Dabinka jaceylka: Gabar lacag uu ka dhacay jaceylkeeda

Haweeneyda ayaa 22 goor lacag siisay ninka oo u sheegay in la dhacay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Haweeneyda ayaa 22 goor lacag siisay ninka oo u sheegay in la dhacay

Gabar ka shakisay in hooyadeed ay dhaceen burcadda internet-ka ayaa markii dambe iyada laga dhacay lacag gaareysa £40,000 oo u dhiganta in ka badan $50,000 oo dollar.

Gabadha oo haysata hal canug, kuna nool UK ayaa dhibbane u noqotay dabinka caashaqa, kaas oo ah dembi ku soo badanaya UK sida ay booliska sheegeen.

Hadda waxay haweeneyda sheegeysaa in ay ku dhacday shirqoolka nin ay markii horaba ay ka shakisay.

"Waxaan dareemayaa in dareen ahaan la i khiyaamay," ayey tiri.

Waxay sheegtay in hooyadeed oo "keligeed nool" ay xiriir jaceyl oo dhanka baraha bulshada ah la yeelatay ninka oo sheegay inuu Faransiiska u dhashay laguna magacaabo Jean Marc.

Balse markii uu hooyadeed u sheegay inuu caawin u baahan yahay oo lagu dhacay dalka Ivory Coast, gabadha way ka shakisay.

"Hooyadeey waxaan u sheegay in aysan isku deyin in lacag ay u dirto". Waxaan ku dhahay "waa beenaale", waa sida ay gabadhaas u sheegtay BBC.

Laakiin, aragtideeda ayaa isbeddeshay markii iyada ay la hadashay ninka.

"Cod macaan oo aad u dabacsan buu lahaa. Sheekooyiin ayuu u billaabay, qalbigeyga ayuuna ku dhex saaqay," ayey tiri.

Waxay su'aalo ka weydiisay xaaladdii uu ku sugnaa, balse Jean Marc wuxuu jawaab u hayay dhammaan wixii ka guuxayay maskaxdeeda. Xitaa wuxuu u soo diray sawir u muuqday mid la jarjaray oo muujinaya isagoo cisbitaal ku jira.

"Waxaan u diray lacagtii ugu horeysay. Xitaa hooyo uma sheegin, waxaan u sameeyay sidaa inaan iyada ka farxiyo," ayey sheegtay.

Markii ugu horeysay waxay u dirtay ku dhowaad $900 oo dollar. Kadib 21 goor oo kale ayay lacag u dirtay taas oo wadar ahaan gaartay in ka badan $50,000 oo dollar. Ma aysan joojin ilaa ay ka ogaatay in been loo sheegay.

Hadda waxaa deyn culus ku leh bangi, waxayna iibisay dhammaan dahabkii hooyadeed, rajana kama qabto in lacagteeda ay dib u hesho.

"Dhammaadka rajada guurkeeda"

Waxay sheegtay in arrinta ugu adag ay ahayd in seygeeda ay u sheegto wixii dhacay.

"Way igu adkaatay - arrinta laga dhinto waxay ahayd inuusan ka war hayn. Waxay ila noqotay in guurkeenna uu meesha ku dhammaanayo," ayey tiri.

"Markii aan u sheegay, xitaa imuusan eegin. Wuxuu igu yiri ma aamini karo in aad sidaa oo dhan nacas u tahay."

"Waxay ila noqotay in qalbi ahaan la i khiyaamay. Waxaan rajeynayaa in dadka ay aad u fakaraan ka hor inteysan rumeysan beenta ay sheegayaan khiyaanoolayaasha."

Woman at a laptop

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa soo baxaysa hadda in ninka isku magacaabay Jean Marc uu soo xaday aqoonsiga nin Faransiis ah oo lagu magacaabo Stephane Girynowicz.

Wejigiisa ayaa loo adeegsaday in lagu sameysto boqollaal bog oo been abuur ah oo Baraha bulshada laga billaabay sida Facebook uu ku faafin jiray safarrada.

Wuxuu Facebook ku baahiyay sawirka wejigiisa oo beenaalayaasha uu kaga codsanayay in ay joojiyaan isticmaalka magaciisa.

Sannadkii 2018, qiyaastii 4,555 dacwad oo la xiriirta dabinka jaceylka Internetka ayaa booliska loo gudbiyay. Marka la barbardhigo sannadkii ka horeeyay, boqolkiiba 27 ayay dembiyadaas sare u keceen.

Waxay u badan tahay in tirada ay intaa ka badan tahay, maadaama dad badan ay qariyaan dhibaatada gaarta.

Booliska waxay sheegayaan in ay markasta sii badanayaan dadka ku dhaca dabinta caashaqa.

"Way fududdahay maalmahan in lacag la xado iyadoo kombiyuutarka gadaashiisa la fadhiyo. Xilligii hore waxay ahayd arrin xun oo qofka ku qasbeysay inuu guri u dhaco oo wax uu ka soo xado - hadda way fududaatay," ayuu yiri PC Neil Cooper.

"Lama garan karo. Dhibaatada uu dhibbanaha ku yeesho waa mid aan laga soo kabsan karin. Waxay saameyneysaa noolashooda, walbahaar ayay ku beereysaa. Waxay ka dhigeysaa dad dareemaya in ay doqomo yihiin. Waa ficil laga yaqyaqsoodo."

Presentational grey line

Talo: sida Internet-ka loogu nabad galo

Romance scam

Xigashada Sawirka, Getty Images

  • Burcadda dabinka jaceylka waxay ku dhex wareegtaan akoonnada dadka kale waxayna kala baxaan kuwa caanka ah ee dhaqaalaha haysta ee lebbiska qurxoon, kadibna dadka kale ayay ku dhacaan.
  • Booliska way baari karaan wayna kaa caawin karaan arrintaas, balse lacagtaada kuuma soo celin karaan.
  • Burcadda aad ayay ugu fududdahay inay kula socdaan iyagoo adeegsanaya qadka IP-ga ee aad adeegsaneyso iyo isticmaalka lambar telefoon oo aan diiwaangashaneyn.
  • Weligaa lacag ha u dirin qof aadan weligaa arkin.
  • Aad uga fakar inaad baraha bulshada geliso macluumaad kuu gaar ah oo loo adeegsan karo in lagugu handado ama laaluush lagaaga qaato.
Presentational grey line