Guul intee la eg ayaa laga gaaray sanadkii dib u soo laabashada ee Ghana?

Qorshe looga gol-lahaa in lagu dhiirigaliyo bulshada qurba-joogta Afrika inay ku booqdaan waddanka Ghana ayuu madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo ku tilmaamay inuu ahaa "guul wayn".
Sanadka dib u soo laabashada, 2019, ayaa waxaa lagu xiriiriyay 400 sano guuradii ka soo wareegatay markii dadkii la adoonsan jiray ay ka dageen waddanka Mareykanka - kaas oo la sheegay inuu ahaa markii ugu horraysay ee la diiwaangaliyay adoontii Afrikaanka aheyd ee Ameerika la gayn jiray.
Ghana ayaa waxa ay aheyd goob muhiim ah oo lagu kala wareejiyo adoonta la dhoofinayo iyadoo madaxweynuhuna uu sheegay in dalkiisa uu dareemayo mas'uuliyad ah inuu soo dhaweeyo dhammaan dadka Afrika asal ahaan ka soo jeeda.

Marka ma qiimayn karnaa inta ay la eg tahay guusha ay arrintaas Ghana ka gaartay?
Dad badan miyaa booqday Ghana?
Bilowgii 2019, Hay'adda Dalxiiska ee Ghana ayaa waxa ay saadaalisay in sanadka dib u soo laabashada ay dalka soo booqan doonaan 500,000 oo qof oo dheeraad ah.
Xogta rasmiga ah ee la qabtay inta u dhaxaysay Janaayo ilaa Sibteembar 2019 ayaa waxa ay muujinaysaa 237,000 oo qof oo dheeraad ah inay dalkaasi booqdeen - taas oo ah sare u kac 45% markii la barbardhigo tirada dalkaas booqatay isla mudadaas oo kale sanadkii kaas ka horreeyay - iyadoo tiradaas aadka kor ugu kacday ay intooda badan ka yimaadeen dalalka Mareykanka iyo UK.
Sikastaba xaalku ha ahaadee, ma garanayno in ay taasi ku timid qorshaha sanadka dib u soo laabashada, maadaama dalxiisayaasha aanan la waydiin inay sheegaan sababta ay dalkaas u booqanayaan.
Sare u kaca dadka 2019-kii booqanayay waddanka Ghana ayaa waxaa la saadaalin karaa in sanadkiiba ay gaari doonto ilaa 900,000 ilaa hal milyan oo qof oo ajaanib ah, tiradaas oo guud ahaan sare u socotay sanadihii la soo dhaafay walow ay hoos tiradaasi u dhacday sanadkii 2018.
Markii la daabaco xogta 2019 oo dhammeystiran, ayey inoo suurayboosaa inaannu ogaanno heerka sare u kaca dalxiisayaasha ee sanadkaas markii loo barbardhigo sanadihii ka horreeyay.
Dhaqaalaha sare ma u kacay?
Wasiirka Dalxiiska Barbara Oteng Gyasi ayaa sheegtay in sanadka dib u soo laabashada uu dhaqaalaha ku kordhiyay ku dhawaad $1.9bn.
Halka Hay'adda Dalxiiska ee Ghana ay BBCda u sheegtay in tiradan ay tahay qiyaas ah celceliska dhaqaalaha uu qofwalba isticmaalay oo dhan $2,590 oo lagu dhuftay tirada dadka dalka soo booqday 763,545 intii u dhaxaysay Janaayo iyo Sibteembar.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hasayeeshee wadarta guud ee dadka soo booqday Ghana ayaa waxaa ku jira dad daafaha dunida ka kala tagay oo aanay qasab ahayn in booqashadoodu ay ku lug leedahay sanadka dib u soo laabashada.
Bright Simons, waa cilmi-baare ka tirsan hay'adda Imani Centre for Policy & Education, ayaa waxa uu dhaleeceeyay qiyaasta dowladda ee ku aaddan tirada dalkaas booqatay.
Waxa uuna sheegay in celcelis ahaan dhaqaalaha uu dalxiisaha isticmaalay ay ka yar tahay $2,590.
Dowladda Ghana ayaa BBCda u sheegtay in 126 qof la siiyay dhalasho sanadkii 2019.
Halka qaar ka mid ah dadka qurbaha ka tagay oo sanadkan dib u laabashada uu dhiirigaliyay ay ganacsiyo ka furtaan dalka, maalgashi sameysteen amaba ay hanti dalka ka iibsadeen.
Arrintaasi ma horumarisay sawirka laga haysto Ghana?
Dowladda ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in sanadka dib u soo laabashada uu indhaha ku soo jeediyay Ghana si wanaagsanna ay warbaahinta caalamku u tabiyeen.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Ghana ayaa 2019 waxa uu soo jiitay dad caan ah, oo ay ka mid yihiin inanta dharka xayeysiisa Naomi Campbell, jilaa Idris Elba, majaajilayste Steve Harvey iyo heesaaga reer Mareykan Cardi B.
Dowladduna waxa ay sheegtay in haddii ay dhaqaale ku bixin lahayd warbaahinta iyo xayeysiin ay ugu kici laheyd $3.5m.
Mr Simons ayaa BBC-da u sheegay: "Xayeysiinta iyo soo jiidashada dadka marka la fiiriyo waxa ay aheyd mid wanaagsan.
"Marka taas la fiiriyo, waan ku raacsanahay in guul ay aheyd arrinta ay sameeyeen."










