Ebola oo alamtara soo dhaafay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Toddobaadkaan ayaa fayraska cudurka Ebola waxa uu ka soo gudbay dalka Jamhuuriyadda Dumuquraadiga ah ee Congo una tallaabay dalka Uganda, balse waxaa jira sababo keeni kara in cudurkaasi la xakameeyo oo aanu u gudbin dhanka kale ee xuduudda.
Arooryadii hore ee Isniintii, qoys ka yimid Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo ayaa dib ugu soo noqday dalka Uganda, kaddib markii ay halkaas aas uga qayb galeen.
Oday waayeel ahaa ayaa u dhintay Ebola, gabadh uu dhalay ayaana dalka awgiis uga baxday, si ay u baxnaaniso.
Mar allaale iyo markii qoyskaasi ay gaareen meel u dhow xuduudda Uganda, ayaa waxaa soo ritay qandho iyo shuban.
Waxaa la geeyey goob caafimaad waana la karantiiley, intii ay baadhitaannadu socdeen.
Hase ahaatee, markii aasku madoobaaday ayaa lix xubnood oo qoyskaas ka mid ahaa, uuna ku jiray canug shan jir ahaa ayaa ka baxsaday goobtii lagu hayey waxayna jibaaxeen waddo raf ah oo dhanka dalka Uganda aadda.
Dhowr cisho kaddib waxaa geeriyooday wiilkii yaraa iyo awoowgiis.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saraakiisha caafimaadka ayaa ka cabsi qabay in farayska Ebola uu ka gudbi karo xuduudda aan aad loo ilaalin ee Uganda.
Dhererka xudduuddaas ayaa lagu qiyaasi 500 oo mile ayadoo mararka qaarna ay dadku isaga gudbaan alwaaxyo ay dusha ka saareen webi halkaas kuyaal.
Ganacsata ayaa si aan xad lahayn halkaas isaga gudba, qaar ka mid ah ganacsatadaas ayaana digaagga iyo ukunta halkaas isaga gudbiya.
Mid ka mid ah sababaha aan Koongo qudheeda looga xakmayn karin cudurkaan ayaa ah in uu ku sii faafayo goobaha ay colaaduhu ka jiraan.

Ku dhawaad 120 kooxood oo hubaysan ayaa ku dhuumaaalaysanaya kaymo kuyaal Bariga dalkaas waxayna si joogta ah u af duubtaan ama u kufsadaan dad rayid ah.
Maleeshiyaadkaas ayaa lacag ka sameeya dhoofinta sharci darrada ah ee macdanta sida dahabka, waxay sidoo kale dhacaan xoolaha ayagoo tuulooyinkana guba.
Arrinta kale ee xaaladda si adkaynaysa ayaa ah, in dadwenaha deegaanadaasi aanay kalsooni ku qabin masuuliyiiinta dalkaas iyo sida ay uga jawaabaan xaaladaha adage ee cudurkaan.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa badanaa raaca ciidamada, arrintaas oo ayaduna shaki dhalisa.
Marka ay arkaan shaqaalaha caafimaadka oo afar afar u socda ayaa dadka qaar waxa ay iskula hadlaan "waa mashruucii Ebola".

Xigashada Sawirka, OLIVIA ACLAND
Tan iyo markii uu cudurkaas dillaacay, in ka badan 100 weerar ayaa lagu qaaday shaqaalaha caafimaadka iyo xarumaha lagu daaweeyo cudurka Ebola.
Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Koongo ayaa la daalaa dhacaysa sidii ay u maarayn lahayd, balse markii uu soo baxay warka sheegaya in fayrsaska Ebola uu ku faafay xuduudda, ayaa Uganda waxay qaadday tallaabo deg deg ah ayadoo tallaashay 4,700 oo hawlwadeenno caafimaad ah kana hawlgala 165 cisbitaal.

Xigashada Sawirka, OLIVIA ACLAND
Suuqyadii u dhawaa xuduudda ayaa albaabada loo laabay. Waxaana la hakiyey isu imaanshihii arrimaha diinta la xidhiidhay.
Dadkii ayaa bilaabay in qofba qofka kale aanu taaban oo aanay salaanta iska qaadin.
Dagaalka ay Uganda kula jirto cudurka Ebola ayaa caddayn doona awoodda dawladda ee ku aaddan sidii ay ugu guulaysan lahayd kalsoonida dadweynaha.
Dalkaasi uma kala daadsana sida dalka jaarka la ah ee ay dhibaatooinku daashadeen, waxayna Uganda leedahay nidaam caafimaad oo xogggan.
Ugu yaraan waxaa jirta rajo ah in Uganda ay xakamayso faafidda cudurkaas.










