Coronavirus: Wicitaanka muuqaalka taleefankeyga gacanta ayaa ii saamaxay inaan hooyadey wakhti la qaato intey dhiman ka hor

Xigashada Sawirka, Andrew Webb
"Saacada ka hor intey hooyadey dhiman waxaan ka wacay wicitaan muuqaal ah. Muuqaalka aan ka wacay ayey kaga dhawaaqeysay magacyada dadka ay jecleyd. Waana u sheekeynayey intaan u sheekeynaya ayeyna seexatay. Nasiib darro hurdadaasi ma noqon mid ay dib uga soo kacdo oo waa ay geeriyotay."
Soo saraha BBC Andre Webb uma suuragelin hooyadii inuu isbitaalka ku booqdo maalmihi ugu dambeeyey intey dhiman ka hor.
Wuxuuna diyaarsaday teknooloojiyad uu marwalba kula xiriiro.
Sheekooyin badan oo noocaasi ah ayaa daafaha dunida ka dhacayey tani iyo marki dunida uu saameeyey coronavirus dalalka caalamkana ay xayiraada soo rogeen taasoo keentay dadku iney eheladooda xanuunsan ee geerida qarka u saaran booqan waayaan.
Andrew ayaa wuxuu maqaal dheer ka qoray waxa ku dhacay hooyadii Kathleen Webb, iyo sida uu u maareeyey hooyadii inuu kula xiriiro ilaa iyo daqiiqadihi ugu dambeeya noolasheeda maadaamaa uusan toos ula kulmi karin.
Dhammaadka maqaalkan waxaad ka heleysaaa hab dhammeystiran oo loo isticmaalo teknooloojiyadahaasi uu Andrew adegsaday.

Xigashada Sawirka, Andrew Webb
Maalin aan dooneynay sanadguurada 50-aad ee ka soo wareegty xilliga ay waaliddintannada isguursadeen ayaa hooyadey wadnaha laga qabtay.
Balse markiba waxaan ka noqonnay cunnooyinkii aan aan rabnay inaan xafladdaasi u diyaarinno.
Walaalkey Laurence iyo aniga kuu dhawaad laba toddobad ka hor waxaan ka wada hadalnay khatarta uu leeyahay cudurka Coronovirus, ka hor inta aan dalka UK looga dhawaaqin kala fogaanshaha bulshada.
Markay arrintaasi dhacdayna dhammaanteen waxaan bartamihi bisha March kula kulannay meel ku dhow gurigooda oo ku yaalla Koonfurta-Galbeed ee England xilligaasi oo UK laga xuso maalinta hooyooyinka.
Bishii November 2019-kii hooyadey waxay gashay qalliin degdeg ah kaddib marki ay caloosha ka xanuunsatay. Xanuunkina wuxuu ku sii saa'isday maalma ka hor inta aan la gaarin maalinta xafladda loo qaban lahaa.
Aad bey u xanuusnatay marka aabbahay ayaa Isbitaalka geeyey.
Usbuuci xigay hooyo wey awoodi weyday iney raashiinka liqdo, weyna sii daciiftay waxyar kaddibna wey geeriyootay.
Dhakhaatiirtuna waxay aaminsan yihiin geerida hoooyadey inay sababtay qalliinka caloosha looga sameeyey.

Xigashada Sawirka, Webb Family / Skype
Qoyska oo dhanna markay arkeen awaamiirta dowladda UK ka soo baxday waxay ka joogeen iney isbitaalka booqdaan maadaamaa uu qofka naftiisa iyo nafta dad kalaba uu khatar gelinayo.
Aabbahay Bernie oo ay da'diisu 75 jir tahay hooyadey wuxuu ku booqday isbitaalka, isaga oo jirka oo dhan daboolay.
Waxaanna u sheegay inuu naftiisa khatar gelinin balse wuxuu maray nidaamka isbitaallada u yaalla ee qofka bukaan booqanayo uu marayo.

Xigashada Sawirka, Kathleen & Bernie Webb
Xiriirka qoyska ay la sameynayaan hooyo oo maqal iyo muuqaalba lahaa waxaan u adeegsaneynnay WhatsApp, aabba oo inta badan hooya la joogo ayaana ka soo jawaabayey farriimaha hooyo ku socdo.
Balse marki ay billaawdeen xannibaadaha Coronavirus, aabbe wuxuu joojiyey inuu hooyo booqday.
Marki ay xaaladda caafimaad ee hooyo ay sii xumaatay oo ay wicitaanka talefannada ka jawaabi karin, waxaan waceynay isbitaalka kalkaaliyeyasha ka shaqeeya si ay wixi jawaab ah ay dhanka hooyo nooga soo siiyaan.
Waxyar kaddibna hooya waxaa loo qaday qaybta la dhigo dadka looga shakiyo Coronavirus. Muuqaal aan isbitaalka kula xiriiray si aan u arko marka ay xirfadlayaasha caafimaadka ay hooya qaadayaan aanna u ogaado meesha ay geynayaan.
Kalkaaliyeyaasha caafimaadka marweliba wey ku faraxsanaayeen iney na caawiyaan, maadaamaa ay xayiraadda dalka lagu soo rogay noo saamaxeyn inaan hooya booqanno.

