Donald Trump: Waxa uu madaxweynihii Mareykanka ee baxay ka aaminsanaa Soomaaliya iyo dalal kale

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkasta oo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid diiran, islamarkaasna uu sii kordhayo iskaashiga labada dal, haddane waxaa sannadkii la soo dhaafay soo baxaya fikradaha uu Donald Trump ka qabo Soomaaliya.
Xilligaas, inkasta oo uusan toos u magacaabin, haddane Donald Trump ayaa laga soo xigtay hadalo ay warbaahinta adduunka aad u faafisay oo uu ka sheegay afar xildhibaan oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka, oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar, oo asal ahaan ka timid Soomaaliya.
Mid ka mid ah xildhibaanadaas uu weerarka afka ah ku qaaday Trump waa Ms Ocasio-Cortez oo ku dhalatay isbitaal ku yaala degmada Bronx ee New York, halkaas oo qiyaastii 12-mile u jirta meesha uu Donald Trump ku dhashay.
Trump ayaa haweenkan xubnaha ka ah Aqalka Congress-ka Mareykanka u sheegay in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, islamarkaasna ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka heysta.
Xilliga uu hadalka jeediyay oo ahayd bishii July, wuxuu yiri: "Waa arrin xiiso leh in aan aragno xildhibaanada dumarka ah ee xisbiga dimoqoraadiga, kuwaas oo asal ahaan ka yimid dalal dowladahooda ay gebi ahaanba yihiin kuwa masiibo ah, oo musuqmaasuq hareeyay, ahna kuwa ugu xun ee adduunka ka shaqeeya, in hadda dadka reer Ameerika oo ah kuwa ugu awoodda badan adduunka ay u sheegeen sida wax loo maamulo".
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Wuxuu Trump intaas ku daray in marka hore ay soo hagaajiyaan dalalkii ay ka yimaadeen.
Balse afarta dumar ee la sheegay in uu hadalka ula jeeday, saddex ka mid ah waxa ay ku dhasheen Maraykanka, marka laga reebo Ilhaan Cumar oo iyada oo yar Soomaaliya ka tagtay.
Ilhaan oo u jawaabtay Trump ayaa sheegtay in ay u dhaaratay qaranka Maraykanka iyo sidii ay uga difaaci lahayd wax ay ku tilmaamtay 'madaxweynihii ugu musuqmaasuqa badnaa ee soo maray".
Madaxweyne Trump ayaa sannadkii 2019-kii, dalalka Afrika iyo kuwa kale ku tilmaamay kuwa 'Gudaafad ah', hadalkaas oo ay ka dhalatay caro badan.
Sidoo kale Soomaaliya waxa ay ahayd dalka kaliya ee Afrikaanka ah ee maamulka Trump uu ku soo rogey mamnuucista xagga safarka, isaga oo ku eedeeyay in ay fadhiisimo u yihiin kooxo argagixiso ah.
"Dowlad la'aan, amni la'aan, boolis la'aan"
Madaxweynaha Mareykanka ayaa magaca Ilhaan si khaldan ugu dhawaaqay isagoo yiri "Eel-ann" iyadoo ay u sacbinayeen taageerayaal aan badnayn oo u soo baxay dhageysiga khudbadiisa.

Xigashada Sawirka, AFP
Wuxuu ka digay in Ilhaan Cumar ay suuragal tahay in ay qeyb ka noqoto maamulka Mareykanka haddii musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu ku guuleystay doorashada dhici doonto bisha Nofeembar.
"Waxay jeclaan lahayd in ay dalkeenna ka dhigta sida dalkii ay ka timid oo kale - Soomaaliya. Dowlad la'aan, amni la'aan, boolis la'aan. Waxaa ka jirta fowdo uun. Hadda waxay rabtaa in ay noo sheegto sidii aan dalkeenna u maamuli lahayn. Maya, waad mahadsan tahay", ayuu yiri Trump.
