Muranka Hindiya iyo Shiinaha: Khilaafka xuduudda oo 500 oo erey lagu sharaxayo

Xigashada Sawirka, AFP
Militari ayaa la geeyay xadka lagu muransan yahay ee u dhaxeeya Hindiya iyo Shiinaha ee buuraleyda Himalayas, kadib dagaal ba'an oo halkaas ka dhacay.
500 oo eray oo asaaska muhiim u ah arrintan ayaa kaa caawinaya inaad fahanto waxa socda.
Maxaa dhacay intii ay socdeen isku dhacyada?
Ugu yaraan 20-askar oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa lagu dilay dhacdadii habeennimadii Isniinta.
Dhacdadaasi waxay ka dhacday buuralleyda Galwan ee gobolka lagu muransan yahay ee Ladakh.
Dowladda Shiinaha ayaa ku eedeysay ciidamada Hindiya in ay labo jeer ka soo tallaabeen xuduudda, iyagoo "carreysanna ayna weerarayaan shaqaalo u dhashay Shiinaha oo nawaaxiga xadka ku sugnaa".
Labada dhinac ayaa ku adkaystay inaan wax rasaas ah aysan dhicin. Saraakiisha dalka Hindiya ayaa meesha ka saaray tirada dagaallamayaasha oo gacmaha ku haysta ulo bir ah iyo dhagaxyo.
Waxaa jiray warbixino sheegaya khasaaraha soo gaaray Shiinaha, balse si rasmi ah looma xaqiijin karo.
Saraakiisha militariga ee labada dal ayaa markii dambe kulmay, si ay "u dejiyaan xaaladda", ciidamada Hindiya ayaa sidaasi sheegay.
Waa maxay sababta ay u dagaalamayaan?
Militiriga labada dal, ayaa muddo tobannaan sano ah isku heystay dhulka aadka u sarreeya ee buuraleyda ah, oo u badan gobol aan la degganeyn.
Ciidammadoodu ayaa si fool ka fool ah isaga hor imaanayay meelo badan oo ah illaa 3,440km (2,100-mile, waana xadka ay wadaagaan.

Iskahorimaadka ayaa yimid,kadib markii bilihii la soo dhaafay ay xiisado ka dhasheen waddo cusub oo Hindiya laga dhisay oo ku taalla magaalada Ladakh, iyada oo la raacayo Khadka Tooska ah ee kala qaybiya labada dhinac ee xuduudda.
Taasi ayaa ka careysiisay Shiinaha, oo ciidan geeyay halkaas, waxayna kaabayaal gar ah ka dhiseen dhulkeeda lagu muransan yahay, taas oo keentay in labada dhinac ay ciidamadooda ku soo dhowaadaan ayna sii kordhiyaan halista dagaallada.
Maxay arrintan muhiim u tahay?
Labada dhinacba waxay u arkaan deegaanka uu yahay mid muhiim ah, xag dhaqaale iyo mid milatariba.
Hadduu midkoodna uu waddo helin, wuxuu iska hor imaatinkaas cawaaqib xumo ku yeelan karaa gobolka ay ku isku khilaafsan yihiin.
Nolosha lagu weynayo dagaalka ayaa sare u sii qaadeysa xaaladaha cakiran. Dhimashadaas ayaa la rumeysan yahay inay tahay tii ugu horreysay muddo 45 sano ah oo ka dhacda xadka u dhexeeya Hindiya iyo Shiinaha. Waxay dagaallameen hal mar oo keliya, sannadkii 1962, markii Hindiya ay la kulantay guuldarro aad u xun.
Sidee arrintan khatar u noqon kartaa?
Waa halis aad u daran, haddii dadaalka deminta collaadda uu fashilmo.
Maalmihii la soo dhaafay, jeneraallo ciidan oo ka kala socda Hindiya iyo Shiinaha ayaa ku lug yeeshay wadahadallo loogu talagalay xalinta dagaalka xadka.

Xigashada Sawirka, AFP
Si kastaba ha ahaatee, isku dayo kan la mid ah oo lagu heshiisiinayay ayaa horey u istaagay.
Hadeysan ku guuleysan, waxaa jiro halis ah in uu sii kordho xifaaltanka ka dhaxeeya labada dhinac oo ah wadamada ugu dadka badan aduunka - isla markaana heysta hubka nukliyeerka.
"Tani waa mid aad iyo aad khatar u ah, Tani waxay qatar galineysaa wixii wadahadal ah ee socda," taliyihii hore ee ciidamada Hindiya, DS Hooda ayaa sidaasi yiri, isagoo ka hadlaya isku dhacii Isniinta.










