"Qarsoodi ayaan ku kala waday ganacsigeyga malaayiinta doolar ku fadhiya"

Xigashada Sawirka, Daragh Mc Sweeney/Provision
Taxanaha BBC-da ee The Boss waxa lagu falanqeeyaa guulaha ay gaareen dadka hoggaamiyeyaasha ganacsiga adduunka qaarkood, todobaadkan waxaan la hadalnay ninka lagu magacaabo Marcin Kleczynski oo madax ka ah shirkadda Malwaresbytes oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka.
Marcin ayaa waxa uu sheegay in muddo aad u dheer uu si qarsoodi ah ku kala waday ganacsigiisa oo ah barmaamijyada lidka virus-ka kumbuyuutaraadka ee Anti Virus loo yaqaano.
Waxa uu barnaamijkan alifay isaga oo aad u yar, isla markaasna dhiganaya jaamacadda

Xigashada Sawirka, Marcin Kleczynski
Markii sannadkii 2012-kii uu ka qalin jabinayay jaamacadda, ganacsigiisa waxa uu ahaa mid sumcad wanaagsan leh, islamarkaasna sameeya macaash lacageed oo aad u badan sannadkii oo gaaraya malaayiin doolar.
Maanta shirkadiisa waxa ay ku fadhidaa adduun dhan $126 , waxayna leedahay malaayiin macaamiil ah adduunka oo dhan.
Sannadkii 1989-kii ayuu ku dhashay dalka Poland, balse qoyskooda ayaa usoo haajiray Maraykanka isaga oo 3 jir ah, waxayna degeen magaalada Chicago.
Markii uu 14 jir ahaa oo uu aad u ciyaari jiray ciyaaraha kumbuyuutarka ayaa waxa dhalada ka haleelay virus badan, sidaas ayuuna ku bilaabay in uu barto wax kasta oo ku saabsan virsu-yada iyo sidii looga hortagi lahaa.

Xigashada Sawirka, Malwarebytes
Waxa uu shirkadiisa bilaabay 2008-dii isaga oo 18 jir ah, xilligaas oo ahayd markii uu jaamacadda bilaabay.
Hooyadiis waxa ay la doonaysay in uu waxbarashada sii wato, isna waxa uu doonayay in ganacsigiisa uu ka miro dhaliyo. Welwelka ugu weyn ee hooyadiis haystay ayaa ahaa in ganacsiga uu la bilaabayay nin 30 jir ah oo magaciisu yahay Bruce, kaas oo muddo sannad ah ay isla dhisayeen barnaamijkan.
"Waxaan ahaa 17 jir ah, ninkana waxa uu ahaa 35 jir , haddii aad arrintaas hooyadaa u sheegto ka waran maxay ku oran" ayuu yiri Marcin.
Markaas iyada ah Marcin iyo Bruce uma aysan kulmin fool-ka-fool, Bruce wuxuu ahaa farsamo yaqaan cillad bixiya kumbuyuutaraadka oo ku sugan Massachussets, halka Marcin uu joogay gurigooda oo Chicago ku yaala, mana aysan is arag illaa shirkadooda markii ay jirsatay 12 bilood.
Shirkaddooda maanta waxaa ka shaqaysa illaa 750 shaqaale ah, waxayna xafiisyo ku leedahay dalalka Ireland, Singapore iyo Estonia. Laga soo bilaabo sannadkii 2014-kii, shirkadda waxa ay heshey $80 milyan oo maalgalin ah.

Xigashada Sawirka, Marcin Kleczynski
Malwarebytes waxa ay sheegtay in barnaamijyadeeda ay bishii cillad bixisaa illaa 187 milyan oo virus bishii adduunka oo dhan. Sidoo kale waxaa maalin kasta barnaamijkooda la isticmaalaa 247 kun jeer.
Balse waxaa jirtay mar dhibaato aad u weyn ay soo food saartay, xiligaas oo barnaamijka shirkaddan uu mas'uul ka ahaa in ay hawada ka baxaan boqolaal goobood oo adeegga dadweynaha ah kadib markii barnaamijka uu si qaldan u sheegay in ay jirto cillad aanba jirin. Meelaha hawada ka baxay ee ugu darnaa waxaa ka mid ahayd xarunta gurmadka degdegta ah ee 999 iyo xitaa isbitaalo.

Xigashada Sawirka, Marcin Kleczynski
Marcin oo hadda 29 jir ah waxa uu da' yarta ku baraarujinayaa in ay iyagana bilaabaan ganacsigooda u gaarka ah halkii ay sugi lahaayeen in la shaqaalaysiiyo marka ay jaamacadaha dhameeyaan.
Waxa uu qirayaa in waxbarashadiisii jaamacadda ay aad uga adkayd marka loo barbardhigo saaxiibadiis, maadaamaa isaga waxbarasho iyo shaqo uu isku waday.










