Joe Biden: Miyuu ka guuleysan karaa Trump si uu u noqdo madaxweynaha Mareykanka?

Xigashada Sawirka, Getty
Joe Biden waa halka nin ee hor istaagi kara in Donald Trump uu fursad u helo inuu afar sano oo kale ku sugnaado Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka
Ninkan, oo madaxweyne ku xigeen usoo noqday Barack Obama, ayey si rasmi ah xisbiga Dimuqraaddiga ah ugu soo xusheen inuu Donald Trump kula tartamo doorashada madaxweynaha ee Mareykanka ka dhici doonta bisha November.
Dadka taageera waxay aaminsan yihiin inuu khabiir ku yahay siyaasadda Arrimaha Dibadda, maadaama uu tobannaan sano kusoo dhex jiray maamulladii soo maray xukuumadda Washington.
Waa nin carrabkiisa ay saaran yihiin erayo aad u qallafsan, si fududna u dacaayadeyn kara dadka caadiga ah ee uu kula kulmo meelaha uu khudbadaha ka jeediyo. Sidoo kalena, waa nin si geesinnimo leh uga soo gudbay musiibooyin waaweyn oo noloshiisa shakhsiyadeed soo maray.
Dadka dhaleeceeyana waxa ka aaminsan yihiin inuu yahay nin aflagaaddo badan oo jecel inuu dumarka xiriir xagga gogosha ah la sameeyo.
Haddaba ma leeyahay kartidii uu Trump uga saari lahaa Aqalka Cad?
Waa qof hadalka boobsiiya

Xigashada Sawirka, Getty
Biden kuma cusba ol'olaha doorashada - xirfaddiisa siyaasadda Washington waxay ka billaabatay Aqalka Sare ee Senate-ka sanadkii 1973-kii (47 sano ka hor) ol'olihiisii ugu horreeyay ee madaxtinnimadana wuxuu billowday 1987-kii (33 sano ka hor).
Wuxuu isku darsaday inuu cod bixiyeyaasha ka ka baryo taageeradooda iyo in waqtiga uu ku gaaban yahay.
Haddii uu markan guul darreysto, fursad kale uma soo hareyso.
Isku daygiisii ugu horreeyay ee ol'olaha doorashada madaxtinnimada wuxuu soo afjarmay markii la qaaday isagoo meel fagaare ah dadweyne kula hadlaya.
Tani waa markii saddexaad, inkastoo ol'olaha uusan wali billaabanin

Xigashada Sawirka, Reuters
Isagoo ka hadlaya fagaare ay dad badan isugu imaadeen ayuu yiri: "Awooweyaashey waxay ka shaqeyn jireen godadka macdanta ee waqooyiga-bari ee gobolka Pennsylvania."
Wuxuu sheegay inuu ka xanaaqsan yahay inaysan helin fursaddii ay u qalantay noloshooda.
Laakiin sida xaqiiqada ah, ma jirin mid ka mid ah awooweyaashiis oo macdan qode ahaa - erayadaas iyo kuwo kaleba wuxuu kasoo xaday siyaasi u dhashay Britain oo lagu magacaabo Neil Kinnock, kaasoo qoyskiisa ay si run ah u ahaan jireen macdan qodato.
Hadalkaas wuxuu ka mid yahay kuwa faraha badan ee loo yaqaanno "Bambooyinka Joe".
Mar uu sanadkii 2012-kii ka hadlayay khibraddiisa siyaasadeed ayuu taageerayaashiisa oo uu meel fagaare ah uga khudbeynayay ku yiri: "Dadweynoow, waxaan idiin sheegi karaa inay aqoon nasoo dhex martay lix madaxweyne, oo saddex ka mid ah aan gogol isla soo wadaagnay." Si aan ku talagal ahayn ayuu u sheegay in saddex ka mid ah madaxweyneyaasha ay isaga gogol dhinaca galmada ah soo dhex martay, halkii uu ka dhihi lahaa "Waxaan soo ahayn saaxiibbo dhow."

Xigashada Sawirka, AFP
Mar uu sanadkii 2009-kii madaxweyne ku xigeen u ahaa Barack Obama wuxuu dadka u gudbiyay qeylo dhaan uu ku sheegayay "inay dowladdooda khaldi doonto" 30% ka mid ah dhaqaalaha Mareykanka.
Dabcan nasiib ayuu lahaa markii loo xushay inuu ku xigeen u noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah kaddib markii uu si laga yaxyaxo ugu qeexay inuu Obama yahay "Ninkii ugu horreeyay ee ka tirsan Mareykanka madow, oo luuqadda ingiriiska si fiican ugu hadla, nadaafaddiisu fiican tahay muuqaal qurux badanna leh".
Isagoo xitaa hadalkaas yiri, waxba iskama dhimin taageerada uu ka heystay dadka Mareykanka madow ah, si weyn ayeyna u garab istaageen markii ay doorashada dhaceysay.
Laakiin dhawaan ayuu jeediyay hadal lagu qeexay inuu aflagaaddo ku yahay dadka Afrikaanka ah ee Mareykanka ku nool, xilli uu ka qeyb qaadanayay barnaamij uu daadihinayay wariye madow ah.
"Haddii aad kala garan la'dahay qofkii aad u codeyn lahayd aniga iyo Trump, markaas ma tihid madow." ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, THE BREAKFAST CLUB ON POWER 105.1/Via Reuters
Halkaas jumlad ayaa qabsatay hadal heynta warbaahinta, waxayna kooxdiisa ol'olaha doorashada aad igu dayayaan inay qariyaan in musharraxooda uu u maleeyo in dadka Mareykanka-madow ah ay jeebkiisa ku jiraan.
Sidaas awgeed way iska caddahay sababta uu wariye ka tirsan Majalladda NY sanadkii lasoo dhaafay u qoray in "Biden oo ka hadlaya waxyaabo mowduuca ka baxsan ama ku simbiriirixda erayo khaldan ay tahay arrin ay kooxdiisa ol'olaha xoogga saarayeen inaysan dhicin."
Rugcaddaa dhinaca ol'olaha ah

