Dhalinyarada London oo xeelad cusub looga wacyigalinayo dilalka Tooreyda.

Iyadoo magaalada London ee caasimada UK ay ku soo kordhayaan dilalka dhalinyarada isku gaysanayaan iyo dambiyada tooreeyda la xirriira ayaa waxaa magaalada London lagu qabtay tartan kubadda cagta oo uu soo abaabulay urur samafal oo lagu magacaabo Mother & Child Welfare Organisation oo ah urur ka shaqeeya arrimaha Soomaalida.
Tartankaas kubadda cagta ah ayaa waxaa ka qayb galay ku dhawaad 200 oo dhalinyaro ah oo badankoodu Soomaali yihiin, kuwaasi oo ka koobnaa 14 kooxood, una tartamayey kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo saddexaad iyadoo tartanka kooxdii laga badiyo ay markiiba ka baxayso si waqtiga loo beekhaamiyo. Waana mid ka mi ah barnaamijyo dhalinyarada looga jihaynayo dambiyada ka dhex dhaca, kuwa ay gyestaan, isla markaanaa qaar kale oo horey ugu jiray looga saarayo.
Magaalo uu ku batay dilka dhilnayarada iyo dhibaatooyinka la xiriira sida isticmaalka maandoorayaha in meel la iskugu keeno oo hadana isdhexgalkooda iyo saaxiibtinimadooda laga shaqeeyo dhalinyaradaas si looga wacyigaliyo dariiqa qodxaha badan ee in badan oo ka mid ah naftoodii ku waayeen in kalana xabsiyada ugu jiraan ayaa ah waxa haatan si guud iyo si gaar ah looga shaqeynayo.

Naciimo Cali Xareed oo ah gudoomiyaha iyo aasaasaha ururka Mother and Child oo BBC-du kula kulantay garoonkii ciyaarahaasi ka socdeen ayaa farta ku fiiqday in ciyaaruhu ka mid yihiin waxa dhalinyarada ka dhex beeri kara isbarasho iyo isdhexgal, isla markaana looga jeediyo inay waqtigooda firaaqadaha ah ku bixiyaan waxyaabo dhibaato u keeni kara.
Naciimo waxay ku nuuxnuuxsatay in sababta ay u doorteen in barnaamijkaas u qabtaan dhalinyarada Soomalida ah ay tahay si ay u dareemaan in ay walaalo yihiin oo aanay dhexdooda dhibaato iskugu gaysan, maaddaama ay dhaceen dilal ka dhex dhacay dhalinyaro Soomaali ah, halka ujeedadda labaad ay tahay in ay wacyigalin iyo baraarujin loo sameeyo.
Tahliil Axmed Diiriye oo ka mid ah macalimiinta laylinaysay mid ka mid ah kooxihii tartanka ka soo qayb galay, ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay muhiim ugu tahay in dhalinyaradii uu watey iyo kuwa kale ee ka kala yimid degmooyinka kale ee London iyo Birmingham hal meel isugu yimaadaan ayna tartan saaxiibtinimo iyo nabad ku saleysan ka qayb qaataan.

Waalidiin badan oo Soomaaliyeed oo London iyo magaalooyin kale oo qurbaha ku yaal ku nool ayay uur ku taalo iyo utun ku tahay dhibaatada mindiyaha, iyo dilalka dhalinyarada, arinkaasi oo haatan dalka UK min Baarlamaan illaa guri caadi ah laga hadal hayo,maaddaama sanadkan iminaka kala barka ah dadka lagu dilay magaalada London ku dhow yihiin kala bar tiradii sanadkii hore la dilay oo aheyd 132 qof oo u badnaa dhalinyaro.
Xaliimo Sacdiyo oo ah hooyo Soomaaliyeed oo garoonkii ciyaaraha dhalinyarada loo qabtay u timid si dhalinyarada uga wacyigaliyo dhibaatooyinka midniyaha.
Hooyo Xaliimo Sacdiyo ayaa wiil ay dhashay waxaa lagu xukumay xabsi 10 sano ah ka dib markii uu toorey galiyey laba qof oo ajanabi wallow ay aanay u dhimin falkaasi, haddana xukunka lagu riday ayaa wiilkeeda ayaa Xaliimo ku dhiirigaliyey in waalidiinta iyo caruurta uga digto qatarta arrintan leedahay.
Tartanka ayaa waxaa ugu dambeyn isagu soo baxay laba koox oo kala dhisan London iyo Birmigham waxaa ku guuleystay kooxda Hiltop oo ka socotay degmada Brent ee Waqooyiga Galbeed ee London.










