‘Waan ku guul dareysanay inaan Yurub gaarno qoysaskeena wey na deyriyeen''

Inta badan muhaajiriinta ka soo jeeda Galbedka Afrika kuwaasi oo ku guul dareystay inay gaaraan Yurub ayaa dalkoodii hooyo ku soo laabto, balse waxay noqon kartaa soo noqosho aad u qaraar. Dalka Sierra Leone, muhaajirinta soo laabta ayaa waxaa diida oo caqabad ku noqdo qaraabadood iyo saaxibadood, oo waxaa loo arkaa inay yihiin dad guul dareystay, sabatooda qaar badan oo ka mid ah ayaa waxay lacagta ay ku tahriibaan ka xadaan qoysaskooda.
Fatmata marka ay xusuusato lixdii bilood oo ay xaas la addoonsado u ahayd nin reer mii ahaa oo u dhashay qomiyadda Tuareg kaasi oo ka qafaashay saxaraha.
''Waxaa logu magacaabi jiray Axmed. waxa uu ahaa nin aad u xoog badan,'' ayay tiri. ''Waxa uu igu yiri waxaad tahay addoon weliba madow ah, waxaadna ka timaadeen cadaabta.' waxaa kaloo uu igu yiri marka aad haysato addoon, waxaad ku sameyn kartaa waxa aad rabto.Isaga kaligii ma ahan oo mararka qaar saaxibadii ayuu u yeerayaa oo ku dhahayaa, 'Waad dha-dhamin kartaan wax kastoo yaalla gurigeeyga.' Maalinkasta way i jirdilayeen oo waxay rabaan ayay iga sameysanayeen.''
Fatmata, oo 28, sano jir ah ayay bilow u ahayd dhibatadaasi. Waxaa u suuro gashay inay ka baxsato gacanta Axmed balse nasiib darro waxay gacanta u gashay dadka wax tahriibiya ama magafe kuwaasi oo geeyay xarun iyaga gaar u ah oo ay hayaan muhaajiriinta ku taamaaya inay mar uun Yurub gaaraan.
Ka dib markii iyada iyo muhaajirintii kale ay ka baxsadeen xaruntii lagfu hayay,Fatmata, way niyad jabtay waxayna go'aansatay inay soo afmeerto riyadeedii ahayd inay Yurub ka sameysato nolol cusub.
Bishii Diseemabar ee sannadkii hore ayay dib ugu soo laabatay magaalada Freetown iyadoo dalkeeda ka maqnayd ku dhowaad muddo laba sanadood ah balse nasiib darro ma aysan helin soo dhaweyntii ay ka sugeysay qoyskeeda oo ay dib ula midowday.
Haatan iyadoo xilligii ay dalkeeda hooyo dib ugu soo laabatay laga joogo muddo sannad ah, Fatmata ma aysan la kulmin hooyadeed iyo gabadhii ay dhashay oo haatan siddeed sano jir ah.
''Aad ayaan ugu faraxsanaa markii aan soo laabanayay'', ayay tiri ''Balse maba wanaagsanayn inaan soo laabto.''
Markii ay soo laabatay, waxay telefoonka ka wacday aabeheed. Balse jaawaabtii uu siiyay ayaa ka nixisay.'' Waxa uu igu yiri, 'Xitaa ma ahayn inaad dalka dib ugu soo laabato oo waxay ahayd inaad ku dhimato halkii aad aadday, sababtoo ah wax faa'iido ah lamadaan soo noqon.'''
Markaa ka dib, waxay tiri ''Ma lihi wadnihii aan hooyaday ku soo arki lahaa''.

Laakiinse qoyskeeda kuma aysan diidin oo kaliya inay noqotay qof guul dareystay, waxaa sidoo kale lagu haystaa lacagtii ay ku kharash gareysay safarkeedii tahriibka.
Waxay xadday 25 milyan oo leone taasi oo qiyaas ahaan u dhiganta 2,600 oo doolar waa lacag ahaan aaduma badna balse eedadeed waxay u ahayd hanti aad u badan. Waxaa lacagta loogu dhiibay inay ku soo iibiso dhar ganacsi loogu talagalay oo eedadeed ayaa aad u aamini jirtay Fatmata.
Sheekooyinka noocaan ah ayaa waxay ku dhacaan qoysas badan oo reer Sierra Leonean ah.

Dhanka kale Jamilatu waxay ka mid tahay gabdhaha tahriibay oo lacagaha ka xaday qoysaskooda waa siddeed iyo labaan sano jiro oo ay Fatmata iskala baxsadeen xaruntii magafeyasha ee Algeria, Waxayna qolka hooyadeed ka xadday lacag dhan $3,500 oo doolar balse lacagtaasi xitaa hooyadeed ma lahayn oo waxaa shirkad ku ahaa xaafado badan oo dariska ah.
Ka dib markii ay Jamilatu tahriibtay dadkii lacagta lahaa oo careysan waxay qabsadeen hooyadeed iyagoo ugu goodiyay inay dilayaan haddii ay lacata soo celin weyso. Waxaa khasab ku noqotay inay magaalada Freetown ka soo cararto oo ay u soo haajirto Bo.
''Hooyaday ma dooneyso inay ila hadasho lacagtii aan xaday awgeed'', ayay tiri Jamilatu. ''Sidaa darteed tan iyo markii soo laabaty maan arag hooyadey. Waxaan rabaa inaan iyado arko sababtoo ah muddo laba sannadood ah ma arkin''.











