“In aanan wali geeriyoonin mar kale raalligalin kama bixin karo”

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waddanka Faransiiska 36,000 oo magaalo ayaa bishii March laga sameeyay wareegga koowaad ee doorashada maayarrada(duqa magaalada), wareeggii labaadna waxaa la filayaa inuu dhaco dabayaaqada isbuuca dambe. Saddex bilood ayey hakad dib u dhac ah gashay doorashada, sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee corona. Wariye Chris Bockman ayaa wareysi lasoo yeeshay mid ka mid ah dadka rajada fiican ka qaba in dib loo soo doorto, oo lagu magacaabo André Trigano.
"Waxaan rajeynayaa in aanan mar kale raalligalin ka bixin doonin inaanan wali geeriyoonin."
Hadalkiisa ayuu jumladdaas ku billaabay maayarka waayeelka ah oo u taagan doorashada duqa magaalada magaalada Pamiers ee dalka Faransiiska - taasoo ay ku nool yihiin shacab gaaraya 16,000 oo ruux.
André Trigano waa 94 jir wuxuuna xafiiska dowladda ku sugnaa ku dhawaad 50 sano.
Magaciisa ayaa ugu sarreeya liiska musharraxiinta xilkaas u tartamaya ee lagu soo bandhigay natiijada wareeggii koowaad ee doorashada, oo dhacay bishii March.
Haddii uu ku guuleysto wareegga labaad, oo dhacaya 28-ka bishan June, waxay da'diisu ku beegmeysaa 101 sano xilliga ay muddo xileedkiisa ku egtahay.
Waxaa jira odayaal kale oo sidaas si lamid ah ugu dagaallamaya in dib loo soo doorto - waxaana ku jira nin 98 jir ah oo u hanqal taagaya xilka duqa magaalada Bordeaux - laakiin ma jiro qof taariikhdiisu ay u qurux badan tahay sida tan Trigano.
Ninkan, oo caasimadda Paris ku dhashay sanadkii 1925-kii, wuxuu ahaa dhowr iyo toban jir markii ay ciidamada Jarmalka qabsanayeen magaalada, xilligii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Waalidiintiisa oo ka mid ahaa qaxootiga Yahuudda ah ee kasoo jeeda waddanka Algeria ayuu askari ka tirsan booliska oo la dagganaa kula taliyay inay qaxaan. Waxaa kale oo uu u sheegay in la bixiyay amar ku aaddan in lasoo xir xiro qoyskaas.

Xigashada Sawirka, Chris Bockman
Waxay gabbaad ka dhigteen gobolka buuraleyda ah ee Ariège, oo ku yaalla koonfurta Faransiiska, Trigano oo da' yaraana wuxuu ku biiray ciidamadii iska caabbinta.
Wuxuu sameystay warqado been abuur ah oo qarinaya asalkiisa, wuxuuna ka mid noqday xoogaggii isbahaysiga. Badankood waxay ahaayeen ciidamada cirka oo markii dambena qaar lala soo riday diyaaradahoodii, qaar kalena u baxsadeen dhinaca Spain.
Saddex jeer ayaa la xiray, laakiin si unbuu ku badbaaday.
Markii uu dagaalka dhammaaday, wuxuu go'aansaday inuu iska joogo koonfurta, wuxuuna iska galay ganacsi.
Khibraddii uu ka helay dagaalkii qabsashada ahaa ayaa ku dhiirrigalisay in sida kaliya ee sharafta lagu soo celin karo, tallaabo noocaas ahna looga hortagi karo ay tahay inuu dad waddamo kala duwan kasoo jeeda aruuriyo una kaxeeyo damaashaadka xilliga fasaxa.
Aabihiis iyo walaalkiis ka weyn ayaa dagaalka ka hor sameyn jiray gacansiga ku saabsan martigalinta dalxiiseyaasha, isaguna jidkii ayuu raacay.
Trigano wuxuu ugu dambeyn heer sare ka gaaray ganacsigiisii, isagoo ka faa'iideystay amarkii ay dowladda Faransiiska ay saartay sanadihii 1950-meeyadii ee farayay in dadka shaqaalaha ah loo kordhiyo lacagta ay fasaxa ku aadaan sannadkiiba saddex jeer.
Lacagtii badneyd ee uu sameeyay waxay ka caawisay inuu iibsado gawaari badan oo kuwa ugu qaalisan ahaa xilligaas. Ilaa 120 gaari ayaa taallay gurigiisa, waxaana ka mid ahaa kuwo noocoodu yahay vintage Citroen, kuwo noocoodu yahay Cadillac, kuwo noocoodu yahay Triumphs, kuwo noocoodu yahay Rolls Royce, iyo mid noociisu yahay Excalibur.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laakiin marba marka ka dambeysa, wuxuu dareemayay inuu daneynayo dhinaca siyaasadda.
Hantidiisa badan ayaa u fududeysay inuu si sahlan ku galo siyaasadda.
Muddo 25 sano ah ayuu maayar ka ahaa magaalada Pamiers, oo ah tan ugu weyn gobolka Ariège. Xilligaas ka hor wuxuu 24 sano maayar ka ahaa magaalo taas ka yar oo lagu magacaabo Mazeres.
Sidoo kale wuxuu marar kala duwan xildhibaan ka ahaa Baarlamaanka qaran ee fadhigiisu yahay magaalada Paris.
Wuxuu sheegay in hantidiisa badan ay kalsooni siisay dadka, maadaama aysan marnaba ku tuhmeynin in xilka uu u adeegsan doono danihiisa gaarka ah.
Haddaba maxay tahay sababta uu muddada sidaas u dheer kaddib wali u daneynayo xilka siyaasadeed?

Xigashada Sawirka, Chris Bockman
Wuxuu sheegay in wali ay u dhimman yihiin waxyaabo aad u badan oo uusan dhammeystirin, kuwaasoo ay ka mid yihiin qorsheyaal lagu dayactirayo bartamaha magaalada Pamiers - halkaasoo ay ka muuqato saboolnimo, hoyna u ah dadka garab raratada ah.
"Habeen kasta waan seexdaa, subixiina waxaan hurdada kasoo kacaa anigoo haya fikrado cudub oo lagu hormarinayo magaalada," ayuu yiri.
Laakiin dadka kasoo horjeeda ayaa mar walba hub ahaan ugu adeegsada da'diisa.
Labo qof oo ay BBC-da la hadashay waxay isku raaceen in la joogo waqtigii uu booska banneyn lahaa.
"Haa, wax badan wuu u qabtay magaalada, laakiin hadda howshiisa oo dhan waxaysan ka socon karin waayeelnimadiisa" ayuu yiri mid ka mid ah dadkaas, oo lagu magacaabo Maryline Doussat, ahna milkiilaha foorno rootiga lagu dubo oo ay ka shaqeeyaan 20 ruux.
Taasi waxay sharraxaad u tahay kaftanka Trigano ee ah inuusan raalligalin ka bixin doonin sababta uusan wali u geeriyoonin.










