Mareykanka oo uga digey Turkiga in ay Gantaalo ka iibsadaan Ruushka

Mareykanka ayaa kadigay in aysan Tukiga heli doonin diyaaradaha Mareykanka

Xigashada Sawirka, PA

Qoraalka sawirka, Mareykanka ayaa kadigay in aysan Tukiga heli doonin diyaaradaha Mareykanka

Dowladda Turkiga ayaa waqti kama dambays ah loo qaybtay in ay kala doorto inay iibsanayso diyaradaha ee Mareykanka ama gantaalada lidka diyaaradaha oo ay Ruushka ka iibsanayso.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Turkiga ugu dambayn ay arrintan go'aan ka gaaraan dabayaaqada bisha July.

Xoghayaha gaashaandhiga ee Mareykanka Patrick Shanahan ayaa waqtigan kama dambaysta ku sheegay warqad uu u diray dhigiisa Turkiga Hulusi Akar.

Shanahan ayaa sheegay in Turkiga aysan wada heli Karin diyaaradaha dagaalka ee F-35 iyo gantaalada difaaca hawada ee Ruushka,S-400.

Mareykanka ayaa ku doodaya in gantaalada lidka diyaaradaha ee Ruushka aysan u dhigmin kuwa difaaca Nato islamarkana ay arrintan tahay mid keeni karta khatar dhanka ammaanka ah .

Dowladda Turkiga ayaa doonaysa inay lahaato siyaasad difaac oo ka madaxbanaan Nato,islamarkana waxay Turkiga heshiis la galeen Mareykanka kaasi oo ay uga iibsanayaan 100 diyaaradood oo ah nooca F-35s, .

Muxay tahay cawaaqib xumada ay Turkiga wajihi karaan?

Mr Shanahan ayaa warqadiisa ku sheegay in Mareykanka "ay aad uga xun yihiin " inay maqlaan in Turkiga ay Ruushka u direen saraakiil si loogu soo tababaro isticmaalka gantaalada difaaca hawada ee S-400.

"Turkiga ma heli doonaan diyaaradaha F-35 haddii ay keensadaan gantaalada nooca S-400," ayuu warqadiisa ku yiri. "Waxaad wali haysataan khiyaar aad ku badali kartaan qorshihiina gantaalada S-400."ayuu intaa ku daray

Gantaalada S-400 ee Ruushka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gantaalada S-400 ee Ruushka

Hasa yeeshee madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadadii sheegay in wadankiisa ay "ka go'antahay" in ay horey u sii wadaan qorshaha ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaalada lidka diyaaradaha ee S-400.

Maxay yihiin gantaalada S-400?

Gantaalada S-400 waa mid ka mid ah gantaalada ugu casrisan caalamka dhanka difaaca hawada.

Waxa ay gantaalada S-400 gaarayaan 400 km waxaana is daba joog ah ay halkii mar u soo ridi karaan 80 bartilmaameed.