Qaabkii uu u dhacay weerarkii Jaamacadda Garissa

148 ayaa lagu dilay jaamacadda Gaarisa

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

Qoraalka sawirka, 148 ayaa lagu dilay jaamacadda Gaarisa

Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ayaa saddex nin ku heshay dambi ah in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa, haddaba sidee ayay wax uga dhaceen gudaha jaamacadda?. BBC-da ayaa qoraalkan dib ugu eegeysa wixii dhacay.

3 bishii April 2015, afar nin oo hubaysan ayaa weerar ku qaaday jaamacadda Garissa ,iyaga oo si an kala sooc lahayn dadka u tooganayaay.

Ragga weerarka geystay ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanayay dadka Masiixiyiinta ka dib markii ay gudaha dhismahaa u soo galeen.

Ugu dambayntii, waxaa halkaasi lagu dilay 148 qof -oo intooda badan ay ardey .

Ciidamada ammaanka ayaa isku gadaamay Jaamacada islamarkana ugu dambeyntii dilay raggii weerarka soo qaaday.

Qoraalka Codka, Magaalada Garissa oo lagu soo gabgabeeyay tababar loo fidiyay macallimiinta

Kooxda al-Shabab ee Soomaaliya ka howlgasha ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi oo ahaa kii labaad ee ugu dhimashada badnaa taariikhda dalka Kenya.

Qaabkee ayuu u dhacay weerarka?

Ardeyda ayaa u diyaar garoobayay Salaadda Subax markii ay toogashada bilaabanaysay 5 aroornimo.

Raggii hubaysnaa ayaa markii hore waxay toogteen laba nin ee ilaalinayay Jaamacadda ka hor inta aysan u gudbin gudaha Jaamacadda.

Waxa ay ka dib u sii gudbeen xafiisyada maamulka,fasalada Jaamacadda iyo qolalka la seexdo .

Xilligii uu weerarka dhacayay waxaa waxaa jaamacadda ku sugnaa 900 oo arday.

  • Mintidiinta ayaa galay jaamacadda waxayna toogteen labadii askari ee ilaalinayay.
  • Toogashada ayaa ka billaabatay gudaha Jaamacada
  • Ardeyda ayaa lagu weerarary gudaha fasalada iyaga oo imtaxaan isu diyaarinaya
  • Ragga hubaysan ayaa la rumaysan yahay in ay go'doomiyeen qolalka ay gabdhaha seexdaan.
  • Qaar ka mid ah ardeyda ayaa baxsaday iyaga oo ka booday deerta Jaamacadda
map of Garissa university
Waa weerarkii labaad ee dadkii ugu badnaa ay ku dhinteen

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Qoraalka sawirka, Waa weerarkii labaad ee dadkii ugu badnaa ay ku dhinteen

Mid ka mid ah ardeyda ayaa waxa uu dib u milicsanayaa sidii ay ardeyda dableyda ugu kala gudbayeen qolalka Jaamacadda iyaga oo ardeyda waydiinayay in ay Masiixiyiin yihiin ama Muslimiin.

"Haddii aad masiixi tahay isla goobta ayaa laguugu tooganayaa," waxaa uu sidaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP. "Mar walba oo aan xabadda maqlo waxaan u malaynayay in aan dhimanayo."ayuu intaa ku daray.

Wararka ayaa sheegaya in ragga hubaysan ay dadka ku qasbayeen in ay dhulka jiiftaan ka hor inta aysan toogan.

Ciidamada militariga Kenya ee KDF loo yaqaano ayaa isku gadaamay jaamacadda halkaasi oo ay ardeyda ka soo daadgureeyeen.

Ciidamada ayaa waxaa u suuragashay in ay nadiifiyaan 3 ka mid ah qolalkii ay haysteen mintidiinta ,waxa ayna soo badbaadiyeen 580 qof .

Ugu yaraan 79 qof ayaa ku dhaawacmay.

Ka dib 16 saacadood ,afar nin ee hubaysnayd ayaa la isku gadaamay laguna dilay gudaha jaamacada.

Ciidanka Kenya oo ka jawaabay

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Qoraalka sawirka, Ciidanka Kenya oo ka jawaabay

148 ee dhintay, saddex ka mid ah waxay ahaayeen askar ,saddex na shaqaalaha jaamacada halka 142 ay ardey ahaayeen.

Hay'adaha dowladda Kenya ayaa ka digay maalmo ka hor weerar ay suuragal tahay in Jaamacadda ay ku qaadaan kooxaha mintidiinta.

Maxay ahaayeen ragga weerarka geystay?

Kooxda mintidiinta ee Al Shabab ayaa waxay sheegteen masuuliyadda weerarkaasi.

Al-Shabab, oo gacan saar la leh urur waynaha al-Qaacida,ayaa dhowr weerar ka gaystay gudaha dalka Kenya.

Weerarada ay gaysteen ayaa waxaa ka mid ahaa weerarkii ay ku dhismaha Westgate 2013, halkaasi oo ay ku dhinteen 67 qof islamarkana ay ku dhaawacmeen 200 oo qof.

Kooxda Al-shabab ayaa waxay sheegeen in weerarkaasi ay uga aargoosanayeen joogitaanka militariga Kenya ee Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay sheegtay in militarigooda ay dileen hogaamiyihii Al-shabab bishii September 2014.

Balse arrintan ma aysan wiiqin awoodii A-shabab oo wali si fir-fircoon uga howlgala bariga Afrika.

Bishii October 2017 -waxaa bartamaha Muqdisho ku qarxay gaari ah nooca qaada xamuulka halkaasi oo ay ku dhawaad 600 qof ay ku dhinteen.

Waa weerarkii labaad ee dadkii ugu badnaa ay ku dhinteen

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Qoraalka sawirka, Waa weerarkii labaad ee dadkii ugu badnaa ay ku dhinteen