Trump: "Coronavirus wuxuu Mareykanka u saameeyey si ka daran dagaalki labaad ee adduunka"

Calanka Mareykanka oo la ruuxaya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Calanka Mareykanka oo la ruuxaya

Madaxweyne Trump ayaa cudurka safmarka ee Coronavirus ku tilmaamay weerarki ugu xumaa uu dalka Mareykanka la kulmo, wuxuuna sheegay Shiinaha haddii uu si degdeg ah uu uga hadli lahaa cudurka uu dunida sidan u saameeyeen.

Trump wuxuu sheegay Saameynta cudurka Covid-19 uu u geystay Mareykanka iney ka darantahay waxyeelladi bamkii Japan ee Pearl Harbor ee dagaalkii labaad ee adduunka iyo weerarki 11-ka bisha September, 2001.

Maamulkiisu wuxuu ka fiirsan doonaa ayuu yidhi tallaabbooyinka uu ku ciqaabayo Shiinaha taasoo ka dhalatay sida uu Shiinaha uu uga falceliyey billowgii xaaladda degdegga ee dalkaasi.

Beijing waxay sheegtay Mareykanka oo ka gaabiyey jawaab ka bixinta cudurka safmarka uu doonayo inuu mas'uuliyaddiisi uu cid kale u saariyo.

Tani iyo marka uu cudurka Coronavirus bishii December ka soo billaawday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha Mareykankana uu soo gaaray waxaa cudurka uu haleelay 1.2 malyan oo muwaaddiniin Mareykan ah halka ay u dhinteen 73,000 oo qof.

Muxuu yidhi madaxweyne Trump?

Madaxweyne Trump oo warfidiyeennada kula hadlayey aqalka cad Arbacadi wuxuu yiri: "Dalkeenna waxaa soo wajahay weerarki abid ugu halista badnaa, horay ulamaanan kulmin weerar noocan ah."

"Weerarka xataa wuxuu ka sii daran yahay weerarkii Pear Harbor iyo weerarki lagu qaaday xaruunta ganacsiga Adduunka. Weerar noocan oo kala ah weli nama soo marin" ayuu yiri.

"Sidanna wax uma dhaceen haddii billowgiba la joojin lahaa. Shiinahana kuma talagelin inuu joojiyo. Billowgiisu inuu ku joojiyana Shiinaha ma sameyn."

"Waxaan u arkaa Coronavirus inuu yahay cadow aan la arkin oo dagaal loo adeegsaday. Ma jecli inaan ka hadlo sida uu halkan ku soo gaaray maxaa yeelay waa la joojin karay, laakiin waxaan u arkaa cadow dagaal kuugula jira oo aan kuu muuqan."

Madaxweyne Donald Trump
Qoraalka sawirka, Madaxweyne Donald Trump

Yaa ka mid ah kooxda Trump ee Shiinaha cambaareeyey?

Khilaafka u dhaxeeya Washington iyo Beijing waxaa sida oo kale Arbacadii ka dhawaajiyey xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Mike pompeo isaga oo dib u soo cusbooneysiiyey eedda loo soo jeedinayo Shiinaha, isaga oo sheegay Shiinaha inuu qariyey cudurka safmarka ee dalkiisa ka dillaacay oo uu shaacinin xilligi loo baahnaa.

Wuxuuna sheegay iney jiraan "caddeymo tira badan" oo muujinaya in faayraska Corona uu ka soo baxay sheybaar ku yaalla dalka Shiinaha, inkasta oo aan weli la ogeyn asal ahaan faayraska halka uu ka yimid."

Diblomaasi Mareykan ah oo BBC u warramay wuxuu sheegay iney wararkaasi oo dhan ay run yihiin balse ay jiraan caddeymo badan oo muujinaya inuu cudurka uu Sheybaar ka yimid.

Hase yeeshee, warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa eeddaasi gaashaanka u daruurtay iyada oo weliba ku tilmaantay been abuur.

Mid ka mid ah khubarada caafimaadka dalka mareykanaka ee aadka loogu kalsoon yahay wuxuu sheegay caddeymaha la isku halleyn karo ee la hayo iney muujinayaan inaan faayraska sheybaar lagu sameynin.

Dr Anthony Fauci, oo ka mid ah guddiga Coronavirus uu hoggaamiyo Trump wuxuu Isniinti sheegay cudurka inuu "Si dabeeci ah uu ku yimid marki dambana uu dadka u gudbay".

Madaxweyne Donald Trump
Qoraalka sawirka, Madaxweyne Donald Trump

Mareykanka muxuu Shiinaha u eedeynayaa?

Madaxweyne Trump waxaa bisha November u billaabmeyso ololaha uu ku doonayo in dib looga soo doorto, balse waxaa hortaagan dhaqaalaha dalka Mreykanaka oo hoos u dhacay waxa keli ah uu la shirtagi karo wakhti xaadirkanna ay tahay xaaladda Coronavirus ee taagan.

Natiijada ka soo baxday daraasad kooban oo bishii hore la sameeyey ayaa muujineyso 2/3 dadki daraasaddaasi ka qayb galay inay Shiinaha u arkaan waddan xun. Balse tira aan intaa ka yareenna waxay aaminsan yihiin Mr Trump jawaabta uu cudurka safmarka uu ka bixiyey inuu gaabis badan uu ku jiro.

Madaxweyne Trump oo ay ka yaabisay sida uu cudurka coronavirus uu u sameeyey dalka Mareykanka ayaa magaca cudurka u adeegsaday 'China Virus', balse Trump ayaa halqabsigaasi joojiyey wixii ka dambeeyey marka uu taleefan kula hadlay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Tani iyo bishi January marka uu cudurku billaabay inuu ku faafo dalka Mareykanka, wuxuu Trump uu Shiinaha la saxeexday wajiga kobaad ee hieshiiska ganacsi oo ay ku sheegeen iney ku dabcinayaan dagaalki ganacsiga ee canshuuraadka ka dhashay.

Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inuu rajeynayo wajiga labaad ee heshiiska muhiimka in la guda geli doono waloow uu haatan hakad geliyey howlahaasi cudurka safmarka ee coronavirus.

bb
bb