TikTok oo isku dayayso inay meesha ka saarto muqaal aad loo faafiyay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bogga lagu wadaago fiidiyowga ee TikTok ayaa la halgamaya sidii uu meesha uga saari lahaa fiidiyowyo goos goos ah oo muujinaya nin isdilaya.
Muuqaalkan oo maalmihii la soo dhaafay dhex socday barta TikTok ayaa asal ahaan waxaa laga soo qaaday Facebook waxaana sidoo kale lagu wadaagay Twitter iyo Instagram.
TikTok dadka isticmaala badankooda waa dhalinyaro waxayna tiro badan soo sheegeen inay aad uga naxsanyihiin fiidiyoowga iyo macluumaadka halkaasi la soo dhigo
Barta TikTok ayaa waxay sheegtay inay mamnuuci doonto akoonnada si isdabajoog ah u soo saaro fidiyoowyadaas.
"waxaan ogaanaynay oo aan la soconay fidiyoowyadan ku xadgudbaya shuruucdeena oo ah kuwa kasoo horjeeda waxaa bogga la soo dhigay" ayuu yiri wakiil u hadlay TikTok
"Waxaan u mahadnaqaynaa xubnaheena bulshada ee soo gudbiyay cabashadooda ka dhanka ah fiidiyoowyada noocan oo kale waxyana uga digeen kuwa kale inay daawadaan, ama la wadaagaan muuqaalada noocaas ah."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Barta bulshadda ku kulanto ee Facebook ayaa BBC-da u sheegtay "bishi hore ayaan Facebook ka saarnay fidiyowgaas ,isla maalinka la soogeliyay waan saarnay, wixii markaas ka dambeyayna qaab tiknolooji ah ayaan meesha uga saarnaa wax walbo oo la xiriira fiidiyoowgaas"
"waxaan garab taaganahay qoyska Ronnie iyo saaxiibadiisa xilligan adag ee ay wajahayaan".
Isniintii ayay ahayd markiii gabadha Brenda oo 14 jir ah ay ka soo degtay jaran jarada guriga iyada oo ordaysa, maro ayay afkeeda ku dabooshay, iyad oo oynaysa ayaa waxay sheegtay inay xanuun dareemi doonto
" Waxay ku jirtay xaalad noocaas ah, waxay u ruxaysay sida caleen oo kale wayna ooyneysay, "Brenda, oo degan agagaarka Edinburgh, ayaa BBC-da u sheegtay.
"Weligay ma arag iyada oo sidaasi u murugaysan. Waxay ahayd wax laga naxo muddo ayayna qaadatay in ay hadasho. "
Brenda ayaa sheegtay in gabadheeda ay fiidiyoowga nin isdilaya ay ka aragtayTikTok kadib markii lagula taliyay in fidiyowgaas ay daawato.
"Gabadhaydu waxay ku jirtay xaalad naxdin leh, wali waxay ku jirtaa xaalad naxdin ah arrintanna waxay haysan kartaa bilooyin. "
Tan iyo markii ay dhacdadaas soo baxday, Brenda waxay sheegtay in gabadheeda ay seexato iyadoo nalka u daaranyahay.
Waxay intaasi ku dartay in weli gabadheeda ay soo xasuusanayso sawiraadi ay aragtay. Waxaa kale oo ay sheegtay in gabadheeda ay dareentay cabsi saas awgeedna ay ka bixi wayday iskoolkana ay aadi weyday.










