Dadka Faransiiska maxay u jecel yihiin cabashada?

.

Xigashada Sawirka, Frank Rothe/Getty Images

Emily Monaco oo ah qoraa ka faaloota dhaqanka oo uu fadhigeedu yahay Faransiiska waxay dabeecado cajiibka ah ay ku aragtay shacabka Faransiiska.

Waxay sheegtay in qaar ka mid ah asxaabteeda ay wax ka weyddisay sababta shacabka Faransiiska ay u jecel yihiin cabashada? waxay sheegtay in shacabka dalkaas ay ereyo kala duwan u adeegsadaan marka ay gudbinayaan cabashadooda, iyagoona u kala qaada mid maadeysi ah iyo mid dhab ah.

Faransiiska waxaa caadi ka ah cabashada, waana waxa lagu bilaabo marka qof lala sheekeysanayo, waxaa laga yaabaa in qofka marka uu maqaaxi soo galo, in uu ka hadlo adeegyada maqaaxida haddii ay liitaan ama uu eego gudaha maqaaxida oo uu ku yiraahdo halkan waxaa ka maqan 'Daahyo' ama 'waxyaabo kale'.

Julie Barlow oo ah weriye u dhashay Canada wuxuu leeyahay "haddallada dhaliisha ah waxay Faransiiska ka yihiin kuwa dadka u horseedayo inay si furan ay fikradahooda ku cabiraan".

"Waxaan la kulmeysa arrin xikmadeysan oo ah in aad aragto qof indho xun kugu soo eegaya oo haddana doonayo in wax badan uu ogaado".

Anna Polonyi oo ah qoraa heysato dhalashooyinka Faransiiska, Hungary iyo Mareykanka waxay tiri: "Ma ahan cabashadii aan garaneynay, waa mid xanbaarsan wax cabbirid, waxaana dareemay in dadka aysan isa siineyn fursad ay cabashadooda ku gudbistaan taas oo xoojineyso saaxibtinimadooda".

Shacabka Faransiiska inta badan kama cawdaan waxyaabaha noloshooda khuseeyo balse waxay ka cawdaan arrimo gaar ah sida in dowladdu ay ka cawdaan

Xigashada Sawirka, Adisa/Getty Images

Qoraalka sawirka, Shacabka Faransiiska inta badan kama cawdaan waxyaabaha noloshooda khuseeyo balse waxay ka cawdaan arrimo gaar ah sida in dowladdu ay ka cawdaan

Dadka Faransiiska hadalkoodu ma lahaan gunaanad, "waxay ila tahay in markasta oo ay cabshada badato aad dareymeyso shucuurta qofka kale ee xaaladdu ay ku cakiran tahay".

Waddamada uu guumeystay Faransiiska ma jecla dhaqanka shacabka dalkaas, waxay inta badan ku doodayaan in dhaliisha ay dhibaatooyin ka dhashaan, balse khuburada qaar ayaa ku doodayaa, in dhaqankan ay muujinayaan shacabka laga yaabo in uu u wanaagsan yahay caafimaadka.

Daraasad caafimaad oo la sameeyay sannadkii 2013-kii waxay muujineysaa in xakameynta dareenka lala xiriiriyay inay ka dhashaan halista cudurro oo ku dhaca wadnaha iyo dhiiggaba halka daraasadda ay sameysay jaamacadda Texas lagu sheegay in dareenka dhaliisha ah uu dadka u horseedayo in dabeecad ah qalafsan ay yeeshaan.

Shacabka Faransiiska waxay jecel yihiin cabashada

Xigashada Sawirka, Busa Photography/Getty Images)

Qoraalka sawirka, Shacabka Faransiiska waxay jecel yihiin cabashada

Lama oran karo cabashadu in mar kasta ay tahay mid wanaagsan, cabashada xilli kasta waxay ku horseedi kartaa jahwareer iyo in maskaxdaadu ay si khaldan wax u fahanto.

Balse shacabka Faransiiska waxaa laga yaabaa inay iska ilaaliyaan dhibaatada, sababtoo ah waxaa dhif iyo naadir ah in waxyaabaha khuseeyo noloshooda ay ka cawdaan balse waxay ka cawdaan arrimo gaar ah.

Cabashada Faransiiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida ku xusan sahan la sameeyay, boqolkiiba 48 shacabka Faransiiska waxay ka cawdaan dowladda.

Sidoo kale warbixin dhawaan ay qortay warbaahinta Politico, waxaa lagu sheegay "dadka waxay dhaliileen qaabka Ra'iisul wasaare Emmanuel Macron uu ula tacaalay ka hortagga fiditaanka feyraska Korona, waxaana aad u yar tirada dadka cabashada ka muujiya waxyaabaha u gaarka ah ama marka ay dhibaato la soo deristo.

Sida ku xusan sahankaas, boqolkiiba 23 shacabka Faransiiska waxay ka xanaaqaan marka aad wicitaanka ku soo celin weydo, boqolkiiba 33 na waxay ka xanaaqaan marka ay waayaan furahooda ama teleefoonkooda; boqolkiiba 12 na waxay ka cadhoodaan arrimo ay ka mid yihiin dhaqanka carruutooda.