Xasaradda ka taagan Gacanka Carbeed sidee looga falceliyey?

13 June 2019 ayaa la weeraray maraakiibta

Xigashada Sawirka, ISNA via Reuters

Qoraalka sawirka, Waddamo qaar ayaa taageeray Mareykanka balse intooda badan waxa ay ku taliyaan in in la iska ilaaliyo in xaaladda la sii murjiyo

Dunida waa ay daawanaysaa iyadoo walaac ka xooggan ka qabto xassaradda cirka isku sii shareereyso ee u dhaxeeysa Marekanka iyo Iran, ka dib markii ay dhaceen weerarradii lagu bartilmaameedaday laba markab oo marayay gacanka Cumaan toddobaadkii la soo dhaafay.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa daaha ka qaaday sawirro cusub oo muujinaya dhacdadaasi, waxa ayna ku doodayaan in aysan marnaba ka laba labaynin in ay hayaan cadayn ah in Iran ay ka dambeysay weeraradaasi, inkastoo Iran ay iska fogeeysay in ay ku lug lahayd weerkii maraakibta ee gacanka Cumaan.

Iyadoo ay xaaladda labadaan dal ay sii xumaanayso ayuu aqalka cad ku dhawaaqay in ciidamo dheeraad ah ay bariga dhexe geeyeen.

Sidee ayay dawladaha caalamka uga falceliyeen xasaraddan cirka isku sii shareeraysa.

Isniintina Pentagon-ka ayaa shaaca ka qaaday sawirro cusub oo muujinaya dhacdadaasi, waxa ayna ku doodayaan in aysan marnaba ka laba labaynin in hayaan cadayn ah in Iran ay ka dambeysay weeraradaasi

Xigashada Sawirka, US Department of Defense

Qoraalka sawirka, Isniintina Pentagon-ka ayaa shaaca ka qaaday sawirro cusub oo muujinaya dhacdadaasi, waxa ayna ku doodayaan in aysan marnaba ka laba labaynin in hayaan cadayn ah in Iran ay ka dambeysay weeraradaasi

Falcelinta Mareykanka

Mdaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegeya in weerarka lagu qaaday labada maraakiib toddobaadkii la soo dhaafay ay gebi ahaanba ka dambeysay Iran.

Isniintina Pentagon-ka ayaa shaaca ka qaaday sawirro cusub oo muujinaya dhacdadaasi, waxa ayna ku doodayaan in Iran ay ka dambeysay weeraradaasi.

Kadib markii shaaca laga qaaday sawiradan, sii hayaha Wasiirka Difaaca ee Mareykanka Patrick Shanahan ayaa sheegay in 1,000 askari oo dhewerad ah la geeyay Bariga Dhexe, iyadoo horayna u sii joogeen 1,500 kuwaasi oo bishii la soo dhaafay halkaasi loo diray.

Sida Iran ay uga Falelisay

Iran ayaanan wax falcelin ah ka bixinin weerkii ugu dambeeyay balse waxa ay iska fogeysay in ay ku lug lahayd dhacdadaasi, waxa ayna eedeynata Mareykanka ku tilmaantay mid aan meelna ku salaysnayn.

Isniinti madaxweyne Hassan Rouhani ayaa sheegay in Mareykanka uu ku guul dareystay in iran uu ka go'doomiyo dunida inteeda kale.

Donald Trump ayaa ka baxay heshiiskii niyukleerka Iran oo sannadkii 2015-kii la kala saxiixday, waxa uuna ku sheegay in Iran uu ku soo rogi doono cuna qabateyno adag.

Iran oo jawaab celin Mareykanka uga dhigayso ayaa sniinti sheegtay in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay u bilaabi doonto wajiga labaad oo ay kaga baxayso heshiiskii niyukleerka ee Iran.

Iran ayaa eedeynata Mareykanka ku tilmaantay mid aan xaqiiqda ku salaysnayn

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Iran ayaa eedeynata Mareykanka ku tilmaantay mid aan xaqiiqda ku salaysnayn

Midawga Yurub

Britain ayaa ku biirtay Mareykanka iyadoo Iran ku eedeysay weerarrada maraakiibta, balse Wasiirka Arrimaha Dibedda ee UK Jeremy Hunt ayaa labada dhinac ku booriyay in "xaaladda dejiyaan".

Dhawr wasiir dibadeed oo ka socda Midawga Yurub ayaa Isniintii taageray hadalkii Xoghayaha Qaramada Midoobay ee ahaa la sameeyo baaritaano madax-banaan oo ku aaddan dhacdada.

Mareykanka ayaa bilowgii bishan geeyay gacanka markab qaada diyaaradaha

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mareykanka ayaa bilowgii bishan geeyay gacanka markab qaada diyaaradaha

Ruushka

Ruushka ayaa Mareykanka ugu baaqay in uu joojiyo waxa uu ugu yeeray "qorshihiisa xaaladda sii hurinaya" kaasi oo uu ciidamo dheeraad ugu dirayo Bariga Dhexe, taasi oo sare u sii qaadayso khatarta ah in Iran iyo Mareykanka uu dagaal fool-ka-fool ah dhex maro.

Shiinaha

Shiinaha ayaa Iran iyo Mareykanka ugu baaqay in gacanka ay ka muujiyaan deganaan, waxa uuna ka digay in looga sii daro xaaladda gobolka.

Wasiirka arrimaha dibedda Wang Yi, ayaa weriyeyaasha u sheegay '' Waxaan dhammaan dhinacyada is haya ugu baaqeynaa in ay is dejiyaan oo aysan sameeynin ficillo xaaladda sii murjinaya.''

''Gaar ahaan Mareykanka waa in uu joojiyaa cadaadiska xad-dhaafka, taasi oo aan xasaradda haatan aloosan uga soo reynaynin.''

Saudi Arabia

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay hal dhinac ka istaagaan weerarrada balse boqortooyada ayaa sheegtay in aysan marnaba doonayn in gobolka uu digaal ka qarxo.