"Dad ku dadaalaya yareynta naceybka Facebook ku baahay"

Nina
Qoraalka sawirka, Nina

Kumannaan qof oo si mutadawacnimo ah u doonaya in hadallada nacaybka ah ee la soo dhiga barta Facebook la joojiyo, ayaa billaabay iney la dagaallamaan dadka baahiya waxyaabaha sababa naceybka.

Nina, ka hor inta aysan soo kicin oo aysan quraacan, gabadheeda oo 13 sano jira ah, waxay soo qaadataa telefoonka.

Sida dad badan oo naga mid ah ay sameeyaan, Nina ma fiirinayso Emailada ama wararka caalamka ka cusub, balse maalin walba waxay furtaa Facebook waxayna horay uga sii aadaa qol ay ku jiraan dad kooban.

Waxay qayb ka tahay koox caalmi ah oo isbadel doon ah. Asxaabteeda kale ee xubinta ka ah kooxda ay eegayaan wararka ama qoraallada lagu baahiyo barta Facebook oo ay ku badanyihiin fariimaha nacaybka, xadgudubyada ka dhanka ah dumarka iyo faafinta diin nacaybka.

Maahan inay isku deyayaan in ay bedelaan maskaxda dadka ku baahinaya nacaybka barta Facebook balse doodo ku salaysan xaqiiqo ayay la galaan dadkaas.

Fikrada wuxuu yahay in dadka isticmaalaya baraha bulshada ay helaan ama ogaadaan ra'yi ka duwan kuwa ay dadkan nacaybka wada ay shaacinayaan.

Maxaa arrintan ku kallifay?

Nina, oo 39 sano jira ah waxay seddax saacadood maalintii isticmaashaa Facebook si ay u dhexdhexaadiso fariimaha. Ujeedku wuxuu yahay in la abuuro is jaceyl ay iyada qeyb ay ka ahaato.

Nina
Qoraalka sawirka, Nina

Nina waxay fariinteedii ugu horeysay ay kooxda la wadaagtay bishii February 2017-dii.

Waxay samaysteen olole ay ugu magac dareen, hal ku dhigna ay uga dhigeen #IchBinHier.

Goormee ayey billaabeen?

Hal ku dhiggooda #IAmHere ayey ka billaabeen Sweden, kaddib markii ay saddex sano ka hor xaqiiqsadeen in baraha bulshada ay noqodeen meelo naceybka lagu baahiyo laguna weeraro dadka.

"Waxaa la igula kacay midab takoor, noloshayda oo dhan kama cabsaneynin inaan sameeyo arrinkan," Ayey tiri.

Mina Dennert

Facebook ma looga baahan yahay inay sameeyaan dadaal dheeraad ah?

Facebook ayaa aqoonsaday dadaalka ay wadaan dadkan mutadawiciinta ah kaddib markii ay warbaahinta shaacisay, waxaana looga mahadceliyay howsha ay hayaan.

Bayaan ay soo saartay Facebook ayey ku sheegtay inay isticmaalayso hab taknoloojiyad cusub ah oo ay uga hortagayso nacaybka.

Shirkadda ayaa barteeda ka mamnuucay ku dhawaad 200 oo ah ururro iyo dad faafinayay midab takoor.