Shacabka Suudaan oo "dhaqaala ku taageerayo" biyo xireenka Itoobiya

Biyaha xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile

Xigashada Sawirka, FANA

Qoraalka sawirka, Biyaha xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile

Shacabka Suudaan ayaa billaabay iney biyo xireenka weyn ee ay Itoobiya dhisaneyso ay dhaqaala ku taageeraan, sida ay sheegtay warbaahinta Itoobiya ee FANA.

Itoobiya ayaa dhawaan shaaca ka qaadday barnaamij dhaqaale looga uruurinayo biyo xireenkaasi, waxaana barnaamijkaasi shaaca ka qaadday madaxweyne Sahle-Work Zewde.

Shacabka reer Suudaan ayaa la sheegay in dhankooda ay billaabeen iney dhaqaale iska soo uruuriyaan oo ay soo gaarsiiyaan sanduuqa loogu talagalay biyo xireenka Itoobiya ee uu muranka ka taagan yahay.

"Waxay shacabka Suudaan sheegeen in ilaa u dhismaha biyo xireenka soo gabagaboobayo iney hiil iyo hooba la garab istaagayaan Itoobiya," ayaa lagu sheegay warbixinta FANA.

Shacabka Suudaan maxay biyo xireenka u taageerayaan?

Sababaha ay u taageerayaan sida lagu sheegay warbixinta ayaa kala ah:

  • Inay ka faa'iideysan doonaa horumarka Itoobiya maadaama ay deris yihiin.
  • Korontada biyo xireenkaasi laga dhalin doono ay ka iibsan karaan dalka itoobiya
  • Inay xaq ay u leedahay Itoobiya iney ka faa'ideysato kheyraadka uu Eebe siiyey (webiga Nile).
Biyo xireenka webiga Nile
Qoraalka sawirka, Biyo xireenka webiga Nile

Dhismaha biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Blue Nile ayaa muran ka dhex abuuray waddamada Itoobiya, Masar iyo Suudaan.

Waxayna seddexda dal marar badan isugu yimaadeen shirar ay khilaafka ugu raadinayaan xal waara balse wax natiija ah kama soo bixin.

Shirki ugu dambeeyeyna wuxuu ahaa kii 27-28 Febraayo dhacay magaalada Washington oo ay dhexdhexaadinayeen Mareykanka iyo Bangiga Adduunka .

Shirkii Washington ee ugu dambeeyeyna Itoobiya kama aysan qayb gelin iyada oo sheegtay iney u harsan yihiin tashiyo ay la sameeyneyso sharci yaqaannada dalka gudahiisa iyo guddiga farsamada ee u xil saaran arrinta khilaafka biyo xireenka.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay wadahadalka biyo xidheenka ku saabsan ee horay u soo socday iney ku saleysnaayeen qaabka loo maareynayo biyihiisa si aan saameyn u geysaneyn waddamada kale ee uu webiga sii maro sida Suudaan iyo Masar.

Biyo keydintuna wuxuu Mareykanka shuruud uga dhigay heshiiska kama dambeysta ah oo ay saddexda dal oo ay arrinta webiga khuseeysa degdeg ku gaaraan.

Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed wuxuu sheegay ineysan jirin awood hor istaagi karto iney kheyraadka uu Eebe siiyey ay ka faa'ideysato.

.
Qoraalka sawirka, .