Xigashada Sawirka, Andrew Webb
Intaa kaddibna walaalkey ayaa soo jeediyey Skype inuu leeyahay nidaam uu si toos ah uu kuugu jawaabayo.
Sida oo kale waxaan adeegsaneynay App la yirahdo AirDroid, maadaamaa uu kuu sahlayo inaad taleefannada meel fog ka maamusho.
Wixi intaa ka dambeeyey hooyo waxay sii nooleyd maalmo kooban, maaddaamaa ay marba marka ka sii dambeyso sii daciifeysay.
Kalkaaliyeyaasha caafimaad ee hooya ka agdhawaa ayaa muuqalka hooya nala soo xiriiray iyada oo Skype adeegsigiisa uu ahaa mid sahlan.
Waxaanna si online ah u dalbaday qalabka kaameerada la dul dhigo ee la yirahdo Tripod.
Sagootintii ugu dambeysay

Xigashada Sawirka, Andrew Webb / Skype
Muuqaalki ugu dambeeyey oo aan hooyadey kula xidhiidhay Skype ayay hooyadey nagu macasalaameysay aniga, walaakeey iyo carruurta ay ayeyda u tahay oo ay ka mid ahayd gabar yar oo ay da'deedu 6 jir tahay oo ku nool gobolka Verginia ee dalka Mareykanka.
App-ka casriga ah ee teleefannada haddii ay jiri lahayn dunidan xiriirku wuu ku adkaan lahaa.
Aabbana marki ugu dambeeysay ayuu macasalaameeyey xaaskiisa uu muddo 50 sana ah la noolaa, wuxuuna u jiray masaafo aan ka fogeyn 30 kiilo mitir.

Xigashada Sawirka, Webb Family / Zoom
Kalkaaliyeyaasha caafimaadka ka shaqeynayey isbitaalka ay hooya ku geeriyootay marweliba xaaladda hooya wey la soconayeen inti ay nooleyd.
Siddeedda subaxnimo ayaa iigu dambeysay hooya inaan la hadlo saacado kaddibna hooya wey geeriyotay.
Muuqaalka aaskeeda

Xigashada Sawirka, Webb Family / Zoom
Qoyska aabbahay iyo walaalkeey toddobaado kaddib waxay muddo 10 daqiiqo ah ka qayb galeen xuska hooya loo qabtay.
Sida uu go'aamiyey dalka UK munaasabadaha aaska waxaa ka qaybgeli karo oo keli ilaa iyo 10 qof, balse anagu waxaan go'aansannay dadka ka qayb galayo inaan yareyno.
Muuqaallada xusuusta
Marki ay soo dhammaaday munaasabaddi sagootinta naxashka iyo aaska waxaanisku habeeyey sawirrada iyo muuqaalladi si aan fiidiyoow kooban oo xusuusta hooyo aan ka haysanno aan u diyaarinno.

Runti si dhab ah ayaan u dareemay xanuunka ay hooya la'aantu leedahay.
Casharka aan ka bartay adeegsiga teknooloojiyadda casriga ah waxay tahay xilliada adag ee noocaasi marka ay qofka soo foodsaarto inuu xal wanaagsan u yahay.

Xigashada Sawirka, Kathleen and Bernie Webb
Habka aan booqashada isbitaalka ugu adeegsannay aaladahaasi
1. Waxaan soo dejisannay App-ka Skype, maxaayeelay wuxuuna App-kan uu kuu sahlayaa iney dad badan hal mar soo wada galaan. Waxaanna App-kaasi u isticmaaleynay talefannada Android, Apple, Macbook iyo Koombiyuutarrada Window 10.
2. Hooya waxaan u geynay taleefan uu ku shaqeynayo Skype kaddibna waxaan u furnay habka uu si toos ah moobaaylaka u jawaabi iyada oo aan loo baahanin qof ka jawaabo, waxaana loo marayaa:
b) Dooro "Chat", shashadda qaybteeda hoose ee bidix ayaa la taabanayaaa si wada sheekeysiga loo baaro kaddibna dooro sawirka aad dooneysid inuu muuqdo.
t) "Setting" oo aad ka heleyso qaybta u hooseysa shaashada ku dhufo.
j) Dooro "Calling" kaddibna sii gal Calling Setting" oo aad ka heleyso Menu kaddiba shaashaddan hoos ka muuqata ayaa kuu soo baxeysa.

Xigashada Sawirka, Skype
Jawaabta Automatic kuu soo baxaya

Xigashada Sawirka, Facebook
Haddii App-ka Skype si sax ah noogu shaqeynwaaayp dhowr App oo kale ayaan soo dejisannay si aan xiriirkaasi ugu adeegsanno.
Video call apps include WhatsApp, Google Hangouts, Zoom, Microsoft Teams, Facebook's Messenger and Line for Android, Apple and Microsoft Windows devices.
Waxaana App-yadaasi ka mid ah: WhatsApp, Google Hangouts, Zoom, Microsoft Teams, Facebook's Messenger iyo Line oo Android, Apple loo isticmaalayo iyo Microsoft Windows.
Habka loo maareeyo taleefanka AirDroid shaxdan hoose ka eeg:

Xigashada Sawirka, AirDroid
AirDroid App waxaa lagu soo dejin karaa teleefannada casriga ee Android iyo Koombiyuutarrada.
ApowerMirror is an alternative app to control an Android device from a Windows PC or a Mac, and there are others with some similar features.
AirDroid wuxuu aad ugu wanaagsan yahay taleefannada ku soo waca in si fudud looga jawaabo.

Xigashada Sawirka, Riley Webb / AirDroid
Taleefannada Apple haddii aad sii dejisato app-ka Find My iphone wuxuu kuu sahlayaa xogta la xidhiidha batariga moobaylka heerka uu marayo.

Xigashada Sawirka, Apple











