Geerida gabayaagii usoo halgamay nolosha

Nidhal Qariibi

Xigashada Sawirka, Matthew Cassel

Qoraalka sawirka, Nidhal Qariibi

Ka hor inta uusan isdilin Nidhal Qariibi waxaa uu bartiisa Facebook kusoo qoray "Waa abbaare afartii duhurnimo, 27-da bisha Maarso sannadka 2018-ka, waxaan idiin ka tegaya anigoo 32 jir ah..dhammaantiin waan idiin jeclahay".

Qariibi waxaa uu ahaa gabayaa u dhashay dalka Tunisia, waxaa dhibaato ka heystay nolosha, waxaa uu noqday shaqo la'aan, waxaa uu dib ugu laabtay deegaankii ay kasoo jeedeen qoyskiisa, waxaa uu noqday rajo la'aan.

Way adagtahay in qofka uu sharraxaad ka bixiyo sababta uu qofka isku dilo balse khuburrada waxay sheegayaan in Qariibi uu soo wajahaya welwel iyo murugo ka dhalatay shaqo la'aantii soo wajahday, waxay arrintaas horseeday qalalaasaha dhaqaale ee ka taagan dalka Tunisia.

Sahan ay sameysay BBC laanta Carabiga ay ka sameysay Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ayaa muujinayaa in afar kamid ah tobbankii qof ee u dhashay Tunisia ay welwelsan yihiin.

Dibadbaxyo is xigxiga ayaa ka dhacay Tunisia sannadkii 2011-kii kaas oo horseeday in xilka laga tuuro madaxweynihii dalaas Zeynul Caabidiin Bin Cali

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dibadbaxyo is xigxiga ayaa ka dhacay Tunisia sannadkii 2011-kii kaas oo horseeday in xilka laga tuuro madaxweynihii dalaas Zeynul Caabidiin Bin Cali

Dunida Carabta waxaa harreeyay xasilooni siyaasadeed gaar ahaan qalalaasaha ka taagan Falastiin, harrdanka dalalka gobolka ay ugu jiraan shidaalka, dagaallada lagula ururada argagixisada.

Qalalaasaha siyaasadeed iyo dhaqaale xumida heystada shacabka ayaa waxaa ka dhashay Gu' Carabta ee dhaliyay kacdoonka kaaso oo ka bilaawday Tunisia markii uu isdilay nin dhalinyaro oo dalkaas kasoo jeedo.

Maxamed Bouazizi

Maxamed Bouazizi wuxuu qudaar ku iibin jiray waddooyinka caasimadda Tunis, waxaa uu is qabadsiiyay dab kaddib markii ay tacaddiyo u geysteen booliska isla markaasna ay ka qaateen qalabkii uu ku xamaalanayay, waxaa uu geeriyooday bishii January ee sannadkii 2011-kii, waxaa geeridiisa ka dhalatay dibadbaxyo ballaaran gudaha Tunisia iyo dalalka Carabta.

Wixii xilliggaasi ka dambeeyay dalka Tunisia waxaa kusoo batay dadka isdilayo oo dabka is qabadsiinayo.

"Markii uu Maxamed Bouazizi isdilay waxaa sare u kacay dadka isdilayo, waxay ka qeyb noqotay qaab lagu dibadbaxayo" ayuu yiri Aymen Daboussi oo ah dhakhtar cilmu nafsiga.

Gabadhii uu jeclaa Nidhal Qariibi

Xigashada Sawirka, Matthew Cassel

Qoraalka sawirka, Gabadhii uu jeclaa Nidhal Qariibi

Kiisaska dadka isdilayo waxay gaareen 857 sannadkii 20016-kii, sida ay sheegeyso Najla Carfa oo ka tirsan ururada bulshada rayidka Tunisia.

Qariibi waxaa si weyn uga walaacay dhibaatooyinka ka taagan dalkiisa, waxaa uu isku dayay inuu caawiyo dhalinyarada magaaladii uu kasoo jeeday, sida ay sheegtay gabadh ay saaxibo ahaayeen.

"Waxaa uu ahaa qof dabeecad gaar ah leh, waxaa uu ahaan nin da' yar oo firfircoon" ayay tiri Olfa oo aheyd gabadh ay saaxibo ahaayeen.

Qoyska Nidhal Qariibi

Xigashada Sawirka, Matthew Cassel

Qoraalka sawirka, Qoyska Nidhal Qariibi

Gabayada uu tiriyay Nidhal Qariibi waxay ka hadlayeen xoriyadda iyo waxyaabo kale, waxaana kamid ahaa "Waxaan ahay qof xor ah, haddii damaca jecelkaagu uu i dilo, geerida ayaan ku raaxeysanayaa", waxaa hadda geeridiisa kasoo wareegtay in ka badan muddo sannad ah.

In ka badan 25,000 qof oo ka qeyb qaatay daraasadda ay sameysay mashruuca sahanka ee Arab Barometer iyo BBC aya lagu sheegay in saddex ka meel dadkaas ay sheegeen inay dadka ku nool gobolladaas ay yihiin dadka u hayo welwelka.