Ruushka oo ciidamo geynaya xadka Turkiga iyo Suuriya ay wadaagaan

Xigashada Sawirka, AFP
Ciidamada Ruushka ee la geynayay xadka Suuriya iyo Turkiga ay wadaagaan ayaa billaabay iney goobihi loogu tala galay la geeyo ay u ruqaansadaan, tallaabbadaasi oo qayb ka ah qodobbada labada dhinac ay ku heshiiyeen si xooggagga kurdiyiinta halkaasi looga saaro.
Guutooyin ka tirsan ciidamada Ruushka ayaa ka gudbaya wabiga Furaat iyaga oo ku sii jeeda magaalada Kobceyn.
Sida uu dhigayo heshiiska ay galeen Ruushka iyo Turkiga, ciidamada Ruushka iyo Suuriya ayaa xoogagga kurdiyiinta ka saaraya xadka Suuriya iyo Turkiga ay wadaagaan.
Ciidamada Turkiga ayaa sii wada gacan ku haynta aagga ay qabsadeen muddadii uu socday dagaalka ay kula jiraan kurdiyiinta, Turkiga oo xoogaggaasi u arko iney yihiin argagixiso.
Qorshaha Turkiga uu aaggaasi ka damacsan yahay ayaa waxaa ka mid ah inuu "aag ammaan ah" ka abuuro xadka uu la wadaago Suuriya kaddibna uu dajiyo qoxooti ka badan Laba milyan oo Suuriya ka soo jeeda.
Turkiga ayaa weerarka waqooyiga Suuriya billaabay kaddib marki uu Mareykanka ku dhawaaqay inuu si lama filaan ah uu ciidamadiisa uu ugala baxaya. Iyada oo ay ciidamada Mareykanka ay gacan siinayeen xoogagga kurdiyiinta, ee Mareykanka xulafada kula ahaa dagaalkii lagula jiray ururki Daacish ee gobolkaasi ka dagaallamayey.
Haddaba maxaa deegaankaasi ka socda?
Ciidamada Ruushka ayaa ka tallaabay wabiga Furaat "waxayna ciidamadooda ku sii jeedaan xadka ay wadaagaan Trukiga iyo Suuriya", sida ay sheegeen warbaahinta Ruushka oo soo xiganaya wasiirka gaashaan dhigga dalkaasi.

Xigashada Sawirka, AFP
Ciidamo Kolonya ah ayaa hadda gaaray Kobcayn, sida ay wasaaraddu sheegtay.
Howlaha socdana waxay qayb ka yihiin heshiiski ay madaxda Ruushka iyo Turkiga ka gaareen xiisadda waqooyiga Suuriya.

Xigashada Sawirka, AFP
Maxaa kale oo heshiis ku jira?
Dagaallamayaasha xooggaga kurdiyiinta ayaa loo qabtay 150 saacadood iney xadka ka fogaadaan 30 killo mitir laga billaabo caawa.
Marka uu dhammaado wakhtiga loo qabtay iney kurdiyiinta xadka Suuriya iyo Turkiga uga baxaan, ciidamada Turkiga iyo kuwa Ruushka ayaa ilaalo wada jir ah ka billaabaya bariga iyo galbedka dhulka uu Turkiga dagaalka ka wado.
Warmurtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Ruushka iyo Turkiga ayaa lagu sheegay in xoggaga kurdiyiinta " laga saarayo" Manbeyj iyo magaalada Tal-rifar oo 50 kiilo mitir u jirta kuna beegeen galbeedka dhulka uu Turkigu howlgalka ka wado.
Arbacdina wuxuu wasiirka gaashaan dhigga Ruushka sheegay xukumadda Suuriya iney 15 goobood ay ka sameynyso xadka Turkiga uu la wadaago.
Heshiiska sida looga falceliyey?
Maleeshiyaadka kurdiyiinta iyo hoggaanka siyaasadeed heshiiska kama aysan hadlin balse waxay soo dhaweeyeen heshiiskaasi.
Afhayeen Kremlin-ka Dmitry Peskov wuxuu sheegay haddii ay Kurdiyiinta dib u gurasha sameyn waayaan,ciidamada Suuriya iyo Ruushka dib ayey aaggaasi uga soo baxayaan si ay Kurdiyiinta u wajahaan "culeyska ciidan ee Turkiga"
Madaxweynaha Suuriya Bashaar al-Assad ayaa wuxuu walaac ka muujiyey faragelinta xoogagga shisheeye ay ku hayaan dalka Suuriya balse aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay sheegay inuu u mahadceliyey madaxweyne Putin "Sida uu taageerada buuxda" uu ugu hayo heshiiska.

Xigashada Sawirka, AFP
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraanna wuxuu sheegay heshiisku inuu yahay tallaabbo dhanka wanaagga loo qaaday wuxuuna sabab u noqon karaa inuu gobolka xasilooni u horseedo.
Xoghayaha guud ee gaashaan buurta NATO Kay Bailey Hutchison waxay sheegtay qorshaha Jarmalka uu Mareykankana taageeraya ee ah in aag ammaan ah la abuuro uu yahay mid wanaagsan balse ay lagama maarmaan tahay inuu Mareykanka qayb ka noqdo.
Arbacada maanta waxaa xafiiska xaruunta dhexe ee Qaramada Midoobay ee Geneva dab isku hor qabadsiiyey Kurdi ka soo jeeda dalka Suuriya isaga oo muujinaya sida uu uga xun yahay sida loola dhaqmaya dadkiisa.
Haddaba maxaa ka dhalan kara?
Qaramada Midoobay waxay sheegtay dad ka badan 176,000 oo ay ka mid yihiin 80,000 oo carruur ah iney labadiI toddobaad ee ugu dambeeyey oo keli ah ay ka barakaceen waqooyiga-bari ee dalka Suuriya, iyada oo ay aaggaasi ku nool yihiin dad ka badan 3 milyan oo qof.
Dad ka badan 120 qof oo rayid ahna ay ku dhinteen dagaallada ka dhacayey Waqooyiga Suuriya iyo dagaallamayaasha Kurdiyiinta oo gaaraya 259, 196 ka mid ah maleeshiyada Suuriya ee xulafada la ah Turkiga iyo 7 askari oo ciidamada Turkiga ah.
20 qof oo rayid ah ayaa sidoo kale lagu dilay weerar ay YPG ku qaadeen qayba ka mid ah dalka Turkiga, sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga.










