Tirada feyriska corona ugu dhimatay mareykanka oo sare u sii kacaysa

Magaalada New York ayaa noqotay magaalada uu sida ba'an u saameeyay caabuqa Corona

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Magaalada New York ayaa noqotay magaalada uu sida ba'an u saameeyay caabuqa Corona

Tirada caabuqa Corona ugu dhimatay dalka mareykanka ayaa imika aad sare ugu sii kacday.

Tirada ayaa imika ka sare martay 5,000, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins.

Mar sii horeysay ayay jaamacadu sheegtay in 24 saac ee ugu dambeysay ay caabuqa Corona Mareykanka ugu dhinteen 884 qof.

Dadkii ugu dambeeyay ee caabuqan u dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa cunug jira 6 toddobaad.

In ka badan 216,000 ayaa guud ahaan Mareykanka soo ritay cudurka, waana tiradii ugu badnayd ee dal laga soo sheego.

Tirada maalinkii uu soo rito Corona dalka Mareykanka ayaa gaartay 25,000.

Saraakiisha caafimaadak Mareykanka ayaa waxay saadaalinayaan in 240,000 oo qof ay cudurkan u dhiman karto.

bb
bb

Maamulka madaxwayne Trump ayaa sheegay in ay 16 bilyan oo dollar ay u qoondeeyeen gaarsiinta qalabka caafimaadka gobolada kala duwan ee dalkaasi.

Madaxwayna ku xigeenka dalka Mareykanka Mike Pence ayaa dhankiisa sheegay in mareykanka ay u muuqato in uu ku socdo wadadii Taliyaaniga oo dadka u dhintay Corona ay gaareen 13,000.

Tirada dhimashada Corona ee dalka UK ayaa gaartay Arbacadii shalay ahayd 563 qof.

Tirada caabuqa Corona ugu dhimatay Iran ayaa imika mareysa 3000.

Madaxa hay'adda caafimaadka aduunka Tedros Adhanom ayaa sheegay in maalmaha soo socota tirada uu soo ritay caabuqa Corona ay gaari doonto 1 milyan guud ahaan caalamka.