Maxay dadka isdilo raggu ugu badan yihiin?

Tirada raggaa isdilo oo faraha ka sii baxeyso

Xigashada Sawirka, Getty Images

Helen Shumakhir walaalkeed wuxuu isdilay 6 sana oo ka hor isaga oo 28 jir ahaa. Helen inta qof ee isdishay ee ay garaneyso ayaa waxay u badan yihiin rag uu walaalkeed ka mid yahay , laakiin maxay tahay sababta ay iisu dilaan?

Dadku waxay aaminsan yihiin qofka inuu isdilo iney sanadkiba mar ku dhalato, balse xaqiiqdu sidaa waa ay ka duwan tahay.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay 793,000 oo qof oo dunida ku nool iney qudha iska jareen dadkaasina intooda badan ay rag yihiin.

Dalka Britain ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay dalalka dadka isdilo ay aad u yar yihiin. Hase yeeshee, isdilka ayaa wuxuu bani aadamka ku yahay halis la mid ah cudurrada dilaaga ee uu caalamka ka qayliyey.

Dalka Australia dumarka isdilo marka ragga la barbar dhigo waxay ka sarreeyaan seddex jibbaar, Mareykankana 3.5, Ruushka iyo Argentina waxay iyaguna ka sarreeyaan afar jibbaar.

Dalka Kenya laftiisa isdilka ku soo badanaya ayaa wuxuu noqday mid aad looga murgo. Dalka Itoobiyana inkasta oo tira rasmi ah aan laga haynin waxaa aad u soo badanaya wararka la xidhiidha dadka isdila. Intooda badanna waa rag.

Dalka Mareykanka oo dhibaatada isdilku ay aad ugu badan tahay ayaa wuxuu aasaasay 'sanduuq' ka hortaga isdilka. Kuxigeenka madaxa sanduuqa Jeal Harcuv wuxuu yiri "Laga billaabo marki aan billaawnay inaan xogta isdilka uruurinno marweliba wuxuu farqi aad u weyn u dhaxeeyaa tirada ragga iyo dumarka isdilo".

Arrinta dadka isdilo ama qudha iska jaro ayaa waxay noqotay mid waddama badan aad looga hadal hayo, sababaha ugu muhiimsan ee isdilka in la darsana waxaa ku gudban caqabado aad u badan. Tirada ragga iyo dumarka ee dunida ku sii kala fogaaneysana waxay ka mid ah waxyaabaha murugti sii badinayo.

Dumarka laftooda wey isku dayaan iney isdilaan ama qudha iska jaraan balse dalka Mareykanka tirada ragga iyo dumarka isku dayo iney isdilaan farqi badan uma dhaxeeyo hase yeeshee ragga habka ay u doorbidaan iney iisu dilaan ayaa ah mid arxan la'aan ah.

Waxaa sida oo kale dhibaatadaasi sii huriyey siyaabaha qofka uu isku dilo oo si fudud lagu helayo. 10-ka qof ee dalka Mareykanka hubka haysata 6 ka mid ah waa rag taasoo la fahmi karo waxa ka dhalan kara.

Daraasad la sameeyey oo laga qayb geliyey 4,000 oo qof ayaa waxay isugu jireen kuwa isku dayay iney isdilaan balse ku guul darreystay iyo kuwa dhibaata ka soo gaartay isbitaallada ugu jira, balse dadka daraasaddaasi laga qayb geliyey intooda badan waxay sheegeen iney ka go'an tahay iney isdilaan oo ay marun ka dhabeeynayaan.

Ragga maxay iisu dilaan?

Dumarku waxay dabeecad u leeyihiin waxkasta oo la soo darso iney eheladeeda iyo asxaabteeda la wadaagto, halka ay raggu wixi la soo darso ay liqaan oo ay caloosha ku haystaan.

Waddamada horumaray iyo kuwa soo koraya intaba waaliddiinta waxay ubadkooda ragga ah ku soo ababiyaan iney 'adadkaan' muujiyaan dhib kasta oo yimaaddana ay dusha u ritaan.

"Ninka ragga ma ooyo ayaan ku soo barbaarinnaa, ninka ragga oo dareenkiisa soo bandhigto ay tahay daciifnimo, ragguna waxaa ku soo barbaarinnaa iney dareenkooda marwalba qarsadaan" ayuu yiri Colman Adriscole oo arrimahan ku takhasusay.

