Arday dhalashadiisa ugu dabaaldegay dilka arday kale

Saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in laba arday la dilay, dhowr kalena la dhaawacay ka dib markii arday hubeysan uu rasaas ooda uga qaaday dugsi sare oo uu ku yaalla gobolka California ee Marekanka.
Weerarkan ayaa ka dhacay dusgiga sare ee Saugus, ee waqooyiga Los Angeles, saacado uun kahor inta uusan bilaabmin sannad dugsiyeedka cusub ee Mareykanka.
Ardaygan qaangaarka ah ayaa halkaa ku dilay ardaydii ay wax wada dhiganayeen, waxaana booliska gobolkaas ay shegeen in ardeygan oo lagu magacaabo Nathaniel Berhow uu u dabaaldegayay 16 sano guurada dhalashadiisa. Wuxuu dabaaldega dhalashadiisana ka dhigay in uu dad laayo.
Qori uu sitay ayaa la sheegay in uu kala soo baxay boorso uu ku watay dhabarka, waxaana uu xabadda la dul tagay ardyadii iskoolka dhiganeesay.
Markii uu rasaasta ku furay ardayda, ka dib ayuu isla isagiina isku dhuftay xabadda, inkastoo uu badbaaday. Booliska aya sheegay in ninkan lagu xiray isbital halkaas ka ag dhaw.

Weerarka uu fuliyay ardaygan ayaa la sheegay in uu socday wax ka yar hal daqiiqo.
Iskuullo badan oo ku yaala dalka Mareykanka waxaa laga hirgeliyay qaab ay ardyda ugu diyaar garoobi karaan weerrarada, ka dib markii ay weerarada ku bateen.
Maxaan ka ognahay weerarka?
Weerarkan ayaa dhacay shalay galab, xiliga Mareykanka. Booliska waxaa ay shegeen in ay heleen farriimo degdeg ah, isla markiina halkaas loo diray ciidamo boolis ah.
Askarta ayaa markii ay halkaas tageen waxay arkeen lix qof oo uu dhaawac fudud ka soo gaaray weerarka, waxaana ay geyeen isbitaalka.
Qofka weerarka geystay oo ka mid ahaa dadkaas ayay boolisku shegeen in markii dambe ay aqoonsadeen.
Laba ka mid ah dadkaas oo kala ah wiil iyo gabar 16 sano jir iyo 14 sano jir ayaa markii dambe u dhintay dhaawacii soo gaaray, halka kuwa kalena hadda lala tacaalaya dhaawacooda.
Ardaydii kale maxay dareemeen?

Xigashada Sawirka, Wsj
Dugsiga sare ee Saugus iyo iskuullada kale ee ku ag dhow ayaa albabada la isugu dhuftay, markii uu dhacay weerarka, inkastoo saddex saac ka dib dib loo wada furay.
Booliska gobolka California waxay shegeen in ay baaritaan ku sameynayaan dhamaan caruurta iskuulkaas dhigata, ka dibna lagu wareejin doono waalidiintooda.
Waxaa kale oo ay shegeen in baari doonaan warar aan la xaqiijini oo sheegaya in ardyaga falka geystay uu ku hanjabay baraha bulshada.
Mid ka mid ah ardyda ayaa warbaahinta maxaliga ee Mareykanka u sheegay in xilliga weerarka uu dhacayay uu ku hawlanaa casharada loo diray, aadna uu u naxay markii uu weerarka dhacay.
Arday kale oo la hadlay telefishenka CBS ayaa sidoo kale sheegay in markii uu weerarka bilawday ay hoosta ka soo xirteen fasalka, arday walbana uu wacay waalidkiisa, sii uu ugu wargeliyo xaaladda jirta.
Weerarka wuxuu dhacay xilli xildhibaanada aqalka sare ee dalka Mareykanka ay ka doodayeen xakameynta hubka, waxaana xildhibaan Richard Blumenthal oo xiligaas jeedinayay khudbad la xiriirta xakameynta hubka, gacanta laga saaray warqda ay ku qoran tahay warka weerarka dhacay.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda amniga gudaha ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarrada tooska ah ee ka dhaca iskuullada ay u qaadan doonto "arrin aan sahlaneyn", maamulladana ay ka caawin doonaan tababar la xiriira sidii la isaga caabin lahaa weerarada noocaas oo kale ah.
Xakameynta hubka gacanta ugu jira shacabka Mareykanka ayaa ah arrin siyaasad ahaan aad loogu kala qeybsan yahay.
Boqolkiiba 40 dadka ku nool Mareykanka ayaa la shegay in ay heystaan hub ama ay ku nool yihiin guri uu hub yaalo, waxaana sannadihii dambe aad usoo kordhayay weerarrada loo adeegsado hubkaas.
Sida uu ku warramay wargeyska The Washington Post, inkabadan 230 kun oo da'yar ah ayaa saameyn kala kulmay dhibaatada laga dhaxlay hubkaas gacanta ugu jira shacabka.