Xigashada Sawirka, Reuters
Laakiin waxaa jira meel ay durba iska rogto xirfadda hadalkiisa - xilli ay dunida hadda jirta dadka siyaasiyiinta ah aad uga fiirsadaan hadalladooda, isagu wuxuu u hadlaa sida qof iska caadi ah.
Wuxuu sheegaa in xasuusta carruurnimada ay micnaheeda tahay inuusan waxyaabo ku qarsanin calooshiisa, laakiin uu mar kasta ka hadlo wixii qalbigiisa ku jira oo dhan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wuxuu awood u leeyahay inuu marka hore dadka uu u khudbeynayo uga careysiiyo hadallo ka baxsan mowduuca, kaddibna intuu shacabkii goobta ku sugnaa dhex galo, qaarkood gacmaha ku salaamo kuwo kalena sawirro la galo.
"Mararka qaarkood dadka wuxuu si toos ah ugu soo jiitaa inuu laabta galiyo," ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Mareykanka, sidoo kalena ahaa musharrax madaxweyne, John Kerry, oo la hadlayay majalladda New Yorker.
"Waa siyaasi aad u xirfad badan, waxyaabaha uu sameynayo oo idilna waa ka dhab, ,ma aha wax uu iska sameysto."
Eedeymo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Siddeed dumar ah sanadkii lasoo dhaafay lasoo shir tagay eedeymo ay u jeedinayaan Biden, kuwaasoo ku saabsan inuu si khaldan jirkooda u taabtay ama uu dhunkaday.
Warbaahinta Mareykankana waxay shaacinayeen muuqaallo ku saabsan hab-dhaqankiisa dhinaca dumarka.
Isagoo ka jawaabaya ayuu beeniyay dhammaan eedeymahaas.
Hase yeeshee, bishii March ee sanadkan, haweeney lagu magacaabo Tara Reade, ayaa ku eedeysay inuu u geystay xad-gudub jinsiyadeed.
Waxay haweeneydan xoghaye xafiis u ahayd Mr Biden, intii u dhaxeysay sanadihii 1992-kii ilaa 1993-kii, xilligaasoo uu Senator u ahaa gobolka Delaware ee dalka Mareykanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ms Reade, oo hadda 56 jir ah ayaa sheegtay in 1993-kii uu siyaasigan si khasab ah darbi ugu nabay iyagoo ku sugnaa hoolka dhismaha Congress-ka, kaddibna uu kula dhaqaaqay falal kufsi la xiriira.
"Waxaan xasuustaa isagoo ficilladaas igu sameynaya oo i dhahaya 'ma dooneysaa inaad meel kale aaddo?' markii aan iska fujiyay kaddibna wuxuu dhahay, naga dhaaf, waan maqlay inaad iga heshay." sidaas ayey ku tiri wareysi ay bixisay bishii March. Waxay sheegtay in jumladdaas ay waligeed xasuusneyd.
Joe Biden ayaa si adag u dafiray eedeyn ku saabsan inuu weerar xaga jinsiga ah u geystay haweeney xoghaye xafiis u ahayd oo lagu magacaabo Tara Reade, muddo 30 sano ka hor ah.
"Waxaan si hubaal ah u leeyahay: arrintaas waligeed ma dhicin," ayuu yiri isagoo ka hadlayay wareysi uu telefishin siiyay maanta oo Jimce ah.
Wuxuu codsaday in keydka macluumaadka ee Aqalka Senate-ka laga baaro wax warqado ah oo ku saabsan cabasho ay gudbisay Ms Reade, xilliga la sheegayo.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Wareysi ay dhawaan telefishin siisay ayey Reade ku tiri: "Taageerayaashiisa ayaa waxyaabo aad u xun iigu faafiyay baraha bulshada.
"Isaga shakhsi ahaan ma uusan waxba ii geysanin, laakii kooxdiisa ol'olaha ayaa si dadban ii dhibaateysa."
Laakiin saraakiisha kooxda ol'olaha Biden ayaa dafiray eedeyntaas.
Ka hortagidda khaladaadkii horay u dhacay

Xigashada Sawirka, Reuters
Inkastoo guul darrooyin hore ay dhaceen, taageerayaasha Biden waxay rajeynayaan inuu wax badan ku heli doono sida uu ugu dhow yahay shacabka.
Waxay aaminsan yihiin inuusan ku dhici doonin dabinkii ay horay ugu dhaceen musharraxiin badan oo ka socday xisbiga Dimuqraaddiga.
30 sano ka badan Senator ahaa halka uu 8 sano madaxweyne ku xigeen u ahaa Barack Obama - laakiin taariikhdiisu ma aha mid ay cid walba ku qanacsan tahay.

Xigashada Sawirka, EPA
Siyaasiyiintii hore ee musharraxnimada xisbiga Dimuqraaddiga kusoo guul darreystay waxaa ka mid ah Al Gore (oo siddeed sano ka tirsanaa Aqalka Wakiillada, siddeed sano ka tirsanaa Aqalka Senate-ka, siddeed sano oo kalena ahaa madaxweyne ku xigeen), John Kerry (oo 28 sano ka tirsanaa Senate-ka) iyo Hillary Clinton (oo siddeed sano marwada koowaad ahayd, siddeed sano oo kalena ku jirtay Aqalka Senate-ka).
Balse taageerayaasha Biden waxay rajeynayaan in dabeecaddiisa u dhimrinta dadka ah uu wax ku heli doono.










