Ra'iisul Wasaaraha UK Boris Johnson oo laga helay coronavirus

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Boris Johnson

Ra'iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa laga helay xanuunka dunida kusii faafaya ee coronavirus, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha UK ayaa shaacisay warkan.

Mr Johnson ayaa qaba calaamado sahlan oo ka mid ah kuwa uu leeyahay cudurka, wuxuuna si shakhsi ahaan ah isugu karantiilay gudaha xafiiskiisa.

"Waxaa laga baaray coronavirus kaddib markii uu si gaar ah ula taliyay madaxa waaxda caafimaadka, Chris Whitty,2 ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Boris Johson wali wuxuu sii heyn doonaa xilka iyo maamulka dowladda, xilli lala tacaalayo xasaradaha ka dhashay cudurkan, sida lagu sheegay bayaanka.

Bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Johnson ku yiri: "24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaan isku arkay calaamado aan xoog badneyn waxaana iska baaray coronavirus. Hadda waan is karantiilay, laakiin waan sii wadi doonaan inaan dowladda ku hoggaamiyo dagaalka ay kula jirto fayraskan, anigoo shirarka uga qeyb qaadan doona muuqaal ahaan.

"Annagoo wadajir ah waan ka adkaan doonnaa arrintan."

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Markii ugu dambeysay ee Mr Johnson la arkay waxay ahay habeenimadii Khamiista, xilli uu ka qeyb qaadanayay munaasabad loogu mahadcelinayay shaqaalaha Waaxda Qaran ee Caafimaadka UK (NHS).

Horaantii Isbuucan, afhayeenka Ra'iisul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dominic Raab, uu la wareegi doono howlaha Ra'iisul Wasaaraha, haddii uu Mr Johnson xanuunsado.

bb
bb
.

Xigashada Sawirka, Reuters

Lama oga in Mr Johnson uu wali lasii noolaan doono saaxiibaddiis Carrie Symonds, oo hadda dhowr bilood oo uur ah leh.

Haweenka uurka leh ayaa lagula taliyay inay aad uga taxaddaraan xaaladaha noocan ah ayna yareeyaan la kulanka dadka ilaa 12 isbuuc.

Warkan ku saabsan cudurka coronavirus ee laga helay Boris Johnson ayaa yimid xilli Amiirka Wales, Charles, sidoo kale horaantii isbuucan laga helay fayraska.

Amiir Charles, oo 71 jir ah, ayaa lagu arkay calaamado sahlan "laakiin sidiisa kale wuu fiican yahay caafimaadkiisa", sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Waxaa jira in ka badan 11,600 oo qof oo la xaqiijiyay inuu coronavirus kula dhacay UK, halka 578 ruuxna ay u geeriyoodeen.