddeyn u tahay inay koox koox isula socon jireen.

"Laakiin taas waxaa kasii muhiimsan, labada farood ee ay leeyihiin waxay na tuseysaa inaan wax ka ogaanno qaabkii ay xayawaanka farahooda isu baddaleen muddadaas dheer gudaheeda." Ayuu yiri.