Sawirro: Sida reer Ciraaq ula tacaalayaan kulaylka kontonka digrii dhaafay

Xigashada Sawirka, EPA
Shacabka reer Ciraaq ayaa ku dadaalaya sidii ay isku qaboojin lahaayeen maadaama oo heer kulka guud ahaan gobolka Bariga Dhexe aad u kordhay.
Magaalo madaxada Baqdaad ayaa lagu soo waramayaa in heer kulku gaadhay Salaasadii 52C, taas oo noqonaysa halkii ugu sarraysay ee uu gaadho abid.
Arbacadii ayaa la sheegayaa in kulku hoos ugu soo dhacay 51C.
Dad badan ayaan guryaha ka soo bixin, badhtamaha magaalada Baqdaadna dadka qaarkood ayaa isku qaboojinayey tuushash ama xamaamyo macmal ah.

Xigashada Sawirka, EPA
Heer kulkan xad dhaafka ahi wuxuu culays dheeraad ah sii saaray adeegyada aasaasiga ah ee dalka oo markooda hore ba iska liitay.

Xigashada Sawirka, EPA
Koronto la'aanta ayaa dad badan oo reer Baqdaad ah ku dirqiday in ay adeegsadaan mishiinno si ay dab ugu helaan marawaxadaha iyo AC-yada.

Xigashada Sawirka, EPA
Xaaladan ayaa dhalisay cadho mug leh, waxaanay dib u bilaabmay mudaharaadadii dhawaanahan dhacayey.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ugu yaraan laba qof oo mudaharaadeyaal ah ayaa Salaasadii dhintay, waxaanu ururka xuquuqda aadanaha u dooda ee Ciraaq sheegay in dad ka badan 20 oo kale ay ciidamada nabad gelyadu dileen.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dalkaa waxa kale oo saameeyey hoos u dhaca qiimaha saliidda ee sayladaha dunida tan iyo intii safmarka fayraska korona bilaabmay.
Sida ay muujinayso xogta Jaamacadda Johns Hopkins safmarkani wuxuu ku dhacay 118,000 qof oo reer Ciraaq ah halka 4603 kalena u dhinteen.

Xigashada Sawirka, Reuters










