In la heeso ma caafimaad ayaa ku jira?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dad badan ayaa jecel inay heesaha dhageystaan, balse cilmi baareyaal ayaa sheegay in heesidda ay sidoo kale u wanaagsan tahay caafimaadka qofka.
Sida ay khubaradu sheegeen, in la heeso waxay dadku ka heli karaan caafimaad dhinaca neefsashada ah iyo in qofka ay ka yaraadaan xanuunnada dhinaca sambabbada ah .
Xitaa in la heesho waxay wax badan u tartaa dadka xasuustoodu dhuntay, kuwaasoo marka ay codkooda ku heesaan ay maskaxdooda ka soo rayso xaaladdii ay ku jirtay.
Muddadii 20-ka sano ahayd ee lasoo dhaafay, cilmibaareyaal badan ayaa isku dayay inay aruuriyaan faa'iidooyinka caafimaad ee dhinacyada maskaxda, jirka ee laga dhaxlo qaadidda heesaha.
Barfasoor Daisy Fancourt, oo ka tirsan Jaamacad ku taalla magaalada London ayaa sheegtay in isbadallo dhowr ah ay ku dhacaan jirka, marka uu qofku heesayo.
"Isbaddalladaas waxaa ka mid noqon kara inay daciifaan unugyada jirka ee sababa inuu qofku walbahaaro, waxaa kale oo aan aragnaa in farxad ay jirka dhex saaqdo", ayey tidhi.
Saameyn badan
Barfasoor Fancourt ayaa sameysay cilmi baaris aad u xeel dheer oo ku saabsan arrintan, iyadoo dooneysay inay fahanto caafimaadka ku jira in la heeso, waxayna sheegtay inay heshay saameyn badan oo ka dhalata.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Heesiddu waxay ka mid tahay hababka dawo ahaanta loogu isticmaalo dadka qaba xanuunnada qaar. Horay ayey dhakhaatiir badan u sheegeen in heesitaanka uu caawiyo horumarinta howlaha maskaxda. Waxaa kale oo ay dadka u sahashaa inaysan dareemin in la karantiilay".
Haweeneydan aqoonyahanadda ah sheegtay in xitaa dhageysiga muusiga uu leeyahay faa'iidooyin dhinaca caafimaadka ah.
Daraasad ay sannadkii 2011-kii daabacday Jaamacadda Canterbury Christ Church ee dalka UK ayaa lagu sheegay in heesitaanka "uu faa'iido caafimaad u yahay dadka dhimirka ka xanuunsan".
Cilmibaareyaasha ayaa intaas ku daray dadka badan ee halmar wada heesa ay saameyn aad u weyn ka geysato xallinta dhibaatooyinka dhimirka.
Xasuusta luntay
Dhageysiga muusiga iyo gaar ahaan in afka laga heeso ayaa sidoo kale joogto loogu sameeyaa dadka xasuustooda ay luntay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Marka aan heeseyno, waxaa jirta qeyb ka mid ah maskaxdeenna oo wareegga dhiigeedu uu aad u sarreeyo - waxaa qeybtaas la yiraahdaa "precortical", waa qeybta inta badan ka shaqeysa soo celinta xasuusta qofka", sidaas waxaa yidhi Dr Simon Opher, oo cilmi baare ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxyaabaha kale ee ay dhakhaatriirta daraasada sameysay sheegeen waxaa ka mid ah in heesidda ay wax badan ka taro caafimaadka dhinaca neefsashada.
Dadka qaba xanuunka ay Soomaalidu u taqaanno neefta ayaa ka mid ah kuwa sida weyn loogu adeegsaday tijaabooyinka, waxaana la sheegayaa inay isbaddal ku dareemeen.










