Yaa isticmaali jiray maradan 50,000 oo sano ka hor jirtay?

Xigashada Sawirka, PA Media
Qeyb ka mid ah maro la isticmaali jiray 50,000 oo sano ka hor - oo ah tii ugu da'da weyneyd ee ilaa hadda la arkay - ayaa laga helay god ku yaalla dalka Faransiiska, waxayna arrintaas sii xoojisay shakiga laga qabo in dadkii hore ee bani'aadanka ahaa ay lahaayeen fikirka dhinaca horumarka ee bani'aadanka xilligan casriga ah jira.
Daraasad lagu daabacay wargeyska Scientific Reports ayaa lagu sheegay in qeyb yar oo maro ah, oo laga sameeyay suuf, laga helay godka qadiimiga ah ee lagu magacaabo Abri du Maras.
Cilmi baaristan ayaa lagu qeexay in maradaas la helay ay ka turjumeyso in dadkii xilli aad u horreeya ku noolaan jiray dunida ay si fiican u fahansanaayeen qaabka ay u shaqeeyaan tirooyinka, sida labo labo iyo koox koox.
Dunta oo la isku xirxiro waxaa laga sameyn karaa dharka, boorsooyinka, shabaqyada iyo xitaa doomaha.
Dadkii hore oo loo yaqaanno "Neanderthals" - oo faracoodii ugu dambeeyay dhintay qiyaastii 40,000 oo sano ka hor - waxaa horayba loo sii ogaa inay sameysan jireen waxyaabo ay noloshooda ku maareeyaan, sida farshaxanka iyo qalabka kale.
Waxay sidoo kale si caadi ah u isticmaali jireen dabka, waxay ku noolaayeen hoy ay sameysteen, waxayna ahaayeen ugaarsato xirfad sare leh oo disha xayawaannada awoodda badan. Waxyaabaha kale ee ay sameyn jireen waxaa ka mid ah in ay si ula kac ah qabuuro ugu aasi jireen dadka ka dhinta.

Xigashada Sawirka, PA Media
Hase ahaatee khubarada daraaseysa cilmiga dadkii horay ugu noolaan jiray dunida ayaa horay u helay qalab aan dhar ahayn oo ay dadkaas adeegsan jireen, kuwaasoo qaarkood lagu dhex arkay godka qadiimiga ah ee Abri du Maras.
Qalabka dhammaada ayaan wali la helin.
Laakiin koox ka mid ah cilmi baareyaasha ka socda dalalka Faransiiska, Mareykanka iyo Spain ayaa hadda markii ugu horreysay helay maradan la isticmaali jiray xilligii dhagaxa, taasoo dhirirkeeda uu yahay 60mm- (2.4-inch-).
Maradan ayaa la aaminsan yahay in laga farsameeyay suuf laga xoqay mid ka mid ah geedaha laga sameeyo alwaaxa.
Kaddib waxaa si isweydaar ah la isugu xirxiray suufka oo dun ahaan loo sameeyay.

Xigashada Sawirka, PA Media
Daraasadda oo qormadeeda uu hoggaaminayay Bruce Hardy, oo ka socda Jaamacadda Kenyon ee gobolka Ohio, ayaa lagu soo gabagabeeyay in qaabka ay maradan u sameysan tahay uu muujinayo in dadkii xilli hore noolaa ay si buuxda fikir uga heysteen cilmiga ku saabsan geedaha iyo waxtarkooda iyo waliba sida looga sameysan karo qalab muhiim u ah nolosha dsadka.
Habka loo sameeyay maradaas wuxuu sidoo kale ka turjumayaa sida ay dadkaas u fahansanaayeen qaabka ay u shaqeyso xisaabta ayna lahaayeen xasuus fiican, sida ay daraasadda qeexday.
"Taas waxaa lagu ogaaday in qaabka marada loo sameeyay uu yahay mid la raacayay xisaabaha isku dhufashada iyo isbarbardhigga", ayaa lagu yiri daraasadda.










