Gawaari uu lahaa wiilka madaxweyne Afrikaan ah oo lagu xaraashay Yurub

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qaar kamid ah baabuurta la xaraashay

Baabuur noocyo kala duwan ah oo uu leeyahay wiil uu dhalay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea, ayaa lagu xaraashay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Baabuurtan oo ay gacanta kusoo dhigeen mas'uuliyiinta dalkaas ayaa qeyb ka ah baaritaan ku socday Madaxweyne ku xigeenka dalkaas, Equatorial Guinea, Teodorin Nguema Obiang.

Wiilkan uu dhalay Madaxweynaha dalkas ayaa sidoo kale ah Madaxweyne ku xigeen u ah isla aabihii.

Shan iyo labaatan kamid ah toddobaanka babuur ee Obiang ayaa Axaddii la soo dhaafay lagu xaraashay meel u dhaw Magaalada Geneva.

Baabuurtaas oo ah kuwa ugu qaalisan caalamka ayaa waxa kamid ah Lamborghinis, Ferraris, Bentleys iyo Rolls Royces, kuwaas oo lagu xaraashay lacag dhan 27 milyan oo doolar.

23 milyan oo kamid ah lacagtan ayaa la sheegay in lagu kharash gareyn doono mashaariic arrimaha bulshada ah oo laga fulin doona dalka Equatorial Guinea, oo ah dal uu horay u guumeystay Spain, dadkiisuna ay yihiin fuqaro.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Baabuurta la xaraashay ayaa waxaa kamid ah baabuurka qaaliga ah ee Lamborghini Veneno Roadster

Mid kamid ah baabuurta oo ay iibsadaan dadka hantida leh oo kaliya, laguna magacaabo Lamborghini Veneno ayaa soo baxay sanadkii 2014-ka, waxaana lagu iibiyay 8.3 milyan oo doolar. Baabuurkan ayaa waxaa iibsaday qof aan heybtiisa la sheegin.

Bonhams oo ah shirkad ka shaqeysa xaraashka ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in rikoor cusub ay u tahay dunida oo aan horay loogu arag qiima intaas la eg oo lagu xaraashay Lamborghini.

"Baabuurtan oo kale waa kuwa faaido badan u leh shirkadaha sameynaya xaraashka, balse in la isku helo dhamaantood, waa mid aan horay loo arag," sidaas waxaa BBC-da u sheegay Lynnie Farrant, oo katirsan shirkadda wax xarashta ee Bonhams.

Xaraashka baabuurtan ayaa soo jiitay dad badan oo ku kala sugan caalamka, waxaana qaar kamid ah baabuurtan iibsaday shirkado laga leeyahay dalka Imaaraatk Carabta.

50 baabuur oo kale oo uu lahaa Madaweyne ku xigeenka, ahna wiil uu dhalay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea, ayaa sidoo kale lagu xaraahsay tuulada Cheserex, oo 30 kiloomitir u jirta Magalaada Geneva ee isla dalkaas Switzerland.

Waa kuma Teodorin Nguema Obiang?

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mr Obiang waa Madaxweyne ku xigeenka dalkaas, waxaana dhalay Madaxweynaha

Mr Obiang ayaa lagu wadaa in xilka Madaxweyne uu ka dhaxlo aabihii oo dalkaas maamulayay 40 kii sano ee la soo dhaafay. Teodoro Obiang Nguema ayaa dalka Equatorial Guinea Madaxweyne ka noqday sanadkii 1979.

51 sano jirkan ayaa sidoo kale la taliye u ahaa aabihii, wuxuna horay u soo noqday wasiirkii beeraha, kahor inta uusan noqonin Madaxweyne ku xigeenka dalkaas, sanadkii 2012-ka.

Qaar kamid ah warbaahinta caalamka aya kusoo warramay in Obiang uu dhaleceyn badan kala kulmay dadka, kadib markii ay sheegeen in uu si ixad-dhaaf ah u isticmaalo lacagta.

Sanadkii 2004, wargeyska the New York Times ee dalka Mareykanka ayaa Obinag ku tilmaamay in uu yahay nin dhaqaale badan heysta, baabuurta nooca ugu dambeeyana ku socda, dunida dacaldeedana isaga kala goosha.

Dacwad oogaha dalka Swizerland ayaa baaritan ku hayay ninkan, oo lagu eedeeyay in uu kala gudbiyo lacag si sharco darro ah lagu helay iyo ku tagrifalka hantida dadweynaha, hasayeeshee dowladda Switzerland ayaa meesha ka saartay dacwaddii loo heystay horaantii bishan.

Xafiiska dacwad oogaha ee dalkaas ayaa sheegay in kiiskan ay meesha ka saareen, kadib markii iyaga iyo Mr Obiang ay isku afgarteen in la iibiyo baabuurtiisa, si loogu maalgeliyo barnaamijyada arrimaha bulshada ee dalkiisa.

Sanadkii 2017, maxkamad ku taala dalka Faransiiska ayaa saddex sano oo xabsi ku xukuntay Obiang, kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasqu, hasayeeshee markii dambe ayay maxkamadda ka laabatay go'aankaas.