"Hooyooyinka gabdhahooda waxa ay dareemayaan iyo waxkasta oo la soo darso wey kala sheekeystaan, dumarkana waxaa laga rabaa iney marwalba dareen muujiyaan."

Sida oo kale waxay daraasada kale muujinayaan iney dumarka u fududdahay dhibaata kasta oo ay la kulmaan iney xirfadlayaasha ragga ah kala tashtaan mararka qaarna waxayba qaadaan tallaabbooyin ay u arkaan iney xal u noqon karto dhibka haysta.

Isdilka ragga oo sii batay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Jeal waxay leedahay "Ragga marka ay dhib la kulmaan iska daaye waxa haysto ma doonayaan iney dibadda u soo saaaraan, mana ka fikiraan inuu dhibka haysto uu cadaadis maskaxeed iyo murug uu u horseeday."

Jeal iyo saaxibbadeed daraasadda ay wadajir u sameeyeen ay ku ogaadeen dadki Mareykanka u dhashay ee isdilay seddex ka mid ah oo keli ah iney ka heleen iney qabeen caafimaad darroo dhinaca maskaxda ah ayey tiri Jeal.

"Isticmaalka daroogada iyo cabidda khamriga ayaa ka mid meelaha ay raggu ka raadsanaadaaan iney dhibka haysto kaga nafisaan ama kaga dhuuntaan. Ragga arrimahaasi sida joogtada ah u sameeyana waxay tilmaan u yihiin iney haystaan dhibaatooyinka noocasi ah ilaa ay marki dambe gaaraan inay isdilaan."

Waxyaabaha kale ee ragga ku kallifa iney isdilaan waxaa ka mid ah arrimaha la xidhiidha shaqada iyo qoyska. Tusaale ahaan waddamada dhaqaalahooda uu aadka u burburay ragga ku nool shaqa la'aanta markay u adkeysan waayaan waxaa dhacda iney isdilaan.

Cadaadiska bulshada uga timaaddo, qofka oo ay kalsoonida kalunto iyo qofka oo isbarabar dhigo noolashiisa iyo noolasha saaxibbadii waxay iyaguna ka mid yihiin waxyaaba iyaguna sababa iney raggu isdilaan.

Xalka muxuu yahay...

Dhibaatada isdilka oo ah dhibaato bulsho oo aad u weyn in wixi xal u noqon karo si fudud loo sheego wey adag tahay.

Xalka ugu wanaagsan ee ay daraasaduhu ku tala bixinayaan ayaa waxay tahay inuu qofka xidhiidhkiisa uu badiyo dareenkiisana uu dadka uu ku kalsoon yahay la wadaago. Dadka oo lagu dhiirrageliyo iney noolashooda wixi la soo darso ay jiraan cid uu la wadaago oo uu kala tashto, qofka oo si lillaahi ah qofka ula tashtana waxaa looga baahan yahay inuu dhagta u raariciyo si wanaagsanna uu u dhageysto.

"Raggu iney dareenkooda soo bandhigaan, wixi calooshooda ku jira ay bannaaka soo dhigaan. Ragga sidaa sameeyana in loo ogaado iney yihiin dad adag oo fiira gaar ah in loo yeesha u baahan" ayuu yiri Colman Adriskol.

Arrinta kale ee loo baahan yahay oo ay daraasaduhu tilmaamayaan ayaa waxay tahay in ragga la dareensiiyo haddii ay isdilaan iney jiraan dad ay geeridooda sameeyneyso. Khubaradana waxay ku talinayaan inuu dadka isdilaya la dareensiiyo isdilku inuusan ahayn xalka kama dambeysta ah.

Waxyaabaha kale ee ahmiyadda u baahan ayaa waxay tahay tirada dadka isdila ee sii badanaya iney tira ahaan ka badan yihiin dadka ku dhinta shilalka gawaarida. Balse sida shilalka gawaarida looga wacyigeliyo bulshada loogama wacyigeliyo dhibaatada ay leedahay isdilka.

Meelaha qaar waxaa laga billaabay ururro dadka kala taliyo iney isdilin taasoo billow wanaagsan ah, tusaala ahaan Ingiriiska waxay leedahay wasaaradda ka hortagga isdilka, taasoo yareysay tirada dadka isdili jiray.

Rag iyo Dumar cidkasta oo isdisho waa bani aadam. Naf si fudud loo badbaadin lahaana iney si fudud ku go'do ma aha. Helen waxay ku weyday walaalkeed, dadka kalana waxaan rajeynayaa iney ehel dambe isdil ku waayin.