Trump ayaa mar uu booqasho ku tagay Minnesota sannadkii la soo dhaafay wuxuu ku canaantay dadweynaha gobolkaas sababta ay wali raalli uga yihiin in ay Congress-ka ku matasho Ilhaan Cumar.
"Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ee lagu magacaabo Ilhaan Cumar, waa qof neceb Mareykanka waxay iska indha tirtay weerarkii September 11-kii, ee lagu soo qaaday waddankeenna, sideed ku oggolaateen in qof noocaas ah uu idinku matalayo Minnesota."
"Aniga aad baan idiinka careysanahay dadkiinnan hadda", ayuu hadalka ku sii daray Trump.
Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay in Trump uu "ku guuldarreystay inuu dalka maamulo" iyadoo tusaale u soo qaadatay in 100,000 oo qof ay u dhinteen fayraska Covid-19, illaa 40 milyan oo qofna ay shaqadoodii waayeen, guud ahaan dalkana ay ka socdaan dibadbaxyo.
"Idinka oo aan war u heyn ayey yimideen gobolkiina" Minnesota
Mar uu ka hadlayay Minnesota, maalmo ka hor doorashadii 2016-kii, wuxuu sheegay in Soomaalida ay dhibaato u horseedeen gobolka.
"Minnesota waxaad ku aragteen dhibaatooyiinka ay keeneen qaxootiga siiba kuwa halkaan ku badan ee Soomaalida."
"Idinka oo aan war u heyn ayey yimideen gobolkiina iyagoo waliba qaarkood ay ku biirayaan ururka Daacish, waxayna xagjirnimada ku faafinayaan dalkeena iyo dunida oo dhan."
Wuxuu sidoo kale xilligaas si guud u eedeeyay dadka soo galootiga ah ee Maraykanka.
Daacish iyo Soomaalida
Bishii June, sannadkii 2016-kii; Donald Trump ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in Soomaalida ay ku biiraan Daacish.
Wuxuu tilmaamay in Soomaalida ay iska soo galaan Mareykanka, sidoo kalena ay dhibaato geystaan.
Hadalkaas markuu jeedinayay, wuxuu si gaar ah uga hadlay in ay tahay in isbadal lagu sameeyo waaxda socdaalka ee dalka Maraykanka.
Soomaalida Maraykanka daggan ayuu ku tilmaamay "qaxooti doonaya in ay Daacish ku biiraan."
Donald Trump wuxuu mar kale ku "celiyay in ay tahay in Muslim-ka laga mamnuuco Maraykanka."
Dhinaca kale waxaa xilligaas iyana hadashay Hillary Clinton oo cambaaraysay hadalada Trump
"Naceybka" uu Trump u qabo qaxootiga Soomaalida oo la shaaciyay
Bishii October ee sannadkii 2019-kii, bogga internet-ka ee telefishinka CNN ayaa daabacay xog laga soo xigtay buug ay qoreen weriyeyaal ka tirsan wargeyska The New York Time oo ka hadlaya sida uu madaxweyne Trump "u neceb yahay qaxootiga ka yimid Soomaaliya."
Sida lagu sheegay qoraalkaas CNN, bilihii ugu horreeyay ee xukunkiisa, madaxweyne Trump wuxuu Elaine Duke, oo xilligaasi ahayd kusimaha arrimaha ammaanbka gudaha, weydiiyay sababta ay u mamnuuci la'dahay qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya.
Xogta ku saabsan arrintan ayaa lagu daabacay buug cinwaan looga dhigay "Colaadda Xudduudda", waxaana buuggan lagu muujiyay aragtida madaxweyne Trump ee ku aadan dadka ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaasi oo uu arko in ay halis ku yihiin Mareykanka.
Sida lagu xusay buuggaasi: "Madaxweyne Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqda in si gaar ah ay u neceb yihiin Soomaalida, waxayna Soomaalida tusaale u soo qaadan jireen mar kasta oo ay doonayaan in ay muujiyaan halista dadka qaxootig ah ay u keeni karaan Mareykanka.














