Dhacdo murugo leh oo nin iyo afadii oo dabka Amazon ka cararayey ku dhinteen

Eidi iyo Romildo waxay dhinteen iyagoo gurigooda bakhtiiya is leh

Xigashada Sawirka, Family handout

Qoraalka sawirka, Eidi iyo Romildo waxay dhinteen iyagoo gurigooda bakhtiiya is leh

Aqalkii Eidi Rodrigues iyo saygeeda Romildo oo cariish ahaa baa dumay. Waa aqalkii ugu horeeyey ee ay dhistaan waanay ku hanweynaayeen.

Qoyskani waxay ku noolaayeen Machadinho D'Oeste, oo ah tuulo ku taal miyiga gobolka Rondonia ee kaymaha Amazon ka ee woqooyi-galbeed ee Brazil.

Waa gobol isku qabsashada dhulku ku badan tahay oo ay isku haystaan bulshada ku dhaqan Machandinho D'Oeste, waxaana lagu yaqaan in ay dadku dhirta gubaan si ay dhul beereed u bannaystaan.

Cabsi ayey qabeen

Qoyskani had iyo goor ba way ka baqi jireen in dab ay shideen jaarkoodu ku fido daaraddooda, weliba xilliyada abaaraha.

Ogost 13 keedii ayaa wixii ay Eidi iyo Romildo wadnaha farta kaga hayeen dhacay.

Labadooduba waxay dhinteen iyaga oo is leh dabka gurigiina qabsaday bakhtiiya, markii holicii batayna way ka bixi kari waayeen.

"Dadka gobolkan ku nooli dhirta way gubaan laakiin maalintaa dabayl xoogle baa dhacaysay. Dabkii baa degdeg u fiday oo way ka carari kari waayeen" ayey tidhi Jeigislaine Carvalho oo ah hablihi ay dhashay Eidi midkood oo BBC-da u waramaysay.

Gurigaa cariishka ahi wuxu ahaa hanidii ugu horraysay ee ay weligood yeeshaan qoysku

Xigashada Sawirka, Family album

Qoraalka sawirka, Gurigaa cariishka ahi wuxu ahaa hanidii ugu horraysay ee ay weligood yeeshaan qoysku

Sannadkan Brazil tirada dabka ka kacay kaymaha Amazon waxay ahayd tii ugu badnayd tan iyo 2012.

Intii u dhexaysay Jeeniweri ilaa Ogost sannadkan waxa dab huray 82,000 taas oo 80% ka badan sannadkii hore mudadaas oo kale, sidaana waxa sheegtay wakaaladda hawada sare ee Brazil. Gobolka Rondonia oo keliya ayaa ilaa haatan ay 6,400 oo goor dab ka kacay.

Dadaal dheer

Eidi iyo Romildo 10 sano iyo dheraad ayay dhitaynayeen waxa soo gala si ay ugu iibsadaan dhulka ay guriga ka dhisteen. Jaarkoodu waxay booliska u sheegeen in qoyskaasi aanay ka tegi jirin gurigooda xataa marka dab xoog lihi kaco.

Sida beeralayda kale ee gobolka, ayay markay dhirta gubayaan u samayn jireen gebyanno dabku aanu dhaafin ama ugu yaraan hakin kara marka dabku xoogaysto.

''Dadku wax kasta oo ay kaga hor tagi karaan in waxa yar ee ay haystaan ka gubto way sameeyaan" ayuu yidhi dembi baadhe Celso Kondageski.

Dab ka holcaya dhul beereed

Xigashada Sawirka, João Messias Monteiro

Qoraalka sawirka, Dab ka holcaya dhul beereed

Tuulada ay Eidi iyo Romildo ku noolaayeen waxay ku taallaa dhul la xaalufiyey oo dabku aad u fido.

13 Ogost ayaa dadka deegaanku faafiyeen muuqaallo muujinaya dab holcaya oo leefay dhulkaa. Jeigislain, Eidi inanteedu, waxay sheegtay in hooyadeed iyo odayga qabay ay isku dayeen in ay dabka ka badbaadiyaan jingado cusub oo ay u soo iibsadeen in ay aqalka saaraan.

Dabin ayey galeen

''Jaarku waxay ii sheegeen in ay alaabta u gurayeen meel aqalka ka fog si aanay u guban" ayay tidhi.

Dabkii ayaa aqalka xagga dambe ka soo galay waxaanay Eidi iyo Romildo ka bixi karayeen albaabka hore ee aqalka, ayuu qof goob joog ahaa u sheegay booliska.

Hadhaaga gurigii gubtay

Xigashada Sawirka, João Messias Monteiro

Qoraalka sawirka, Hadhaaga gurigii gubtay

Laakiin si lama filaana ayuun baa dab xagii hore hadana kaga yimid.

Sida ay tebisay warbaahinta maxalliga ahi dabka ka kacay Machadinho D'Oeste wuxu leefay dhul bedkiisu dhan yahay 106 Acre iyo dheeraad.

Eidi iyo Ronildo gurigooduu wuu shuf beelay iyo laba guri oo kale.

Dabkii 13 Ogost kacay wuxu baabiiyey dhul 106 Acre ah

Xigashada Sawirka, João Messias Monteiro

Qoraalka sawirka, Dabkii 13 Ogost kacay wuxu baabiiyey dhul 106 Acre ah

Dadka goobjoogga ahaa midkood ayaa BBC-da u sheegay in dadku iyaga oo ka cabsanaya in lagu ganaaxo in ay dhir gubeen awgeed aanay ugu dhicin inay dab demiska ogaysiiyaan marka dab ay shideen xadka ka baxo.

''Dabku wuxu bakhtiyey markii uu beerihii oo dhan baabiyey, aadna wuu u weynaa oo xataa shaqaalahaa dab demisku umay taag heleen" ayuu yidhi qofkaa goob joogga ahaa oo aan doonayn in la magac dhabo.

14 Ogost oo ahayd maalin tii dabku guriga Eidi iyo Ronildo baabiyey tii ku xigtay ayey shaqaalaha dab demisku yimaadeen, waxaanay ka heleen maydii Eidi iyo Romildo oo dhuluxoolay meel 100 mitir u jirta halkii gurigu ka dhisnaa.

Way sumoobeen

Boolisku waxay rumaysan yihiin in ay u dhinteen neefta Kaarboon moono ogsaydh oo ay neefsadeen awgeed. Dadka ku dhintay waxay ahaayeen Eidi iyo Romildo oo keliya.

Qoysku digaag iyo doofaaro ayay dhaqan jireen

Xigashada Sawirka, Family album

Qoraalka sawirka, Qoysku digaag iyo doofaaro ayay dhaqan jireen

Jaarkoodii kale way ka baxsadeen guryaha gubtay midkood na cidiba ma joogin markaa.

Booliska ayaa haatan baadhay sababtii dabku u huray.

Baadhitaan

''Dembi deegaanka laga galay baa dhacay. Dadka ka masuul ka ah na waxa lagu soo oogi karaa dil kama' ah inay geysteen'' ayuu yidhi dembi baadhe Celso Kondagesk.

''Qofka meel sidaa ah dabka ku shidayaa waxay ahayd inuu garto inuu dadka layn karo dabku"

Eidi inanteedu waxay sheegtay in ay doonayso in loo cadaalad falo. ''Waxan dhacay masuuliyad darro ayey ahayd laba qofna way ku dhinteen. Ciddii waxan fashay waa in loo ciqaabaa" ayay tidhi.