Kimberlee Perry: Sidee gabadhan $260 uga sameysay ku dhowaad $4 milyan oo dollar

Xigashada Sawirka, Bounce
Barnaamijka toddobaadle ah ee BBC-da eeThe Boss ee lagu wareysto dadka caanka ah ee horumarka ka gaaray ganacsiga guud ahaan dunida ayaa toddobadkan lagu wareystay Kimberlee Perry, oo ah gabadh sameysay shirkad qaabilsan arrimaha jimicsiga oo ku nool UK.
"Waxaan loo baahan yahay in aad xiriir la sameyso dadka, waana arrin farxad kuu horseedeyso" ayay tiri Kimberlee Perry.
Hadafka ay u bilowday inay bixiso casharrada dhanka jimicsigu wuxuu ahaa in dadka ay isku keentu gaar ahaan haweenka ku cidloobay magaalooyinka.
Kimberlee Perry oo 35 jir ah waxay markii hore ka timid Australia, sanadkii 2014-kii, xilli ay umushay, waxay dareentay cidlo, sidaas darteed waxay go'aansatay inay bilowday in haweenka ay siiso casharro jimicsi ah.
"Markii aan u guuray deegaanka Harlow ee Ingiriiska, waxaan dareemay cidlo, cidna ma garaneyn, marka naadiga kaliya ah in aan ku biiro karo waxay noqon kartay midda hooyooyinka iyo dhallaanka" ayay tiri.

Xigashada Sawirka, Bounce
Kimberlee waxay ogaatay in aysan jirin goob haweenka jimicsiga lagu baro, marka waxay go'aansatay inay hirgeliso shirkaddaas, waxay gelisay 200 oo Gini.
"Waxaan doonayay in aan farxad dareemo- haddii aad tahay hooyo hor leh, mashquul ayaad tahay habeen iyo maalinba, marka jimicisgan wuxuu noqday waxkasta oo kulmiya waxa aan baahanahay nolosheyda- caafimaadka, xiriirka iyo waxa xiisaha leh"
Ka hor inta uusan dunida saameyn feyrsaka Korona, shirkaddeedu waxaa ku xirnaa bil kasta 47,000 qof- oo u badnaa haween ka kala socda, UK, Australia iyo New Zealand.
Arrinta kale ee u horseeday inay sameyso ganacsigan wuxuu ahaa mar ay aheyd shaqaale oo ay waaysay fursad ah in la dallacsiiyo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Waan naxay, maalmo ayaan sariirta ku kor ooynayay- waa in 24 saac aad shaqeysaa- waxaan u maleynayaa in markii aan uurka ahaa ay ii horseeday go'aanka ah in la ii dallacsiin waayo"
Kimberlee waxay horey u garan jirtay ciyaaraha qoob ka cayaarka, waxay dadaal adag gelisay jimicsiga, marka waxay wax ka dhigi jirtay mid kamid ah goobah lagu jimicsado halkaas oo ay kala timid ah fikradda ah inay sameyso shirkaddeeda.
Waxay sheegtay in fikradda hirgelinta goobta jimicsiga ay ku wargelisay seygeeda, wuxuu ku yiri "Ma waalantahay"

Xigashada Sawirka, Bounce
Markii ugu horreysay ay bilowdo casharreeda, Kimberlee waxay sameysay jadawal isla markaana waxay shaqaaleysiisay shaqaale maxalli ah oo ku sugan deegaanka Harlow.
"Hooyooyinka marka ay qaadanayaan casharrada jimicsiga waxay goobta la imaanayaan carruurta, bilooyin uun kaddib, waxaan bilaabay in aan casharro kale kusoo kordhiyo ,dalabka dartiis- dadku waxay jecel yihiin waxyaabaha xiisaha geliya, in muddo 45 daqiiqo ah ay ku gubayaan 600 calories"
"Dhammaan lacagtii aan hayay waxaan geliyay ganacsiga- waxaan bixinayay kirada goobta aan ku qabanayay jimicigsa, waxaan soo iibiyay qalab badan, waxaan gaaray heer aan wada bixin waayay dhammaan casharrada, toddobaadkii 12 cashar ayaan bixin jiray"
Kimberlee waxay bilowday in diiradda ay saarto ganacsigeeda, dadkii tartan igula jiray waxay bilaabeen ganacsi lamid ah keeda, waxay haatan bilowday inay ballaariso ganacsigeeda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haatan, Kimberlee iyo kooxdeeda waxay tababareen in ka badan 700 macalimiin ah, waxay haatan leeyihiin 320 stuudiyo oo ku yaalla guud ahaan UK iyo caalamkaba, xarumahaas waxay ka caawiyaan qalabka iyo halka lagu qabanayo casharrada jimicisga.
Marc Mullen oo uu fadhigiisu yahay London ayaa aaminsan in jimicsiga noocan ah uu yahay mid caan ah oo xiiso gaar leh isla markaana haweenka ka caawinayo in bulshadu ay ku dhex jiraan.

Xilli ganacsiga uu sanadkii lasoo dhaafay uu gaaray 3 malyan oo Gini, , Kimberlee waxay haatan maamushaa koox gaareysa 25 oo uu fadhigeedu yahay deegaanka Harlow.
Haatan oo ay tahay qof madax ah, weli waxay bixisaa casharrada "Waxaan toddobaad kasta bixiyaa 5 cashar, waan jeclahay in dareenka uu ii horseedayo, aniga oo og in maalin kasta aan dhiirigelinayo haween kale"
Bishii April ee sanadkan, shirkadeedu waxay casharradu ku bixisaa qaab Online ah, toddobaadkii waxay bixisaa 8 ilaa 7 cashar.










