Baarlamaanka Jubbaland oo gudoomiye doortay

.

Doorasho goordhaw ka dhacday magaalada Kismaayo, ayey baarlamaanka cusub ee maamulka Jubbaland ku doorteen guddoomiye cusub.

Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo codadkii la tiriyey helay 55.

Cabdiraxmaan waxaa doorashada kula tartamay Xuseen shiinow oo isna codadkii la tiriyey ka helay ilaa 18 cod.

Waxaa xusind mudan in Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan uu ahaa guddoomiyihii baarlamaankii 1-aad ee Jubbaland, oo mar kale ayuu soo noqday.

Waa warbixin degdeg ah oo hadda ina soo gaartay, faafaahin dheeraad ahna waxaad naga filaysaan goor dhaw. Fadlan cusboonaysii bogga si aad xogta oo dhameystiran u heshid.