Mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda Manchester United 'oo dambi galay'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxda Manchester United ayaa la hadli doonta difaacooda Marcos Rojo, kaddib markii la shaaciyay inuu ku xadgudbay shuruucda xayiraadaha coronavirus ee dalkiisa Argenitina.
Sawirro muujinaya Rojo oo sigaar cabaya, saaxiibbadiisna kula ciyaaraya bannaaka ayaa lagu shaaciyay baraha xiriirka bulshada, waxayna qabsadeen hadal heynta inta badan dadka ciyaaraha daneeya, iyagoo eedeymo kala dul dhacay ciyaaryahanka.
Rojo oo wali ka tirsan United ayaa hadda qaab amaah ah kula jooga kooxda Estudiantes, waxaana sawirrada lagu ceebeeyay soo bandhogay walaakiis Franco.
Sawirradaas ayaa durba laga tiray bartii lasoo galay markii hore.
30 jirkan ayaa horay marar badan baraha bulshada loogu maadeystay isagoo lagu dhaliilayo inuu sigaarka aad u cabo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Argentina ayaa lagu soo rogay xayiraado dhinaca dhaqdhaqaaqa iyo ganacsiga ah, si loo yareeyo faafitaanka cudurka coronavirus.
Sida qorshuhu yahay, wuxuu sharciga xayiraadda soconayaa ilaa laga gaaro 10-ka bishan May.
Rojo, waa ciyaartoygii ugu dambeeyay ee ka tirsan horyaalka Premier League ee lagu eedeeyo xadgudub dhinaca sharciga ah.
Ciyaartoyga garabka uga ciyaara kooxda Aston Villa ee isla horyaalka Ingiriiska, Jack Grealish, daafaca kooxda Manchester City Kyle Walker iyo weeraryahanka kooxda Everton Moise Kean ayaa dhammaantood lagu eedeeyay inay jabiyeen shuruucda ay dowladda soo rogtay iyo talooyinka la xiriira xakameynta cudurka faafaya.
Tartanka Premier League oo ciyaartoydan mashquulin jiray ayaa hakad ku jira tan iyo bishii March.
Dhammeytirka ciyaaraha horyaalka

Xigashada Sawirka, .
Kooxaha Premier League-ga ayaa shir ay 1-dii bishan ku yeesheen internet-ka oo maqal iyo muuqaal ahaa waxay kaga wadahadleen qaabka loo soo gabagabeyn lahaa xili ciyaareedka 2019/2020 ee haatan socday.
Waxyaabaha laga wada hadley ayaa waxaa ka mid ah in kulamada dhiman lagu qabto garoomo dhexdhexaad ah intii taageerayaashu tagi lahaayeen hadba garoon.
"Qorshaha waxaa ka mid ah in ilaa 10 garoon lagu qabto horyaalka marka dib loo billaabo," ayaa lagu yidhi warar ka soo baxay kulankaasi.
Premier League-ga ayaa sidoo kale u baahan doona ilaa iyo 40 kun oo qalabka baaritaanada si ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxaha loogu sameeo baaritaan haddii ay noqoto, si loo dhamaystiro 92 ciyaarood ee dhiman, kuwaasi oo lagu ciyaari doono garoomo albaabadu u xiran yihiin oo aan loo ogoleyn taageerayaasha.










