Maxaad ka ogtahay waxyaabaha muhiimka u ah nadaafadda?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadku waa in ay diiradda saaraan sidii looga hortagi lahaa jeermiska ku faafaya guryahooda halkii ay ku mashquuli lahaayeen nadiifinta meelaha ay u arkaan in ay wasakhaysan yihiin, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay'adda RSPH ee arrimaha caafimaadka dadweynaha ee dalka Britain.
In xilliga ugu habboon la meyro gacmaha, dharka iyo waxyaabaha kale ayaa muhiin u ah nadaafadda balse hay'addani ayaa sheegeysa in mid ka mid ah afartii qofba uu u arko arrimhani in aysan muhiim ahayn.
Haddii qofku uu wax kastaa waddada saxda ahi u maro, waxa ay taasi keeni kartaa in la yareeyo caabuqyada iyo in laga hortago in cudurradu ay adkeysi u yeeshaan dawooyinka antibiyootikada.
Marnaba ma jiraan wax la is oran karayo "waa nadiif".
Sida lagu sheegay warbixinta hay'adda RSPH, waxaa jira jahwareer haysta dadweynaha oo ku saabsan farqiga u dhexeeya wasakh, jeermis iyo nadaafad.
Sahan lagu sameeyay 2,000 oo qof, ayaa lagu ogaaday in 23% oo ka mid ah dadkaasi ay rumeysan yihiin in jirka carruurtu uu u baahan yahay jeermiska halista ah si uu isaga difaaco jeermiskaasi.
Laakiin khubarada diyaarisay warbixintan ayaa sheegtay in tani ay tahay "aragti mustaqbalka halis noqon karta" taasi oo keeni karta in carruurto halis loo geliyo caabuqyada halista ah.
Taa baddalkeedana, waxa ayna ku talinayaan in dadku ay xoogga saaraan nadiifinta meela qaar wakhtiyo gaarka ah, xitaa haddii meelahaasi ay u muuqdaan kuwo nadiif ah, si ay u joojiyaan faafitaanka jeermiska "xun".
Mararka ay nadaafaddu aad muhiim u tahay?
- Diyaarinta iyo cunidda cuntada
- Marka cunnda gacanta lagu cunayo
- Ka dib isticmaalka musqusha ama suuliga
- Marka dadku qufacayaan, hindhisaan iyo marka ay duufka iska siiminayaan.
- Dhaqidda iyo nadiifinta dharka yaalla guryaha ee "wasakhaysan"
- Xannaaneynta xayawaanka guri joogta ahi
- Uruurinta qashinka
- Daryeelidda xubin qoyskaaga ka mid ah oo qaba cudur

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida lagu sheegay warbixintani, waxaa muhiim ah in gacmaha la meyrto marka la diyaarinayo ama la cunayo cunnada, ka dib marka qofku uu suuliga ku soo xaaja guto, marka la qufacayo ama la hindhisayo iyo daryeelidda qofka xanuunsan.
Nadiifinta jikada cunnada lagu kariyo iyo miisaska lagu jarjaro khudaarta iyo hilibka ayaa aad muhiim u ah gaar ahaan marka uu qofku jarjaro hilib cayriin ah iyo ka hor inta aadan cunnada diyaarin.
Kuraasta fadhiga iyo gudaha qolalka jiifka ayaa laga yaabaa in ay marar badan u muuqdaan kuwo aan nadiif ahayn balse badanaa waxaa ku dul nool jeermis aan aad halis ugu ahayn caafimaadka dadka.
Sidee nadiifintu ay meesha uga saartaa bakteeriayda?
Weelasha iyo miisaska oo lagu dhaqo biyo qandac ah oo saabuun leh ayaa nadiifin karaya bakteeriyada.
Balse in gebi ahaanba la dilo bakteeriyada waa in la helaa biyo aad u kulul.
Waxyaabah ay tahay in aad isticmaashid?
Inta badan waxyaabaha jeermiska iyo bakteeriyada lagula dagaallamo waxaa ay u kala baxaan ilaa saddex qeybood oo mid kastaa ay leedahay shaqo gooni ah.
- Waxyaabaha kiimikada ka sameysan ee sida saabuunta oo kale - waxa ay nadiifiyaan sheyga ama meesha lagu dhaqo, waxa ayna baabi'iyaan waxyaabaha sida dufanka oo kale ah balse marnaba kama takhluusayaan baktiiriyada.
- Waxyaabaha jeermiska dila - waxay dilaan bakteeriayda basle inta badan wax weyn kama tariu karaan meelaha dufanka leh ama wasakhda adage e muuqata.
- Waxyaabaha loo adeegsado nadiifinta iyo in jeermiska lagu dilo. Waxyaabahani waxaa marka hore lagu nadiifiyaa sheyga ka dibna waxaa loo adeegsadaa in lagu dilo jeermiska.
Sida ay sheegayaan khubaradu waa muhiim in qofku uu akhriyo macluumaadka ku qoran waxyaabahani nadaafadda loo adeegsado.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Aragtida khubarada caafimaadka?
Prof Sally Bloomfield, oo ka tirsan kulliyadda caafimaadka ee London ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dadku ay kala ogaadaan farqiga u dhaxeeya nadaafad iyo in laga takhluuso jeermiska.
Prof Lisa Ackerley, oo ka tirsan hay'adda ka shaqeysa caafimaadka dadweyanaha ee RSPH ee dalka Britain isla markaana ku takhasustay nadaafadda cuntada ayaa sheegtay in dadka marka ay dibadda u baxaan ee ay saaxibadooda la soo cayaaraan ama ay dibadda kula caweeyaan xubnaha qoskooda, waxaa soo raacaya bakteeriya iyo jeermis kale










