Wareysi ku saabsan waayaha fanka ee Fannaan Ismaaciil Dulcad

Qoraalka Codka, Wareysi ku saabsan waayaha fanka ee Fannaan Ismaaciil Dulcad

Ismaaciil Maxamed Ismaaciil oo ku magac dheer (Ismaaciil Dulcad) waa fanaan Soomaaliyeed oo ku nool dalka Holand imikase ku sugan magaalada Hargeysa.

Ka sokow codkiisa aadka loo jecelyahay Ismaciil waa mulaxan, waa halabuur midhaha heesaha iyo maansada sameeya, sidoo kale waxa uu tumaa kamanka.

Jaceylka uu xaaskiisa u qabo awadeed ayuu intaas oo waxyaabood ku kulansaday.

Ismaaciil waxaa magaalada Hargeysa kula kulmay weriyahayaga Sidiiq Maxamed Burmad. Sheekadan ayaana dhexmartay. Halkan ka dhageyso.