Maxaa loo hadal hayaa Franz Ferdinand iyo "Dagaalka Saddexaad" ee Adduunka?

Xigashada Sawirka, Reuters
Kaddib geeridii taliyihii milatariga Iiraan, waxaa aad la isku weydiinayaa waxa dhici doona.
Janaraal Qaasim Suleymaani ayaa waxaa lagu dilay duqeymo uu Mareykanku ka fuliyay Ciraaq.
Waxay sii xumeysay xiisadda xooggan ee u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka.
Magaciisa, iyo erayada Franz Ferdinand iyo Dagaalka Saddexaad ee Adduunka ayaa lagu hadal hayaa baraha internetka, iyadoo sidoo kale dhowr jeer la soo hadal qaaday ninka amray weerarkaas - Madaxweyne Donald Trump.
Sidaas daraaddeed waxaan idiin soo gudbineynaa waxa la hadal hayo iyo sababta:
#Soleimani - kumuu ahaa?

Xigashada Sawirka, AFP
Qasem Soleimani waxaa mararka qaar loo arkayay inuu yahay madaxweynaha mustaqbalka ee Iiraan, balse marka la eego xilka uu hayay intaa wuu ka qaro weynaa.
Wuxuu ahaa taliyaha guuto ka tirsan milatariga Iiraan, ee mas`uulka ka ah ballaarinta saameynta Iiraan ee guud ahaan Bariga Dhexe.
Wuxuu hoggaaminayay howlgallada Suuriya, Lubnaan iyo Ciraaq. Wuxuu ahaa qof saameyn weyn ku leh dibadda, dad badan oo dalkiisa ku sugan ayuuna geesi u ahaa.
Balse Mareykanka ayaa taliyaha iyo milatarigiisa ku tilmaamay "argagixiso" wuxuuna ku eedeynayaa dilka boqollaal ciidamada Mareykanka ka tirsanaa.
Dhimashadiisa ayaa caro weyn ka dhalisay gudaha Iiraan iyo walaac ay dunidu ka qabto waxa xigi doona ee la filan karo.
#Franz Ferdinand

Xigashada Sawirka, AFP
Maya, tani wax xiriir ah lama laha ninka u dhashay Austria.
Waxaase la is barbardhigay dilka janaraal Soleimani iyo dil kale oo dhacay 105 sano kahor.
Bishii June 1914, Archduke Franz Ferdinand waa la toogtay - isaga iyo xaaskiisa - xilli ay ku sugnaayeen magaalada Sarajevo, Bosnia.
Wuxuu ahaa dhaxalsugihii boqortooyadii Austria-Hungary.
Waxaa dilay wiil 18 jir ahaa oo Bosnia u dhashay kaas oo ka careysnaa in dalkiisa ay la wareegtay boqortooyadii Archduke.
Kaddib toogashadaas, dalalka dunida ayaa hadba dhinac la saftay waxaana xigay dhacdooyin is daba joog ah oo horseeday Dagaalkii Koowaad ee Aduunka.
#Trump
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Madaxweyne Trump ayuu ahaa qofkii weerarka Suleymaani amray isla markaana bartiisa Twitter-ka soo dhigay calanka Mareykanka kaddib makrii warka uu shaac baxay.
Qoraalladiisii hore ee uu Twitter-ku soo dhigay ayay dad badan ku hadal hayaan baraha internet-ka.
Haddii aan dib u eegno 2011, wuxuu Trump sheegay in Obama uu "bilaabi doono dagaal lala galo Iiraan" si dib loogu doorto.
Iyadoo olole doorasho uu Mareykanka ka bilaabmi doono dhammaadka sanadkan, dad badan oo wax falanqeeya ayaa waqtiga dilka Suleymaani lagu soo aaddiyay u arka mid ku habboon.
#WWIII
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2

Iyadoo geerida Suleymaan lala barbardhigayo tii sanadkii 1914 ka dhacday Sarajevo - iyo iyadoo hal weerar oo qura uu sii xoojinayo xiisad hore u taagneyd - waxaa aad la isku weydiinayaa waxa xiga ee la filan karo.










