Dilkii George Floyd: Cunsuriga saaxiibka kugula ah Facebook maxaad ku sameyneysaa?

Dabcan qof kasta wuxuu Facebook ku leeyahay saaxib - soo bandhigi kara waxyaabo ay ku dheehan tahay falal cunsurinima ah.

Warbixintan waxay ku saabsan tahay Cherry Wilson oo ka tirsan BBC, taas oo la kulantay dhacdooyiinka cunsuriyadda ee Baraha Bulshada.

"Aniga saaxibka aan isla soo kornay ayaa sameeyo arrintan."

Haddii la eego dilkii ninkii madowga ahaa ee ka dhacay Mareykanka - George Floyd - dibadbaxyada looga soo horjeedo falalka cunsurnimada ah ee ka dhashay arrintaas iyo doodda ku saabsan in meesha laga saaro taallo ku taalla Britain, wixii arrintaas ka dambeeyay dadka waxay bilaabeen in baraha bulshada ay ku soo bandhigaan qoraallo laga dheehan karo cunsurinimo.

Ma ahan arrin weyn, balse waa mid jees jees ah, ha u qaadan arrin dhab ah.

Balse marka aan arko waxyaabo noocaas ah waan dhibsanayaa.

Waxay isoo xusuusisay magacyo cunsuri ah oo la iigu yeeri jiray, oo inta badan la iweydiin jiray, tusaale ahaan "Halkeed ka timid?" (Ma waxaad ugala jeeddaa, muxuu yahay midabkan aad leedahay?)

Waxaan sidoo kale soo xusuustaa mar aniga iyo walaashey aanan tegin karin goob lagu caweeyo ee ku taalla London, sababtoo ah "waxay doonayeen in halkaas ay tegaan bulshada cad ee yuru". mar kasta dadka qaar waxay taabanayaan timaheyga iyagoon waxbo u arkin (Ma ihi xayawaan ay xannaaneysanyaan)

Falalka cunsurinimada ah wuxuu dhaafsiisan yahay in qofka lagu yiraahdo ereyga "Nigger" oo ah mid cunsuri ah oo loogu yeero dadka madowga ah ee ku nool Mareykanka.

Haddii aanan ka jawaabin qoraallada noocan ah, waxay horseedi karaan jahwareer.

Sida wax looga qabanayo arrintani

Waxaan go'aasaday in aan wax ka qabto, balse waxaan u baahanahay, in la isiiyo talada ah in aan iska saari karo saaxibka aan ku leeyahay Facebook ee cunsuriga ah ama in aan u jawaabo?

Dr Keon West oo ku takhasusay cilmu-nafsiga ayaa sheegaya in go'aankaas ay ku xiran tahay waxa qofka uu ka damacsan yahay saaxibka cunsuriga ah.

"Haddii aad isku dayeydo in aad ilaaliso badqabka maskaxdaada, marka kuma oran karo u jawaab qofkaas".

"Ma filayo in aad wax wanaagsan kala kulmi karto dadka sida joogtada ah usoo qoro waxybaaha ay ku dheehan tahay cunsurimada, dabcan waxaad la kulmeysaa xaalad xun"

Haddaba qofka waxaad u jawaabi kartaa uun marka aad u sheegeyso in waxyaabaha uu soo bandhigay ay yihiin kuwo beegsanayo dhaqanka bulshooyinka qaar.

"Haddii aad isku dayeydo in dadka qaar aad xusuusiso in waxyaabaha ay soo bandhiyaan ay ka soo horjeedaan dhaqamada qaar, markaas waxaan oran lahaa waad la hadli kartaa qofkaas".

"Haddii dadkaas ay wax iska baddali waayaan, wuxuu ficilkooda noqonayaa mid aan la aqbali karin".

Ma isbaddali karaan?

Marka aan arko qoraallo cunsurinimo ah oo uu soo bandhigay qof aan garanayo, waxaan ka walwalaa in "haddii aan u jawaabo ay wax ka baddali karto dhaqankiisa ama in kale."

Hadda waan maqlayaa iyagoo leh- "Waxaad soo bandhigeysaa dood ku saabsan cunsurinimada".

Waxaan dadka weydiyay waxa ay sameyn lahaayeen haddii ay arkaan qoraallo cunsurinimo ah ama hadallo xanaf leh?

"Waxaan bilaabi lahaa in aan ka falceliyo inkasta oo ay yihiin hadallo xun", waxaa sidaas ii sheegtay Alisha oo 27 sano jir ah.

"Qof ayaa igu yiri, waxaad mudan tahay in lagu kufsado xilli aan isku dayay in aan sharraxaad ka bixiyo muhiimadda ay leeyihiin dibadbaxyada loogu magac daray 'Qiimaha Nolosha dadka madow'."

"Wixii intaa ka dambeeyay, waxaan go'aansaday in aan meesha ka saaro saaxibnimada qofkaas ee Facebook, waana arrin aan ka naxay", ayey tiri.

Njambi McGrath oo ah qoraa ahna majaajileyste u dhalatay Kenya ayaa sheegtay in wakhti ay ku qaadatay in ay u jawaabto nin ay ku tirisay in uu yahay cunsuri.

"Ka dib markii uu soo bandhigay hadalladaas - xitaa haddii maalinkaas uu dib ugu laabto guriga, uuna rumeysan yahay firkaddaas - wuxuu dib ka ogaan doonaa in qof uusan jeceleysan arrinta uu soo bnadhigay".

Wacyigelinta baraha bulshada

Kasia Williams waxay sheegtay in seygeeda uu la kulmay falal cunsurinimo ah, marka waxay sheegtay inay muhiim tahay in ay ka hadasho qoraallada laga dheehan karo cunsurimada ah ee lagu soo qoro Facebook.

"Kama aamusi karo, indhahana kama dadan karo arrintaas, dadka qaar ayaa ku jawaabaa 'waad ku mahadsan tahay in aad nala soo wadaagto macluumaadkan', waxay bilaabayaan wacyigelinta ka dhan ah falalkaas, waxaan filaya in ay tahay tallaabo wanaagsan".

Dr Keon West oo ku takhasusay cilmu-nafsiga ayaa sheegay "haddii aad u jawaabto dadka soo bandigo qoraallada cunsuriga ah, maka filan kartid in ay si degdeg ah u joojiyaan".

"Waxaa jiro siyaasabo kala duwan oo lagu wacyigelin karo dadkaas, waa arrin u baahan wakhti marka ha qaadan tallaabada ah in aad ka dhex qeyliso Internet-ka".

Matthew Collins oo madaxa ka ah ha'yad samafal oo u ololeyso ka hortagga falalka cunsurinimada ayaa sheegay in faquuqa ay ka dhashaan cabsida iyo aqoon la'aanta.

Wuxuu sheegay in bulshada ay u baahan tahay hoggaan xooggan oo wax ka qabta walaaca iyo cabsida ay qabaan dadka ee ku saabsan midab takoorka iyo sinaan la'aanta si horumar loo gaaro.

Markii aan dib u eegay Facebook, waxaan mid kamid ah qoraalladii ugu dambeeyay ee uu soo dhigay qof aan garanayo uu ahaa "qoraal jees jees ah oo ka dhan ah dadka madow".

Wax aan ka qaban karay arrintaas ma jirin - waana ku daalay.

Waxaa la joogaa wakhtigii aan qaadi lahaa tallaabo aan isaga saarayo saaxibada qaar ee Facebook.